antaweer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
antaweer
-ka: (magac, lab, keli) warwareeg uu tabaaluhu keeno. Antaweerka geelii ku dhacay Guullow laga yaabye. Dh: meenhannaw, meermeer, muusannaw.
antaweer: (fal) daryeel la'aan la warwareeg. Xoolo baadi ah ayaa ceelka antaweeraya. Dh: agbanow, meermeerayso, meehannow.
antaweer -ka: (magac, lab, keli) daryeel la'aan la warwareegid. Dh: meermeerayso, meehannow, agbanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaweeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si danteeda loo dhaafiyo in muddo ah warwareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
antaweeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si danteeda loo dhaafiyo in muddo ah warwareejin. m.f.dh, antaweerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
antaweeri
v. detain someone repeatedly; keep someone waiting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
antaweeri
de: detain s.o. repeatedly; keep s.o. waiting
lx: antaweeri
pd: (antaweeriyey)
ps: v2a=tr
key: antaweeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaweerin
m.f.dh eeg antaweeri. la-mid: antaweeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
antaweerin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qaabdaran u warwareejin. Ma ceel baad u wayday, maxaad adhiga u antaweerin?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antaweeris
m.l la-mid: antaweerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareer
m.l la-mid: ansaleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareeri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ansaleeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadeer
m.dh la-mid: adeeryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid anafo u geysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Answer
Jawaab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
answer
/ansar/answers, answering, answered; (v) 1. jawaabid, ka jawaabid, laga jawaabo. e.g. I answered all the questions.(n) 2. jawaab (n) 3. xal ama daawo. e.g. What do you think is the answer for this crisis?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
answer
/ansar/ (v) 1. jawaabow. (n) 2. jawaab.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
answer
n., jawaab, -ti; answer to a call, yeedh, -ki, yeedhniin, -ti.
answer, v.tr., dheh, uceli, la hadal.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Anther
Faxal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antler
/antlar/antlers; (n) geeso iska dul baxa sida kuwa deerada oo kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
antler
/antlar/ (n) gaasy isky kor bahaayang sithy haang eelothy (deerothy).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAWEER
(Awer) S, N Indigofera articulata Gouar. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweer
-ka: (magac, lab, keli) jaad libaaxbadeedka ka mid ah.
caweer: (timaame) cid il la' ama indhahu kala marooraan. Dh: cawiran, cawiir, cawir, weershe, cawar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taweel
* (Taweel-ka)
Tuweel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taweel
m.l la-mid: tuwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taweel
m. n. towel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taweel
-ka: (magac, lab, keli) tuwaalka dhulka lagu masaxo ama jidhka lagu tirtirto. Taweelka dhulka aad u maydh Dh: tuwaalka, shukumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taweel
a: tuweel {Eng}
de: towel
initial: t
lx: taweel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: taweel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) la-mid: ashtakee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entamer
entamer, V. - bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflameer
-ka: (magac, lab, keli) eeg aflahaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
angaleel
-angaleesha: (n) seashell (siisheel) ~ aleelsha, bacool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaleel
m.l.kh A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. la-mid: ansareer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaleel
m.l.kh A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. la-mid: ansareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaleel
-ka: (magac, lab, keli) qofka indhaha la' ama aan si wanaagsan wax u arag. Dh: indhoole, asaleel.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
attacher
attacher, v. - Isku xidhid; isku dhejin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
attacker
weerare
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
attacker
/attaakar/attackers; (n) qofka ama cidda wax weerarta (weerar qaade). e.g. She could not remember what the attacker looked like.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
attaquer
attaquer, V. - Weeraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawaweer
(Cawaweer-ka)
Libaax-badeedka waaweyn mid ka mid ah.|
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaweer
cawaweer¹: m.l Nooc ka mid ah libaaxbadeedka.
cawaweer²: m.l/dh Waqtiga ay qorraxdu dhacdo oo aan si fiican wax loo arag; himhimow. la-mid: cawaweero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawaweer
m.l/dh Waqtiga ay qorraxdu dhacdo oo aan si fiican wax loo arag; himhimow. la-mid: cawaweero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawaweer
m. n.-time: dusk, time after the sun sets but it is not yet dark
cawaweer m. n. large shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaweer
-ka: (magac, lab, keli) jaad libaaxbadeedka waaweyn ka mid ah.
cawaweer-ta: (magac, dhedig, keli) himmimowga fiidkii, marka ay qorraxdu dhacdo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entasser
entasser, V. - la raseeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaweer
kawaweer¹: m.l la-mid: kabawaarid.
