aqoonbaadhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab cilmiyaysan oo wax loo baadho dhabtnaa looga gungaadho. Waxa ay ku salaysan tahay xog'ururin iyo axadhiddeeda. Dh: cilmibaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonbaaris
m.dh Cilmibaaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonbaaris
vl. n. research (knowledge); cultural and scientific research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonbaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aqoonbaadhis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonbaaris
cf: cilmibaaris
de: research (knowledge); cultural and scientific research
lx: aqoonbaaris
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: aqoonbaaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoolbaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhis
-ka: (magac, lab, keli) (is ~) iscoofaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin baadhbaadhid. Yoolbaadhidda naga daa. Dh: yoolbaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloonfirdhis
m.l Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhi
(fal) coofaadh iska dhig oo isku ekeysii. Kolkaad carruurta la ciyaarayso u coofaadhi. Dh: coofaari, coofaadhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaadhi
f.g2 (-iyay, -isay) Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. la-mid: goofaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaadhi
-ga: (magac, lab, keli) candho irmaan, kolba nuugis; ilmo yar oo hooyadii oo aanan caano lahayn caano ka doondoona oo nuugista ku celceliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toonbaakh
(Toonbaakh-da)
Tabaako; buuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toonbaakh
m.dh la-mid: tubaako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toonbaakh
f. n., [collective] tobacco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toonbaakh
-da: (magac, dhedig, keli) tubaako; buuriga loo isticmaalo balwad ahaan. Dh: buuri, tabaako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toonbaakh
a: tabaako ~ tubaako
de: tobacco
initial: t
lx: toonbaakh
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: toonbaakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadh
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka gungaadh; ka salgaadh; yoolgaar.
yoolbaadh -ka: (magac, lab, keli) 'erey ciidan' hab yool la toogan doono loo raadsho. Dh: yoolbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgobaadsi
(Afgobaadsi-ga)
Hadal macaan oo hufan oo eed ka cararid darteed keliya loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgobaadsi
m.l la-mid: afgobaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgobaadsi
m. n. placatory sweet-talk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afgobaadsi
-ga: (n) compliment (koonrpalemenfy, an expression of praise especially when someone offers something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgobaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afgobaadsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afgobaadsi
de: placatory sweet-talk
lx: afgobaadsi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: afgobaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoondarri
m.dh la-mid: aqoondarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoondarri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aqoondarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoondarsi
-ga: (v) 1. research (riseerji); scientific investigation or inquiry ~ cilmibaaris. 2. correspondent school (kores-poon-dent iskuul); distance learning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cilmi lahayn. Dh: jaahil. Li: caalim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsasho
(Aqoonsasha-da)
Aqoon u yeelasho; barasho; ogaansho; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsasho
m.f.dh eeg aqoonso. la-mid: aqoonsad, aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon u yeelasho. Dh: barasho, garasho.
aqoonsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu dhiganta ictiraafid. Dh: aqoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof aqoontiisa cilmiyeed sarraysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoonyahan
m.l (-nno, m.dh) Qof aqoontiisa cilmiyeed sarraysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonyahan
m. n., [compound] scholar, academic; expert, professional
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoonyahan
-ka: (v) [Pl. -aqoon-yahananda] intellectual; educated person; expert (ekes-peert); scholar (iskooler) ~ khabiir
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
AQOONYAHAN
Professionista
Professional
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof takhasuskiisa aqoon badan u leh; qof aqoonta meel sare ka gaadhay. Aqoonyahan uubo kuma dhaco, Dh: waxgarad. Li: aqoonlaawe. Wa: aqoonyahanno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonyahan
de: scholar, academic; expert, professional
lx: aqoonyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: aqoonyahan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aqoonyahan
عالم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) sida odaybaxuurka u socosho. Dh: iscoofaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaadiis
-ka: (magac, lab, keli) cufjiidadka birlabta. Dh: cufisjiidad.
maqnaadiis -ta: (magac, dhedig, keli) birlab macdan ah oo karti u leh jiidashada macdanaha kale ee danabka ay xambaarsan tahi uu ka geddisan yahay keeda. Maqnaadiisku masaabiirta way soo jiidataa. Dh: birlab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soobandhig
vl. n., [compound] displaying, exhibiting; preface (book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soobandhig
-ay / tay: (v) exhibit (ig-zibit), display (dis-paleey), present (para-sent)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soobandhig
cf: bandhig; hordhac
de: displaying, exhibiting; preface (book)
initial: s
lx: soobandhig
pd: (-ga)
ps: vn2-m-cmp
key: soobandhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurbaadhis
-ta: (magac) cid kale caloolshiisa wax ku jira, baanjiyid ama baadhasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoon yahan
Professionale
Professional
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadis
galoofaadis¹: m.l la-mid: galoofaadin.
galoofaadis²: m.dh la-mid: galoofaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) da'dii xilkasnimada gaadhid: qaangaar noqosho. Muruga curcurku waa calaamadda qaangaadhidda Dh: baaluqid, qaangaarid, taabbagalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bandhig
-ay I tay: (v) exhibit (ig-zibit); display (dis-paleey); present (para-sent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmibaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) raadinta dhabta ee ku salaysan, tijaabooyin iyo caddaymo la sugo. Dh: cilmibaadhid, deraasad,cilmibaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin. Gogolxaadhis baa loogu jiraa shirka dhici doona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonyahannimo
m.dh Aqoonyahan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonyahannimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof leh aqoon iyo dhaqanka aqoonyahanka ahaan; aqoonyahan ahaan. Si aqoonyahannimo ayuu u dooday. Dh: indheergaradnimo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoon ganacsi
Cognizione commerciale
Commercial knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonkorodhsi
-ga: (magac, lab, keli) isku imaatin xirfado iyo culuunta guud laga qaato. Aqoonkorodhsi ayay shaqaalaha badhkii u baxeen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoonyahanimo
-aqoonyahanimada: (n) intellectuality (intalakjuwaalati)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillabbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aad u gaagaaban.