araar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araar
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka ama qoraalka qaybta hordhaca u ah. Araar kooban ka dib, wuxuu u daadegay akhrintii gabayga. Dh: gogoldhig. hordhac. Li: gabagabo, gunaanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraar
(Abraar-ka)
Soo bood; meel dad badan ama dhir badan xoog ku marid; jibaax; majiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraar
abraar¹: m.l 1. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. la-mid: abraarid.
abraar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abraar
v. rush, stampede
abraar vl. n. stampede, rush, act of rushing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abraar
name-m stampede, rush; act of rushing. Lit: he who was born too quickly after the initial labor
Carabi: name-f devoted to God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abraar
-ay / tay: (v) stampede (staampiidh); cause for example a herd of animals to flee in panic and over run something or someone ~ didmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abraar
magac loo baxsho wiil dhashey iyada oo aanay hooyadii in badan foolan; soo jiidhe; soo dhaqsade; ma raage.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraar
(fal) si kidis ah oo aan fiirsi lahayn u bood oo wax u sii dhex jibaax. Cigaal kolkii uu libaaxa arkay ayuu kor u abraaray.
abraar: (fal) gal safar aan soo laabasho lahayn.
abraar -ka: (magac, lab, keli) booddo kedis iyo fiirsi la'aan ah oo wax la sii dhex jibaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araare
(Araara-ha)
Labo qolo oo dagaallamaya oo la kala joojiyo; dagaaljoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araare
m.l 1. Kala joojinta iyo maslixidda dad dagaalamaya. la-mid: araari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araare
vl. n. end of fighting, cease-fire; mediation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araare
-ha: (magac, lab, keli) dhexdhexaadin iyo dagaaljoojis; labo qolo oo dagaalamaya oo la kala joojiyo. Dh: araarse.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araare
de: end of fighting, cease-fire; mediation
lx: araare
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: araare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araari
m.dh Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asraar
m.dh 1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asraar
f. n., pl. magical secrets
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asraar
-ta: (magacwadareed) arrimo qarsoon oo awood la dareemo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asraar
bw: Arabic
de: magical secrets Sg: sir
lx: asraar
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: asraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraar
1. (Baraar-ka) Dhasha idaha; naylo.
2. (Baraar-ta) a) Afeef. b) (lo') geeso rogan; weji ballaaran; baaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraar
baraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
baraar²: m.dh Neef lo' ah oo leh geeso labada dhinac u kala rogan; sheexo.
baraar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraar
f.mg1 (-ray, -rtay) Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan. m.f.dh baraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraar
m. n. lamb, young sheep
baraar: [feminine] n., [collective] cattle species (with twisted horns and a wide face)
baraar: v. prosper; be content
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baraar
-ka: (n) lambs (laamis); the babies of sheep
baraar: -ay / tay: (v) prosper (paroos per); be fortunate or successful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraar
(fal) eeg badhaadh.
baraar -ka: (magacwadareed) maqasha idaha ee caana nuugga ah, aan weli laga gudhan ee reer joogga ah. Baraar iduu noqdaa.
baraar -ta: (magac, dhedig, keli) hadal laga sii hordego intii hadhow eedi ka iman lahayd. Hadalka hortiiba baraar dhigtay. Dh: afeef, shuruud.
baraar -ta: (magac, dhedig, keli) sida lo'da qaarkeed geeso rogan leh iyo weji ballaadhan. Dh: baaji.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baraar
Bir baraar kore iyo mid hoose leh ee la saaro birta la xariiqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraar
m.l la-mid: farraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaar
(Garaar-ta)
1. Jiljileeca dadka qaarki gacmaha ku lee yahay, oo la moodo inaan kalaggoysyadu, siiba xusulladu, is hayhaysan oo jaban yihiin.
