aragti-isir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragti-isir
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aragtiin isir
Factor theorem
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aragti ishirdi
Collision theory
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aragtiin
Theorem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragtiin
-ta: (magac, dhedig, keli) murti xisaabeed la sugo in ay sax tahay. Tusaale ahaan, aragtiinta baytagoras; saddexagalka leh xagal qumman in uu dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman oo labo jibbaarani le'egyahay labada dhinac ee kale oo labajibbaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragtirsi
m.l Hab qaanta loo baxsho oo ku salaysan xoolaha la bixinayo iyo dadka wax bixinaya in laysu tiriyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aragti tiro
Number theory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragtidheer
(tilmaame) mid garaadka si fiican u adeegsada oo saadaalin kara waxa soo socda. Nin aragtidheer arrin kama habaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragti-haraa
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (xa) gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (xa), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragtidheeri
-da: (magac, dhedig, keli) xirribta iyo fahanka fog ee qof leeyahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aragti itimaal
Probability theory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rakhiisi
-yey / say: (v) make cheap or cheaper; cheapen (Jiipen); lower the price; reduce the price
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakhiisi
(fal) jebi oo wax aan qaali ahayn ka dhig Alaabta shacabka u rakhiisi. Dh: raqiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqiisid
(Raqiisid-da)
Raqiis noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqiisid
m.f.dh eeg raqiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqiisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax raqiis ah oo qiimo jaban leh noqosho. Dh: rakhiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqiisin
(Raqiisin-ta)
Raqiis ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqiisin
m.f.dh eeg raqiisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqiisin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax raqiis ah oo jaban ka dhigid. Dh: rakhiisin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ratifier
ratifier, v. - la oggolaado; la aqoonsado
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ratisser
ratisser, v. - ku xaagid isuguna geyn meel gudh ah iyada oo la isticmaalayo faraleey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gratifier
gratifier, v. - abaalgud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argaggixis
m.l la-mid: argaggixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
argagixiso
-argagixisada: (n) 1. terrorism (tere rii zim). 2. terrorist (tereriist)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
artificier
artificier, n.m. - ninka ciidamada hubka u sameeya; rashka rida
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragirgir
-ka: (magac, lab, keli) sacab fidsan oo dhanka danbe la iskugu dhirbaaxo. Dh: farajirjir, faragorgor.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ratiboiser
ratiboiser, v. - gaadasho; boobid; dhicid
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
aragti hore
front-view
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragtiharaa
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggixiso
(Argaggixisa-da)
1. Dad ama urur, argaggixin ku doonta danohooda, siiba kuwa siyaasadeed.
2. Wax lala argaggaxo oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argaggixiso
m.dh.u 1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
argaggixiso
m.dh.u 1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
argaggixiso
f. n., [collective] terrorism; groups of terrorists
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggixiso
-da: (magac, dhedig; keli) koox ama urur cabsida dadka kale ka faa'idaysta oo dhaqaale, siyaasad ama dano kale ka soo gasho. Ciidamada argaggixisada la dagaallama ayaa soo qabtay doon ay saarnaayeen afar budhcad ahi. Dh: budhcad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
argaggixiso
de: terrorism; [pl] groups of terrorists
lx: argaggixiso
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: argaggixiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggirgir
(Faraggirgir-ka)
Sacabkoo fidsan oo sida seefta laysugu dhufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggirgir
m.l Gacanta dhabarkeeda oo cid lagu dhufto. la-mid: faraggoror, farajirjir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggirgir
m. n., [compound] blade of the palm; karate chop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggirgir
de: blade of the palm; [ext.] karate chop
lx: faraggirgir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraggirgir
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
aragti dhinac
side-view