anshaxdarrood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarrood
m.f.l eeg anshaxdarroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: cid anshaxdarro kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarro
m.dh Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. la-mid: anshaxdarnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxdarro
-da: (magac, dhedig, keli) asluubxumo; edebdarro. Li: anshaxwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarrow
f.mg1 (-ooday, -ootay) la-mid: anshaxdarroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anshaxdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho. m.f.dh, anshaxdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anshaxdaran
adj., [expression] ill-mannered, impolite; undisciplined; immoral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anshaxdaran
-aa: (adj) contrary to established moral principles; naughty (nooti); indecent (indiisant); wicked; immoral ~ edeb darro, saqajaan, anshax xun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anshaxdaran
de: ill-mannered, impolite; undisciplined; immoral
lx: anshaxdaran
pd: (anshaxdarnaa)
ps: adj-expr
key: anshaxdaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxdarni
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumi iyo sarriigasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabdarrood
(Dhabdarrood-ka)
Dhabdarro kula kicid: gardarrood; jiddarrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarrood
m.f.l eeg dhabdarroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabdarrood
m. n. state of being treated unjustly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarrood
-ka: (magac, lab, keli) hadalxun iyo canaan cid lagu yidhaa. Dhiig yimiddaaba dhabdarrood hadh. Dh: gardarrood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabdarrood
de: state of being treated unjustly
lx: dhabdarrood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dhabdarrood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarnaan
m.f.dh eeg anshaxdaran. la-mid: anshaxdarnaansho, anshaxdarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anshaxdarnaan
f. n., [abstract] lack of good manners; being without discipline
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxdarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumi iyo sarriigasho la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anshaxdarnaan
a: anshaxdarnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: lack of good manners; being without discipline
lx: anshaxdarnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: anshaxdarnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarrood
m.f.l eeg dawdarroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawdarrood
m. eeg dawdarroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarrood
-ka: (magac, lab, keli) xadgudub iyo gardarro cid kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarroo
(fal) cid gardarro ku samee; hadal xun iyo canaan cid ku dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarrood
m.f.l eeg gardarroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardarrood
m.f.l eeg gardarroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarrood
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax aan gar ahayn kula kicid. Dh: gaboolfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) khalad ama gef qof galay ka jarid; ciqaab la gaadhsiiyo ruux, anshax-xumo uu sameeyey darteed. Dh: edbin, anshaxmaris, ganaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg anshaxmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanshadaashood
-ka: (magac, lab, keli) socod leh xarrago iyo tamashlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daashadaashood
-ka: (magac, lab, keli) dalxiis la iska tamashleeyo oo kolba meesha naftu jeclaato la aado. Dh: dalxiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshaxdarnaansho
m.l/dh la-mid: anshaxdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshaxdarnaansho
-ha: (magac, lab, keli) dhaqanxumi iyo sarriigasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldarro
m.dh Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. la-mid: abaaldarnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaaldarro
-abaaldarrada: (n) ungratefulness (an-gareeyt-fuul-nes); lack of gratitude, lack of appreciation ~ abaal ka dhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldarro
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan xun oo ku salaysan in la dafiro ciddii wax kuu tartay ama loo gudi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaarixid
m.f.dh la-mid: banaaxiyid, insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anshaxxumo
(Anshaxxuma-da)
Anshaxdarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxandarro
-da: (magac, dhedig, keli) naxariis yari; tudhaad la'aan; jimic la'aan. Arxandarrada waa lagu cadaab galaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarro
m.dh la-mid: ayaandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaandarro
f. n. bad luck, misfortune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaandarro
-ayaandarrada: (n) misfortune (misfoorjin); bad fortune or ill luck ~ nasiibdarro. —Syn: adversity, mishap, mischance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarro
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaandarro
de: bad luck, misfortune
lx: ayaandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nasiibxumo, saancaddo
key: ayaandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryood
m.f.l eeg haraaryoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryood
-ka: (magac, lab, keli) kulaylka aawadii iyo harraadka la ruxmid oo hadhgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisaddarro
m.dh Abaaldarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisaddarro
f. n., [abstract] ingratitude
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisaddarro
de: ingratitude
lx: jisaddarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: jisaddarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shankabood
-ka: (magac, lab, keli) tuugta wax xadda ee is gedgediya hadba si iska dhiga. Waa tuug shankabood le ah. Dh: raadgadasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shankaroon
name-f better than five
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shankaroon
magac loo baxsho gabadh la filayo in ay noqoto mid qaali ah oo qayrkeed ka roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warwarrood
(Warwarrood-ka)
Geed laamo dhuudhuuban oo samayooyin laga dhigto iyo qodxo qarqaroofan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warwarrood
m. n. plant species, the sticks of which are used as practice spears
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warwarrood
de: plant sp., the sticks of which are used as practice spears
initial: w
lx: warwarrood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: warwarrood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarood
-ka: (magac, lab, keli) kufid oo xanbaaro dhulka ka soo go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshax-xumo
m.dh 1. Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. 2. la-mid: anshax-xumaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anshax-xumo
anshax-xumada: (n) bad behavior (beheeyver); immorality (imooraaliti) ~ dhaqan xumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebdarrood
m.f.l eeg edebdarroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
edebdarrood
m.f.l eeg edebdarroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edebdarrood
-ka: (magac, lab, keli) anshaxumo samayn; edebdarro samayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAN-FAROOD
(Scianfarod) S, May Garcinia livingstonei ? Guttiferae.
S Gardenia volkensii K.Schum. Rubiaceae.
May Steganotaenia araliacea Hochst. Umbelliferae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushmadarro
m.dh Xushmo la'aanshada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xushmadarro
m.dh Xushmo la'aanshada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmadarro
-da: (magac, dhedig, keli) xishood la'aan; sharaf xumo. Ninkaasi xushmaddarro ayuu dadka uga dhexbaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anhaydaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anhaydaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshax-xumow
f.mg3 (-maaday, -maatay) Qof anshax-xun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askarmaroodi
m.l 1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iyo wixi lamida. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askarmaroodi
m.l 1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iyo wixi lamida. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askarmaroodi
m. n. occasional soldier
askarmaroodi m. n., [collective] poor young boys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askarmaroodi
-ga: (magac, lab, keli) canug askari ah ama qof kolkol uun dirayska qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangaraarood
m.f.l eeg dangaraaroo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xushmaddarro
-xushmaddarrada: (n) indecency (in-diisensi)-, disrespect (dis-ris-pekty lack of respect ~ xurmo darro
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar dahsoon
Implicit function