2. Duudduub iyo mardimo dadka cayillani surka ku yeeshaan.
3. Dhaqdhaqaaq; nuuxnuunsi; dikaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3.Dhaqdhaqaaq; dikaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Jileec xusullada gacmuhu yeeshaan oo gadaal gacmuhu u jirdaacmaan. 2.Duuduub iyo mardimo dadka cayilani surka ku yeeshaan. 3.Dhaqdhaqaaq; dikaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaar
f. n. shape of the arm allowing very flexible movement (considered a sign of beauty in a woman)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaar
de: shape of the arm allowing very flexible movement (considered a sign of beauty in a woman)
lx: garaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: garaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaar
(Karaar-ka)
1. Cayil; shishlaan.
2. Buux; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaar
karaar¹: m.l 1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.
karaar²: m.l (fiisikis) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).
karaar³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Cayilid. 2. Badasho; buuxid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaar
karaar¹: m.l 1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.
karaar²: m.l (fiisikis) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Karaar
Acceleration
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karaar
m. n., [abstract] fatness, plumpness; fullness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaar
-ta: (n) acceleration (ak-sala-reey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaar
-ka: (magac, lab, keli) korodhka xawaaraha hal ammineedkiiba.
karaar -ka: (magac, lab, keli) orod xoog iyo dheeraynba leh. Dh: xawli, xawle.
karaar -ka: (magac, lab, keli) cayillaan iyo buurnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karaar
de: fatness, plumpness; fullness
lx: karaar
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: karaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraar
m.dh (-ro, m.l) Qalqalooc ama xarar wax la qorayo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraar
(Qaraar-ka)
Guddoon; go'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraar
qaraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhadhan aan macaanayn. 2. Go'aan. 3. Maseyrka laga maseyro cid waxay haysato. la-mid: xaraar.
qaraar²: m.l (-rro, m.dh) (taar.) Go'aan rasmi ah, ee ka soo baxa boqor, boqorad ama madax kale.
qaraar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Cid wax ay haysato ka masayrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaraar
qaraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhadhan aan macaanayn. 2. Go'aan. 3. Maseyrka laga maseyro cid waxay haysato. la-mid: xaraar.
qaraar²: m.l (-rro, m.dh) (taar.) Go'aan rasmi ah, ee ka soo baxa boqor, boqorad ama madax kale. m.f.dh, qaraarid.
qaraar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Cid wax ay haysato ka masayrid. m.f.dh, qaraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraar
[adjective] bitter (taste)
qaraar m. n. decision, resolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraar
-ka: (n) bitter (bit'ar); unpleasant taste; sour (saa-war) taste ~ qadhaadh, kharaar
qaraar -ka: (n) 1. resolution (reza-lu-shin); decision (di-zi-shin). 2. decree (dik-rii); order (oor-dher) ~ qadhaadh; go'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraar
-ka: (magac, lab, keli) go'aan cidi goosato. Arrintaa qaraar baa laga soo saaray Dh: guddoon, go'aan.
qaraar -ka: (magac, lab, keli) diidmo iyo niyad jab.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaraar
قَرَارٍ مُرٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraar
(Saraar-ta)
Meel korraysa dusheeda sare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraar
m.l.u Weylo daaqa oo aan dhibaato mudanayn caanaha hooyada hadday waayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saraar
f. n. top
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraar
-ta: (magac, dhedig, keli) meel korraysa dusheeda sare. Saraar buu geelii u baxay.
saraar-ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo ku yaal bariga waddanka Soomaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraar
(Taraar-ka)
Wax xoog iyo dhaqso lagu dhexmaro; jibaax; dardar; jiiris; abraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraar
taraar¹: m.l (-ryo, m.dh) 1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. la-mid: taraarid.
taraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taraar
v. force oneself through; run over ~ through
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TARAAR
(Tarad) N Kalanchoe flammea Stapf. Crassulaceae.
N Kalanchoe marmorata Bak. Crassulaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taraar
-ay / tay: (v) move by crowding or pressing; barge (baarj); crush (karaash) ~ jibaax, jiidh, jiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraar
(fal) xoog ku dhexmar, jiidh oo dhaaf. Dh: jibaax, dardar, abraar, jiidh.
taraar -ka: (magac, lab, keli) wax xoog iyo dhakhso lagu dhexmaro. Dh: jibaax, jiiris, dardar. abraar.
