aqoonkorodhsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonkorodhsi
-ga: (magac, lab, keli) isku imaatin xirfado iyo culuunta guud laga qaato. Aqoonkorodhsi ayay shaqaalaha badhkii u baxeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonkororsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aqoonkorodhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqoonkorodhsi: wax cusub dhigasho. Dh: aqoon, cilmi.
barasho -da: (magac, dhedig, keli) qof aanad hore u garanayn aqoon u yeelasho. Barasho horteed ha i nicin. Dh: ogaansho. Li: moogaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbarad
-ka: (magac, lab, keli) marka uu qof samaynayo aqoonkorodhsi deegaanno kala duwan oo waddankiisa ka mid ah ama ka baxsan waddankiisa. Dalbarad ma habaabo. Dh: dalmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoonkorodhsi ama baadhis cilmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoondarsi
-ga: (v) 1. research (riseerji); scientific investigation or inquiry ~ cilmibaaris. 2. correspondent school (kores-poon-dent iskuul); distance learning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondirsi
-ga: (magac, lab, keli) waxbarasho aan dugsi loo tegin; tacliin aan baraha toos loo hor fadhiisanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoondarri
m.dh la-mid: aqoondarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondarri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aqoondarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodsi
m.l la-mid: kadankoodsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab cilmiyaysan oo wax loo baadho dhabtnaa looga gungaadho. Waxa ay ku salaysan tahay xog'ururin iyo axadhiddeeda. Dh: cilmibaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koronkoraysi
m.l la-mid: koronkoraysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoon ganacsi
Cognizione commerciale
Commercial knowledge