aqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqan
-ka: (magac, lab, keli) inan bulshaawi ah oo cayaaraha iyo kulamada ku fiican laakiin hanti lumis ah.
aqan -ka: (magac, lab, keli) dibindaabyada noolaha lab uu ku geysto dhallinyaranimada. Markuu luqunmadoobow ratuhu laacdan baranaayo, isagaa u laandeyro badan laqanka xoolaade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaan
v., sg., present habitual: I know
aqaan v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaan v., sg., subject case, present habitual: it is I who know
aqaan v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqaan
(v) I know. Ex: Ma taqaan? Haa, waan aqaan; did you know him? yes, I know him
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqan
f.g1 (-qnay/-qmay, -qantay; -qni/-qmi) la-mid: danaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqan
v. aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqan
a: damaq, damqi
de: aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure s.o.
lx: daqan
pd: (daqnay ~ daqmay)
ps: v1=tr
key: daqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqan
(tilmaame) wax fadhan ama meel godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqan
(Laqan-ka)
Qof yar oo laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqan
v. die prematurely
laqan m. n. violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqan
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo laayaan ah.
laqan -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo da'diisa ka waynaada. Dh: dhaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqan
Aan joogin; meel kale jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho. m.f.dh, maqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqan
[adjective] absent, not present; mentally distracted
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maqan
1) absent, 2) au loin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqan
-maqnaa: (adj) missing (mixing); absent (aab 'sant); not present. Ex: Cali fasalka wuu ka maqan yahay; Ali is missingfrom the class
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqan
(tilmaame) aan joogin oo meel kale jira. Li: jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqan
de: absent, not present; [ext.] mentally distracted
lx: maqan
pd: (maqnaa)
ps: adj
xe: When I came, you were absent.
xv: Markaan imid, adigu waad maqnayd.
key: maqan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maqan
غائب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqan
(tilmaame) wax aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aan
(Aniga; aan; i; ii - annaga; innaga; aannu; na; noo) qofka hadla haya ama wax qora haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aan
aan¹: mu.dhm.y 1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tusaale: 'Meel aan ku nasto ayaan doonayaa' 2. la-mid: aannu.
aan²: qr.diid Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tusaale: 'Miyaan fadhigii la qaban?', 'Yaan lacag la siin!', 'Wiilka aan imaanini waa Cali'. la-mid: an.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aan
aan¹: mu.dhm.y 1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tusaale "Meel aan ku nasto ayaan doonayaa" 2. la-mid: aannu.
aan²: qr.diid Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tusaale "Miyaan fadhigii la qaban?", "Yaan lacag la siin!", "Wiilka aan imaanini waa Cali". la-mid: an.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan
aan: (pronoun) 1. me (mii); I (aay); us (aas); we (wii) used the speaking or writing person or persons ~ aannu. Ex: aan wax kuu sheego; let me tell something. 2. (clause pronoun) may I..., can I or let me ~ an. Ex: aan tago; let me go. Buuggaan aan qaato? can I take this book? Biyahaan aan cabbo? may I drink this water?
aan (suffix) I.. to the.. Ex: baankaan aadayaa; I am going to the bank
aan: (adverb) 1. used to express negation; not (nat); im-; in-; un-; il- Ex: aan faraxsanayn; unhappy. 2. suffix: (gadaalgale) -less: without; lacking. Ex: eedla'aan: blameless 3. -ness or -ment suffix: (gadaalgale) state; quality; condition; or degree of nouns derived from adjectives. Ex: aasnaan -ta; the state of being buried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aan
(magac'uyaal) tilmaamaya qofka koowaad ee hadlaha ah. Waxa aan ahay macallin, buug aan doonayay ayaan helay.
aan: (qurub) xidhiidhiye loo adeegsado diidmada. Dh: an, anan, aanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qan
(Qan-ka)
(oogo) jin; jurmi; laf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qan
m.l Jurmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qan
m. n. thickness, size; circumference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qan
-ka: (magac, lab, keli) carrabka salkiisa halka ay ku yaallaan ilaha dhareerku ka soo baxo. Qanka carrabka ayaa i xanuunay.