taraar -ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha geesaha isku hirdiyaa nabarada ay geesaha iskaga jeexaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taraar
de: force oneself through; run over ~ through
initial: t
lx: taraar
nt: taraar (ka) [vn-m]
pd: (taraaray)
ps: v1=tr
key: taraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraar
(Waraar-ka)
1. Neef ama wax la mid ah oo inta wadajir loo qaato, hadhow qiimihiisa la qaybsado, la qaaraanto.
2. Dhul dillaacsan; Jeex.
3. Oogada nafleyda meel ka mid ah; duud; waraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraar
m.l (-rro, m.dh) 1. Neef iyo wixi lamida oo inta wada jir loo qasho qiimihiisa la qaybsado. 2. Oogada nafleyda meel ka mid ah; duud; waraq. 3. Buur gollaheeda; jeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraar
m. n. animal owned and slaughtered by a group of people
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraar
-ka: (magac, lab, keli) qeybtanka wax shuraako lagu yahay oo dad ka dhexeeya, sida neefla wada qasho oo qiimihiisana la qaybsado. Reerkeenu weynoo waraar kama wax dooneene, waxeyga iyo waxaagaba an cuno waalli saw ma aha? Dh: fasas.
waraar -ka: (magac, lab, keli) dhul dildilaacsan ama jeejeex ah oo qaw ah. Waraar dheer ka dhacay sidii xadhig wadaameede. Dh: jar, qaw, xaraar. Li: daleed.
waraar-ka: (magac, lab, keli) oogada nafleyda meel ka mid ah. Dh: duud, waraq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraar
de: animal owned and slaughtered by a group of people
initial: w
lx: waraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: waraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraar
1. (Xaraar-ka) Dhadhan aan macaaneyn (ama kharaar, qaraar).
2. (Xaraar-ta) Dhagax-nuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraar
m.dh (-ro, m.l) 1. Gebi ku yaal babac qar dheer oo badanaa daayeerku ku hoydo habeenkii. 2. la-mid: tarro. Dhagax-nuuradeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarąar
xarąar¹: m.l 1. Dhadhan aan macayn. 2. Wallac. la-mid: kharaar.
xarąar²: f.g1 (-ray, -rtay) Haweeney wallicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaraar
xarąar: m.l 1. Dhadhan aan macayn. 2. Wallac. la-mid: kharaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraar
m. n. (adj.): bitter taste; bitterness; bitter, acrid, sour
xaraar [feminine] n. limestone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraar
-ka: (n) bitter (bitar) ~ qaraar, kharaar
xaraar -tay: (v) morning sickness; sickness of early pregnancy ~ wallac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraar
(fal) xadhaadh oo cunto ama caleen ku sumaw. Jaadka ku xaraar. Dh: xadhaadh.
xaraar: (fal) jaad bun, shaah ama wax la mid ah u hamuun oo u baaho; xaraaro ha ku hesho oo cas iyo hamaahsi badan yeelo. Bunka u xaraar.
xaraar-ka: (magac, lab, keli) dhadhan aan macaanayn oo dacarta iyo dawooyinka badhkood ay leeyihiin. Bunka xaraar ayaan fuudi kari waayay Dh: qaraar, kharaar, qadhaadh, xadhaadh.
xaraar-ka: (magac, lab, keli) sumaw ama balalood lagu sumoobo oo lagu xadhaadho cunto ama caleen la cuno. Caano ama sharaab badan oo la cabbaa xaraarka way khafiifiyaan. Dh: xadhaadh.
xaraar -ta: (magac, dhedig, keli) jar aad u dheer oo in la fuulaa adag tahay. Xaraar daayeer xoolo ma daaqaan. Dh: jar, qaw.
xaraar-ta: (magac, dhodig, keli) ciid cad oo dhagax nuuradeed ah oo raggu madaxa marsadaan. Dh: darro, malaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arar
(Arar-ta)
1. Gogoldhigga doodda, hadalka qoran (buugag)
2. Daaqa la soo daajiyo xoolaha intaan ceelka la geyn oo biyaha la siin.
3. Hareer; agagaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arar
m.dh 1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arar
m.dh 1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arar
f. n. grazing before drinking; preliminaries, preface, introduction; vicinity, surroundings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arar
-ta: (n) preface (perefas)-, an introductory section, as of a book, essay or speech ~ horudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arar
-ta: (magac, dhedig, keli) daaqa la soo daajiyo xoolaha inta aanan ceelka la geyn oo biyaha la siin. Dh: araar, horudhac, hordhac.
