aqaqara
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqaqara
-da: (magac, dhedig, keli) geed caleemaad ka baxa dhulka biyamareenka ah xilliga naqroobaadku joogo. Aqaqarada waxa daaqa adhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqaqari
(Jaqaqari-da)
Geedo intay biyo aad u cabbeen, jilcay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaqari
m.dh (botani) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqaqari
f. n. lush grass after rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqaqari
-da: (magac, dhedig, keli) cosobka iyo nabaadka ku baxa roobka iyo biyaha badan.
jaqaqari -da: (magac, dhedig, keli) geedo biyo badan ku baxay oo jirrid jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqaqari
de: lush grass after rain
lx: jaqaqari
pd: (-da)
ps: n-f
key: jaqaqari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqacarar
baqacarar¹: m.l Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. la-mid: baqacararid.
baqacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cararid baqdin awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqacarar
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho lagu dagaallamo oo iyadoo la baxsanayo dagaalka la sii wado. Dibigu waa baqacarare yaanu ku jiidhin. Dh: baqacaymad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAQAQAARO
(Hagagaro) S Tephrosia villosa (L) Pers. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamtara
-da: (magac, dhedig, keli) suuradda 105aad ee Quraanka Kariimka ka tirsan. Alamtara waxay ku soo degtay Asxaabal-Fiil.
alamtara-da: (magac dhedig, keli) magaca meel an sawir ahaan u jirin, laakiin loogu soo halqabsado laguna tilmaansado laalley iyo khatar soo durugtay. Alamtara ka tuur, waa midduu eeday boqorkiiye. Aarkii alamtarana soo dhaaf.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqanaya
(v) being afraid. Ex: Cali wuu baqanayaa; Ali is afraid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqbaqaa
f. n. parrot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqbaqaa
-da: (n) parrot (paarat) ~ yabqama
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqbaqaa
de: parrot
lx: baqbaqaa
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: yabqama
key: baqbaqaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqarrar
(Faraqarrar-ka)
1. Kalaggoysyada faraha.
2. Rays qotonkiisu faraha dhererkooda le'eg yahay oo aan calaacal gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqarrar
faraqarrar¹: m.l 1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. la-mid: faraqaris.
faraqarrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faraha dhexdooda nabarro ku yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraqarrar
m.l 1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. la-mid: faraqaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqarrar
m. n. knuckles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqarrar
-ka: (magac, lab, keli) eeg faraqarradh.
faraqarrar ka: (magac, lab, keli) rays qotonkiisu faraha dhererkooda le'eg yahay oo aan calaacasha gaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqarrar
de: knuckles
lx: faraqarrar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faraqarrar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qarqari
v. cause to shiver from the cold ~ because of a disease, etc.
ka qarqari: v. keep on hiding something from someone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaar
1. (Qaar-ka) Wax aan dhammayn oo wax ka maqan yihiin; in; wax; qayb.
2. (Qaar-ta) Ul weyn; siiqe; qadwaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaar
qaar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.
qaar²: m.dh (-ro, m.l) 1. la-mid: qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. la-mid: qaare
qaar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Ubax, caleen iyo wixi lamida dhadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaar
m.l (-rar, m.l) 1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa qayb mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaar
m. n. part, portion, section, share
qaar [feminine] n. cudgel, club, bat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaar
-ta: (n) club (kalaab)-, cudgel (kaj'al)-, baton (bataan) ~ bur, qadwaan
qaar -ka: (n) some (sam); part (paart). Ex: qaarka hore; the front part
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAAR
Parte
Part

Qualche; alcuni
Some
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaar
(fal) kala jar oo wax aan dhammayn oo wax ka maqan yihiin ka dhig. Geedka kala qaar.
qaar-ka: (magac, lab, keli) shay nuskii. Inaan weli ku jecelahay waydii dadkaba qaar. Dh: gobol, nus, badh, qayb.
qaar -ta: (magac, dhedig, keli) ul weyn; siiqo dherer iyo dhumuc leh. Waraabaha qaarta la dhac oo yur dheh. Dh: ul, siiqo, gambool.
qaar-ka: (magac, lab, keli) ubax, caleen iyo wixii la mid ah, dhadid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaar
قِسْمٍ، جُزْء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalaa
Inta badan; badanaa; dhaaxa; qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalaa
fk. Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aalaa
f.. Inta badan, marar badan, badanaa. Tusaale: "Aa. ma yimaado saacadahaan".
