ansixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixid
(Ansixid-da)
Ansax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixid
m.f.dh eeg ansax². la-mid: ansax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hagaagsan ahaan; ansax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid. Tusaale: Arrintan mar hore ayaa barlamaanku ansixiyay. m.f.dh, ansixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansixi
v. legalize, validate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixi
(fal) go'aan ama wax kale, oggolaansho u hel. Baarlamaanku waxa uu ansixiyay xeerar cusub oo dhaqaalaha kobcintiisa qayb ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansixi
de: legalize, validate rw: ansax
lx: ansixi
pd: (ansixiyey)
ps: v2a=tr
key: ansixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalka wax la qabtay oo camal wanaagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixin
(Ansixin-ta)
Ansax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixin
m.f.dh eeg ansixi. la-mid: ansixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixin
-ta: (magac, dhedig, keli) ansax ka dhigid: go'aan yeeliddii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixis
m.l la-mid: ansixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixis
-ka: (magac, lab, keli) sharciyaynta xeer iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansax
ansax¹: m.l 1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. la-mid: ansixid.
ansax²: f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansax
ansax¹: m.l 1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. la-mid: ansixid.
ansax²: f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho. m.f.dh, ansixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wansiixid
m.f.dh eeg wansiix².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasixid
m.dh eeg abasax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manqixid
m.f.dh eeg manqax². la-mid: manqax¹, minqax¹, minqixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nixid
(Nixid-da)
Naxdin iska garasho, dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nixid
m.f.dh eeg nax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nixid
-da: (magac, dhedig, keli) sasid oo cabsi dareemid.
nixid-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo raxmad cid loo hayo dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixid
(Sixid-da)
Wax saxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixid
m.dh la-mid: saxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixid
vl. n. correction; correcting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixid
-da: (n) the act correcting; correction (korek-shin); amendment ~ saxitaan, sixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saxan ka dhigid; ka eegid in siidii ladoonayey ay tahay oo toosin. Dh: toosin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixid
a: saxniin
de: correction; correcting
initial: s
lx: sixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sixid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sixid
تصحيح
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ansaxi
-yey I say: (v) 1. ratify (raatifaay); approve (apuruuv), confirm or legalize to. 2. declare or make legally valid; legitimate (lijitimeeyt) ~ ansixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxi
(fal) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, oggolow ama aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbixid
m.f.dh eeg afbax². la-mid: afbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aflixid
(Aflixid-da)
(waxbarasho...) liibaanid; guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aflixid
m.f.dh eeg aflax². la-mid: aflax¹, aflaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftixid
m.f.dh eeg aftax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amsaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cagmarinta iyo baabi'inta wax jiray. Meel dhulgariir ka dhacay amsaxid danbe uma hadhin. Dh: askaxid, burburin, baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anficid
m.f.dh eeg anfac². la-mid: anfac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anficid
-da: (magac, dhedig, keli) wax faa'idayn; waxtarid. Dh: anficis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaxin
m.dh (qaanuun) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaxin
m.dh (qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ansaxin
-ta: (n) ratification (raatifikeeyshiri) ~ aqbalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, oggolaanshaheega iyo aqbalaaddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbixid
m.f.dh eeg asbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasixid
m.f.dh eeg fasax². la-mid: fasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasixid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho iyo rukhsad siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masixid
m.f.dh eeg masax². la-mid: masax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixid
m.f.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabixid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u tabaabushaysad. Dh: ambabixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada mid caan ah; magac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wansiixin
m.f.dh eeg wansiixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarbixid
(Aarbixid-da)
Eedbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarbixid
m.f.dh eeg aarbax². la-mid: aarbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxid
-da: (magac, dhedig, keli) muujinta hasha saansaanyaha baahida awr abaahiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbixid
m.f.dh eeg badbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambixid
m.f.dh eeg bambax². la-mid: bambax¹, bannaambax¹, bannaambixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambixid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan u bixid.
bambixid -da: (magac, dhedig, keli) «u ~» wax inaad samayso, u gu'id. U bambixidda shaqada mudho ayaa laga gaadhaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan u soo bixid; bannaanbax.
banbaxid -da: (magac, dhedig, keli) (u ~) hawl gaar ah u go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixid
m.f.dh eeg barbax². la-mid: barbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaankaagii, dhulkaagii iyo hantidaadii ka qaxid. Dh: barabixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyid
(Caasiyid-da)
Wax laysfaray diidid, maqli waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyid
m.f.dh eeg caasi². la-mid: caasin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama Ilaah amray, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniinid
m.dh la-mid: ciniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniinid
-da: (magac, dhedig, keli) caniin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjilid
(Canjilid-da)
Jilid; dhaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjilid
m.f.dh eeg canjil². la-mid: canjil¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale siduu hadlo ama u dhaqmo jilid. Dh: dhaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danniyid
m.f.dh eeg danni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danniyid
-da: (magac, dhedig, keli) tuhun aanad hubin oo kaa gala cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniinid
m.dh la-mid: finiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniinid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama bir wax lagu dubo, kululaansho.
faniinid -da: (magac, dhedig, keli) quruurax yaryar, farsamo gaar ah oo faraha ah, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fannidid
m.f.dh eeg fannid². la-mid: fannid¹, fannidaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannidid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog la sheegtay, daliil iyo xujo ku beenin. fanqooji: (fal) wax isku yaallay, qayb ka ruji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixid
m.dh la-mid: gaaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirid
m.f.dh eeg gaasir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama si waxtarla'aan ah ula dhaqmid. Dh: gabid.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yarayn wax laga dhimo; shay intiisii wax laga gaabiyo.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yaraysi ama quudhsi lagula kaco cid kale. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxid
(Ganaaxid-da)
Ganaax saarid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxid
m.f.dh eeg ganaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, abaal xun marin. Dh: ciqaabid, tacsiir, taqsiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbiyid
(Ganbiyid-da)
Genbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyid
(Hantiyid-da)
Wax la lee yahay ka dhigid; qabsasho; yeelasho; lahaansho; hanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyid
m.f.dh eeg hanti². la-mid: hantin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyid
vl. n. taking possession; nationalization, socialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ku dhigid oo iska yeelasho. Dh: hantiyis, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyid
de: taking possession; nationalization, socialization
lx: hantiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hantiyid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
insipide
insipide, adj. - dhadhan lahayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
insipido
agg. - dhadhan la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jusbixid
(Jusbixid-da)
Jusbax samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jusbixid
m.f.dh eeg jusbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jusbixid
-da: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo ardey qur'aan ka baxaya.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KA BIXID
Scarico
Discharge
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka bixid
Rinuncia
Renunciation