arar -ta: (magac, dhedig, keli) gogoldhigga hadal ama qoraal aan weli dulucdiisii la gaadhin.
arar -ta: (magac, dhedig, keli) agagaarka iyo hareerta meel ama wax kale. Dh: dhinac, araro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arar
cf: hordhac, soobandhig
de: grazing before drinking; preliminaries, preface, introduction; vicinity, surroundings
lx: arar
pd: (-ta)
ps: n2-f, n1-f
key: arar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raar
1. (Raar-ka) a) Gogol caws laga falkiyo oo marriin lagu qurxiyo; harrar. b) Kaabad. c) Qalab kasta oo loogu talaggalo in alaabo kale korka laga saaro.
2. (Raar-ta) (aqal, kd.) gudaha shishe; gaso; sal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raar
raar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iyo wixi lamida oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iyo wixi lamida. 3. Qoryo, dhagxaan iyo wixi lamida oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
raar²: m.dh 1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.
raar³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raar
raar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iyo wixi lamida oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iyo wixi lamida. 3. Qoryo, dhagxaan iyo wixi lamida oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
raar²: m.dh 1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.
raar³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid. m.f.dh, raarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raar
m. n. kind of mat; ladder; shelf
raar: [feminine] n. inner part of a house
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raar
-ka: (n) a mat used by nomadic society, it is also used as roofing material in nomadic hut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raar
(fal) meel sare saar oo is dul dhigdhig Looxaanta raar oo gaadhiga saar. Dh: laal.
raar: (fal) kadin qoryo ku ood. Qoryo badan ku raar qabka waxaraha si aanay u soo daadan.
raar: (fal) meel aan la kori karin kor isku taag oo isku taar.
raar: (fal) raar ka duldhis.
raar -ka: (magac, lab, keli) alaab is dul saaran oo meel sare taal.
raar -ka: (magac, lab, keli) gawaadhida waaweyn meeshooda kore ee shidhka ka sarraysa. Raarka gaadhiga lama fadhiisto.
raar -ka: (magac, lab, keli) gogol caws laga falkiyo oo marriin lagu qurxiyo. Raar aboor cunay marti looma goglo. Dh: gogol, harrar.
raar -ka: (magac, lab, keli) dhis laga dul sameeyo dixaha, togagga, wabiyada iyo wixii la mid ah. Dh: buundo, biriish, kaabad.
raar -ka: (magac, lab, keli) meel dhisme ah oo loogu talagalo in alaabo kale korka laga saaro.
raar -ta: (magac, dhedig, keli) aqalsoomaaliga gudihiisa shishe ee la seexdo. Dh: gaso, sal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaar
(Abaar-ta)
Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaar
f. n. drought, famine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaar
-ta: (n) drought (da-raawt); famine (faa min); wide-reaching food shortage -abaari keentay: (adj) drought victim; drought refugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reeruhu abaarsadeen oo roob la waayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka safaannaha marka roobku baaqdo ee sidaa awgeed xooluhu daaq waayaan, dhulku na oomane noqdo. Col iyo abaar ba cagahaagaa lagaga baxaa. Li: barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaar
cf: oommane
de: drought, famine
lx: abaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: abaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abaar
مَجَاعَة وَجَفَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaar
-ka: (magac, lab, keli) geed carriseed xoolaha iyo ugaadhu ba daaqaan oo udgoon. Waxa uu u kala baxaa, adaarriyaad iyo adaarbiciid. Adaar badan baa ballayga ka dul baxay. Dh: adaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adaar
de: thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
lx: adaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: adaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaar
(fal) 'geel' gooji. Geela kuma jirto hal amaaraysaa.
amaar: (fal) caajis oo is libaadhi. Sidaan diyaaraddii u sugaayay baan amaaray. Dh: caajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araah
-da: (magc, dhedig, keli) midho meel dheer loo doonto. Dh: qadhaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ataar
-ka: (magac, lab, keli) meel loo raadraaco qof ama wax kale. Ataar ma leh qofkii aabbihii gabaye. Dh: raadraac, taariikh, sooyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaar
(Madaar-ka)
1. Hadal daboolan oo cid loola dan lee yahay; duurxul; araarasho.
2. Talal; taah.