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aalaa
[adverb] or [adverbial] [expression] frequently, usually, mostly, often
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aalaa
(adv) often (often); usually (vush wali); regularly or customarily used ~ aalaaba, badanaaba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaa
(falkaab) sida inta badan dhacda. Axmad waa arday aalaa iskuulka yimaadda. Dh: aalaaba, badanaa, qajeelo, dhaaxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aalaa
de: frequently, usually, mostly, often
lx: aalaa
ps: adv
key: aalaa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
aalaa
كثيرا
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaraa
-da: (n) 1. ideas (aay diyas) ~ fikrad. —Syn: thoughts, notions, concepts, conceptions. 2. opinions (opiin-yanis); a belief or conclusion ~ talo ama fikrad. —Syn: views, Ex: aaraa kala duwan baa la soo jeediyay; different ideas or opinions have been raised
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. la-mid: aad yar, aadyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. Tusaale: Aayar u soco! la-mid: aad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayar
[adverb] or [adverbial] [expression] slowly, gently, lightly, slightly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayar
(adv) slowly (islowli); taking more time than is usual or necessary ~ tartiib, qunyar. Ex: Aayar u soco; walk slowly. —Syn: dilatory, leisurely, laggard, deliberate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayar
(fal) si miyir ah u faltan ama u dhaqan. Aayar socodkaaga kolka ad waalidkaa la socoto.
aayar: (tilmaame) si deggan oo miyirsan. Aayar gaadhiga kolkaad magaalo dhex socoto. Dh: miyir, tartiib, qunyar. Li: xoog, aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayar
cf: aad yar
de: slowly, gently, lightly, slightly
lx: aayar
pd: (aadyar)
ps: adv
key: aayar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaar
(Abaar-ta)
Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaar
f. n. drought, famine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaar
-ta: (n) drought (da-raawt); famine (faa min); wide-reaching food shortage -abaari keentay: (adj) drought victim; drought refugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reeruhu abaarsadeen oo roob la waayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka safaannaha marka roobku baaqdo ee sidaa awgeed xooluhu daaq waayaan, dhulku na oomane noqdo. Col iyo abaar ba cagahaagaa lagaga baxaa. Li: barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaar
cf: oommane
de: drought, famine
lx: abaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: abaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abaar
مَجَاعَة وَجَفَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaar
-ka: (magac, lab, keli) geed carriseed xoolaha iyo ugaadhu ba daaqaan oo udgoon. Waxa uu u kala baxaa, adaarriyaad iyo adaarbiciid. Adaar badan baa ballayga ka dul baxay. Dh: adaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adaar
de: thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
lx: adaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: adaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaar
(fal) 'geel' gooji. Geela kuma jirto hal amaaraysaa.
amaar: (fal) caajis oo is libaadhi. Sidaan diyaaraddii u sugaayay baan amaaray. Dh: caajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqar
-ka: (magac, lab, keli) cabbitaanka ama cunnada ugu horraysa ee ilmaha afka loo saaro. Angar xalaal ah ilmaha sii. Curadkayga timir ayaan angar uga dhigay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaan
v., sg., present habitual: I know
aqaan v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaan v., sg., subject case, present habitual: it is I who know
aqaan v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqaan
(v) I know. Ex: Ma taqaan? Haa, waan aqaan; did you know him? yes, I know him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araar
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka ama qoraalka qaybta hordhaca u ah. Araar kooban ka dib, wuxuu u daadegay akhrintii gabayga. Dh: gogoldhig. hordhac. Li: gabagabo, gunaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ataar
-ka: (magac, lab, keli) meel loo raadraaco qof ama wax kale. Ataar ma leh qofkii aabbihii gabaye. Dh: raadraac, taariikh, sooyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqar
(Daqar-ka)
Nabar madaxa ku dhaca oo lafta caddeeya, ama jebsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqar
daqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac madaxa gaara oo aan lafta jebin. la-mid: dakhar¹.
