aqoon dheeraad ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Aqoon dheeraad ah
Esperienza
Experience
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarif
(Caarif-ka)
Aqoon dheeraad ah wax u leh; wax aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macriifad
m.dh Aqoon dheeraad ah oo wax loo leeyahay. la-mid: macriifo.

waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.

xeeldheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macriifad
m.dh Aqoon dheeraad ah oo wax loo leeyahay. la-mid: macriifo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeeldheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Ku x.: cid aqoon dheeraad ah wax u leh ahaansho. m.f.dh, xeeldheeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka; waxyaqaan laamaha aqoonta mid walba iska laallaadshay oo loogu noqdo khibrad iyoo xeeldheeri aawadeed. Dh: buuni.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) buug koobsaday wax badan oo laamaha aqoonta ah; buug lagu ururshay aqoon kala duwan. Abwaan weyn baa laga soo saaray Xarunta Cilmibaadhista ee Jabuuti.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo suugaanta tirinteeda ama curinteeda lagu yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buxuur
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka. Dh: abwaan, buuni, carceer.
buxuur-ka: (magac, lab, keli) daayeerka kiisa ugu da'da weyn ee hoggamiya kooxda. Dh: baaxuur, coofaad, coofar, odaybaaxuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarif
-ka: (magac, lab, keli) qof, Rabbi wax u iftiinsho oo aqoon dheeraad ah wax u leh oo aad wax u yaqaanna. Dh: weli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmibaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) dedaal, aqoon dheeraad ah lagu raadiyo iyada oo habab kala duwan iyo wixii qalab suurogal ah la adeegsanayo. Dh: cilmibaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lataliye
-ha: (magac, lab, keli) qof arrimo uu aqoon dheeraad ah ama waayo aragnimo u leeyahay talo laga weydiiyo. Lataliye cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda tacliinta sare iyo cilmibaadhista.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqo dheeraad ah
Lavoro straordinario
Overtime work
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waqti dheeraad ah
extra-time, extra period
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canshuur dheeraad ah
Imposta addizionale
Additional tax
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baloog weerar ah
offensive block
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caano dhaay ah
(n) fresh milk