kawaweer²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: kaba-waar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafee
(fal) wanqal ka gawrac ilmo dhashay. U wantafee ilmahaaga curad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareerin
m.dh la-mid: ansaleelin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Antimatter
Lid-maatar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandhareer
(Mandhareer-ka)
Wax sida xabag la qooyey u layiig ah oo is-hays-haysta oo dhegdheg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandhareer
m. n. sticky ~ viscous substance; viscosity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareer
-ka: (magac, lab, keli) hunqaaco sida xabag la qooyey u layiig ah oo is haysata ah. Dh: balqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandhareer
de: sticky ~ viscous substance; viscosity
lx: mandhareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mandhareer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandareero
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha yar ee afka ama sanka loogu dhiijiyo saca marka la rabo in la maalo, si uu u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjareeri
-da: (magac, dhedig, keli) qarinta iyo xajinta sirta. Nin aan xanjareeri lahayn sir laguma aamino.
xanjareeri -da: (magac, dhedig, keli) hal'adayg iyo kalsooni uu qof leeyahayi inta ay le'eg tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaseere
m.l Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. la-mid: abbaseere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaseere
m.l (-rayaal, m.l/dh) la-mid: abaaseere.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afshareer
m. n. mask
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afshareer
de: mask
lx: afshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: shereero
key: afshareer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Altimeter
Joog beege
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfacbeel
-ka: (magac, lab, keli) anfac la'aan; waxtar la'aan; dheef la'aan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ANJALEELO
Cassia truncata 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Caano ansaleel ka dhigid. la-mid: ansareeri.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
antérieur
antérieur, adj. - Ka hor imanaya ( Wakhti ama Meel)
patte antérieure, - Jeeniga maaha Lugta (Cagtiisa Xayawaanka afarta addin); jeeni
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
anticiper
anticiper, v. - Ka hor isticmaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cangaleel
m.dh.u Nooc aleelada yaryar ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cangaleel
m.dh.u Nooc aleelada yaryar ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cangaleel
m. n. small seashells
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cangaleel
-sha: (magac, dhedig, keli) bacoosha iyo tamaanka jaad ka mid ah oo aan waaweyneyn. Dh: bacool, tammaan, laji, aleel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cangaleel
de: small seashells
lx: cangaleel
pd: (/sha)
ps: n2-m
key: cangaleel
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cantonner
cantonner, v. (se) - Iska takoorid; Gooni ama keli u soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaweero
m.dh la-mid: cawaweer².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawaweero
f. n. dusk, twilight
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawaweero
de: dusk, twilight
lx: cawaweero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cawaweero
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
contacter
contacter, V. - Is taabsiin (isku nabid) la xidhiidhis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
container
/konteynar/ (n) weel (sida sanduuq, dhalo iwm.).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entailler
entailler, v. - qorid; qoris; sarid (mindida)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
entameeba
m.dh (baayoloji) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
entameeba
m.dh (baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. 'E. Histolytica' wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entartrer
entartrer, v. - la wasakheeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entraider
entraider, V. - isgargaarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
entrainer
entrainer, V. - xaaqid; dhul xaadhid
entrainer dans l'erreur - daacad-darro.
apprendre - tababbarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanadheer
m.dh Koor aan afrog ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fantatiir
(Fantatiir-ka)
(is fantatiir) dadaal weyn oo wax lagu qabto iska doon; istiil; (ama wantatiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fantatiir
fantatiir¹: m.l la-mid: fantatiirid.
fantatiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid. la-mid: wantatiir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fantatiir
m. n. great effort
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantatiir
-ka: (magac, lab, keli) «is awood badan oo wax lagu qabto; dedaal weyn oo wax lagu qabto iska doondoon. Dh: istiil, wantatiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fantatiir
a: wantatiir
de: great effort
lx: fantatiir
pd: (-ka)
ps: n-m
key: fantatiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafameer
-ka: (magac, lab, keli) si digtooni ah, dhul u socsocod.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganbaleel
-ka: (n) bell (beel) ~ gambaleel
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANJALEEL
Cassia longiracemosa 11
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Qof hantaarurrayn. 2. Wax dhibaato gaarsiin. la-mid: hataaqee, hintaaqee, nitaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqee
v. make someone stumble; trip up; hurt, put in difficulty ~ a difficult spot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqee
a: hintaaqee
de: make s.o. stumble; trip up; [ext.] hurt, put in difficulty ~ a difficult spot
lx: hantaaqee
pd: (hantaaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hantaaqee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyeed
m. n. financial
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyeed
de: financial
lx: hantiyeed
ps: np-m
key: hantiyeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ina'adeer
-ka: (magac, lab, keli) wiilka adeerkaa dhalay.
ina'adeer -ta: (magac, dhedig, keli) gabadha adeerkaa dhalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ina-adeer
m.l/dh (ilma-adeerro, m.dh) Wiil ama gabar adeer dhalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ina-adeer
m.l/dh (ilma-adeerro, m.dh) Wiil ama gabar adeer dhalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ina-adeer
m. n., [collective] first cousin from paternal uncle's side