daqar²: f.g1 (-qray, -qartay; -qri) Qof, dhaawac aan lafta jebin madaxa ka gaarsiin. la-mid: dakhar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqar
daqar¹: m.l (-rro, m.dh) Dhaawac madaxa gaara oo aan lafta jebin.
daqar²: f.g1 (-qray, -qartay; -qri) Qof, dhaawac aan lafta jebin madaxa ka gaarsiin. m.f.dh, daqrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqar
m. n. wound on the scalp; concussion
daqar v. wound someone on the head
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqar
-ka: (n) bump (bamp), head injury; concussion (kon-kashan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqar
(fal) cid kale, madaxa wax kaga dhufo oo dhaawac gaadhsii. Dh: dakhar.
daqar-ka: (magac, lab, keli) dhaawaca qof madaxa laga gaadhsiiyo. Dh: dakhar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaare
m.l la-mid: qaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaare
m. n. club, cudgel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaare
-ha: (magac, lab, keli) ul xagga hore u buuran. Qaare ayuu madaxa kaga dhuftay Dh: budh, bud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaare
a: qaar
de: club, cudgel
lx: qaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaro
m. n. organ (of the body)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QAARO
(Karo) N Otostegia modesta S. Moore. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaro
de: organ (of the body)
lx: qaaro
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: qaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabar
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaa
-ga: (magac, lab, keli) noole aanan helin wax uu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qahar
(Qahar-ka)
Kadeed; dhib; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qahar
qahar¹: m.l Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iyo wixi lamida oo la qabto. la-mid: qaxar¹.
qahar²: f.g1 (-hray, -hartay; -hri) Cid dhibaato gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qahar
qahar¹: m.l Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iyo wixi lamida oo la qabto. la-mid: qaxar.
qahar²: f.g1 (-hray, -hartay; -hri) Cid dhibaato gaarsiin. m.f.dh, qahrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qahar
m. n. difficulty, problem
qahar v. cause difficulties, make trouble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qahar
(fal) cid qasab oo inay hawl fuliso ku sandullee. Hawsha cid kuu qaban karta ku qahar.
qahar -ka: (magac, lab, keli) caddaadis la saaro cid maamul ahaan laga sarreeyo oo lagu cadaadiyo inay shaqo fuliyaan. Dadka gaharka ka daa. Dh: kadeedid.
qahar -ka: (magac, lab, keli) eeg qaxar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qamar
name-f moon (Arb)
name-f full moon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarar
m.l (-ryo, m.dh) (cilmiga naflayda) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarar
m.l (-ryo, m.dh) (cilmiga naflayda) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarar
-ka: (magac, lab, keli) eeg qarradh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatar
-ta: (magac, dhedig, keli) halis naf iyo maal ah. Dh: khatar, halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxar
qaxar¹: m.l la-mid: qahar¹.
qaxar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: qahar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxar
m. n. difficulty, problem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxar
-ka: (n) difficulty (dhifikalti); problem (poro-balem); hardship (haard-shiip), crisis (karaaysis) ~ mashaakil, lur, saxariir, mashaqo, dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxar
-ka: (magac, lab, keli) hadal buuq iyo hanjabaad ah; qaylo iyo buuq. Qaxarka naga daa oo soo fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxar
de: difficulty, problem
lx: qaxar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qahar (and its derivations)
key: qaxar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saara
name-f joyful; Prophet Ibrahim's wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayari
(fal) miyiri oo si tartiib ah u qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaari
v. afflict with drought
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaari
de: afflict with drought
lx: abaari
pd: (abaariyey)
ps: v2a=
key: abaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abakar
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo waaweyn leh.