arag-dhowaadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arag-dhowaadka
m.l (-rgo ..., m.l) (daawo) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragdhowaadka
m.l (-rgo ..., m.l) (daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xariga dhammaadka
finishing tape
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caradhowaan
m.f.dh eeg caradhow. la-mid: caradhowaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caradhowaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad la'aan; degdeg u xanaaqid. Dh: cadhadhowaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siiriga dhamaadka
final whistle