qan -ka: (magac, lab, keli) han, cir. Qan weyniy waa reerkaaga colkii.
qan -ka: (magac, lab, keli) oogo, jimidh. Dh: muuqaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qan
de: thickness, size; circumference
lx: qan
pd: (-ka Pl: qanan (ka))
ps: n4-m
syn: jurmi
key: qan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adan
m.dh 1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adan
m.dh 1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adan
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxa tiisa dhedig. Dh: gool.
adan-ta: (magacwadareed) koox libaaxyo ah; tiro libaaxyo ah oo saddex ka badan.
adan -ta: (magacwadareed) dugaagga intooda laayaanka ah oo wax disha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agan
(Agan-ka)
1. (Ceel) biyo badan leh; banqi.
2. Cosob ama naq badan; aftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agan
m.l 1. Ceel biyo badan leh; naq badan. 2. A. ah: xoolo, ceel, dhul iyo wixi lamida oo aan intifaac lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agan
m.l 1. Ceel biyo badan leh; naq badan. 2. A. ah: xoolo, ceel, dhul iyo wixi lamida oo aan intifaac lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agan
m. n. well; virgin land, good grazing land ~ area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agan
-ka: (magac, lab, keli) dhul ama deegaan cosob iyo naq badan. Dh: aftin, ugbaad.
agan -ka: (tilmaame) ceel biyo badan leh. Ceel agan ah bay dawladdu noo qodday. Dh: banqe, ma'wi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agan
de: well; virgin land, good grazing land ~ area
lx: agan
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: aftin
key: agan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ahan
ahan! interj. - ahan! ah! (dhawaaq la xidhiidha hawl adag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alan
alan¹: m.l (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood.
alan²: m.l (almo/-nno, m.dh) (naxwe) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iyo wixi lamida; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iyo wixi lamida) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alan
alan¹: m.l (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood.
alan²: m.l (almo/-nno, m.dh) (naxwe) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax = ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iyo wixi lamida; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iyo wixi lamida) sida shibanayaashan oo kale: dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alan
-ka: (magac, lab, keli) barmiilka oo qayb ah.
alan -ka: (magac, lab, keli) farta caaradeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqab
(Aqab-ka)
Geedaha waaweyn oo qodaxda iyo abqada leh jaad ka mid ah; qurac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqab
m.l (aqab, m.dh) Qurac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqab
m.l (aqab, m.dh) Qurac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqab
m. n. acacia tree species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AQAB
(Agab) S Acacia tortilis (Forsk) Hayne. Mimosaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqab
-ka: (n) acacia (akeeysha); kind of tree ~ qurac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqab
-ka: (magac, lab, keli) geedaha waaweyn oo qodaxda iyo abqada ama qabcada leh jaad ka mid ah. Aqab ayaan beernay. Dh: qudhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqab
cf: abqo (fruit), qurac (tree)
de: acacia tree sp.
lx: aqab
pd: (-ka)
ps: n5-m, n6-m
key: aqab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqad
-ka: (magac, lab, keli) harraad u dhimasho; dhanqalan dartii dhimasho. Dh: aqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqal
(Aqal-ka)
Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min; minan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqal
m.l (-llo, m.dh) Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqal
m.l (-llo, m.dh) Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqal
m. n. house, hut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqal
-ka: (n) house (hows); home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqal
-ka: (magac, lab, keli) dhismo dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; dhisme aadanahu ku dhex noolyahay, gabbaad na uga ah dhaxanta, roobka iyo milicda. Aqal waa ka aakhiro. Dh: guri, hoy. daar, baro, min.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqal
de: house, hut
lx: aqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: aqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqas
e.d la-mid: akhas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqas
inter. Yuck!, How disgusting!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqas
(interj.) yuck (yak); used to express rejection or strong disgust ~ akhas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqas
a: akhas
de: Yuck!, How disgusting! Expression indicating that s.t. is bad, dirty or a shame
lx: aqas
ps: intj
key: aqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqin
m.f.dh eeg aqi. la-mid: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunnaxumo u dhimasho. Dh: caqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axan
(Axan-ka)
Xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; fiddow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axan
axan¹: m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axan²: f.g1 (-xmay, -xantay; -xmi) Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
axan
m.l Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
axan
m. n. funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
axan
-ka: (n) funeral feast; religious feast commemorating deceased person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axan
magta dhagarta lagu baxsho, shan iyo toban halaad oo gaar u tilmaaman oo loo geeyo xigtada qofka lagu dhagaroobay.
