aragdhowaadka
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragdhowaadka
m.l (-rgo ..., m.l) (daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arag-dhowaadka
m.l (-rgo ..., m.l) (daawo) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhowaan
m.f.dh eeg caradhow. la-mid: caradhowaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhowaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad la'aan; degdeg u xanaaqid. Dh: cadhadhowaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhowaansho
m.l/dh la-mid: caradhowaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhowaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof isla markiiba cadhoonaaya ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arahdoonad
m.l la-mid: arahdoonasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arǫorhoraad
m.dh (-ddo, m.dh) la-mid: arǫoryohoraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadhiwaadhi
-da: (magac, dhedig, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ah sida ay u socdaan carruurta la qudaa. Waadhiwaadhida daa oo saani u soco. Dh: waadhwaadhsi.
waadhiwaadhi -da: (magac, dhedig, keli) xilli barwaaqo la yahay. Dh: bashbash, berisamaad.