axan-ka: (magac, lab, keli) xoolaha ama cunnada loo bixiyo qofka dhinta oo loogu duceeyo; xoolaha qof geeriyooday aaskiisa lagu dul cuno. Dh: fidde, fiddow, xabaalqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
axan
cf: fidde
de: funeral banquet (food ~ money given to the poor to pray for a deceased person)
lx: axan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: axan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayan
vl. pron., neg. she ... not; they ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayan
(v) she or they not ~ aayan, inayan. Ex: waxay rabtaa in ayan siin; she doesn 't want to give. Waxay go'aansadeen in ayan imaan; they decided not to come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayan
a: aaney
de: she ... not; they ... not = ay + aan
lx: ayan
ps: vpro + neg
xe: The jackal decided not to return the tongue back to crocodile.
xv: Dawo bey goosatay in ayan yaxaas dib ugu celin.
key: ayan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsayn
m.f.dh eeg aqsee. la-mid: asqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad u oomman ka dhigid.
aqsayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof jahadu ka lunsan tahay, ka dhigid.
aqsayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof wareeray ka dhigid. Dh: asqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqayn
m.dh eeg asqee. la-mid: aqsayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid aad u comman ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid jahadu ka lusan tahay, ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid wareeray ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balqan
(Balqan-ka)
Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqan
m.l Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada marka la cadayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balqan
m.l Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada marka la cadayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqan
m. n., (mass n.): saliva, spit, phlegm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balqan
-ka: (n) phlegm (faleem).
-is balqami -yey say: (v) cleanse the mouth in the morning; especially brushing the back of tongue (taang
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqan
-ka: (magac, lab, keli) dhareer is jiidjiita o dhuunta iyo qanjidhada afka noolaha ka yimaadda marka uu duraysan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqan
de: saliva, spit, phlegm
lx: balqan
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: balqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsan
(tilmaame) mid cabsi qaba. Nin baqsan col uma birdhigo. Dh: didsan.
baqsan: (tilmaame) caano xumaaday oo fud iyo faar u kala baxay. Caana baqsan buunshe ganaan baa dhaama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqan
(tilmaame) meel la daaqay oo aan cosob ahayn. Dhul daaqan baa reerkii la dejiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqan
(Dalqan-ka)
Hadal badan oo layska hadlo iyadoo aan loo fiirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqan
dalqan¹: m.l 1. Hadal badan oo iyadoo aan laga fiirsan lagu hadlo. 2. la-mid: dalqamid. la-mid: dulqan¹.
dalqan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal badan oo aan laga fiirsan ku hadlid. la-mid: dulqan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalqan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal badan oo aan laga fiirsan ku hadlid. m.f.dh, dalqamid. la-mid: dulqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalqan
m. n. flood of talk
dalqan v. be talkative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalqan
-ka: (n) talkativeness (tookativ-nes); loquacity (low-kuweey siti); very talkative person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqan
(fal) xummad darteed iska hadal oo wax badan oo aad ogtahay sheeg. Dh: daldalan, qarow.
dalqan ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo qarsoodi iyo sir midna lahayn ku habqamid. Dh: duryan, shuban, daldalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqran
Madaxa dhaawac lafta waxyeela kaga dhacay; daqar ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqran
daqran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax madaxa dhaawac ka gaarey noqosho (qof).
daqran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax madaxa daqar ka gaarey ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daqran
daqran¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax madaxa dhaawac ka gaarey noqosho (qof). m.f.dh, daqramid.
daqran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax madaxa daqar ka gaarey ahaansho (qof). m.f.dh, daqranaan.