ansax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansax
(Ansax-a)
Wax sharciga waafaqsan; sharci ahaan loo oggolaan karo ama loo aqbali karo; aan ahayn wax la duri karo ama la burin karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansax
ansax¹: m.l 1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. la-mid: ansixid.
ansax²: f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansax
ansax¹: m.l 1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. la-mid: ansixid.
ansax²: f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho. m.f.dh, ansixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansax
v. be valid, legal ~ legitimate
ansax vl. n. legality, validity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansax
-a: (magac, lab, keli) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, aqbalaaddiisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ansaxi
-yey I say: (v) 1. ratify (raatifaay); approve (apuruuv), confirm or legalize to. 2. declare or make legally valid; legitimate (lijitimeeyt) ~ ansixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxi
(fal) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, oggolow ama aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anshax
(Anshax-a)
Xeerarka dhaqanwanaagga iyo bulshannimada; edeb; xishood; asluub; xarrago; hufnaan; (ama anshi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anshax
m.l (-xo, m.l) (etno.) Habka iyo hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la dhaqmo; asluub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anshax
m.l (-xo, m.l) (etno.) Habka iyo hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la dhaqmo; asluub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anshax
m. n., [collective] good manners, polite behavior; ethics, morality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anshax
-a: (n) good conduct; morality (moraaliti); manners (maanaris); ethics (ethekis); etiquette (etikeet); the socially correct way of acting; behavior, manners ~ akhlaaq, dhaqan, edeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anshax
-a: (magac, lab, keli) wax sharci ahaan loo oggolaan karo ama loo aqbali karo; wax sharcigal waafaqsan.
anshax -a: (magac, lab, keli) dhaqan wanaag: xeerarka dhaqanwanaagga iyo bulshanimada. Dh: asluub, anshi, edeb, xishood, xarrago, hufnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qansax
(Qansax-a)
Geed qodax yar oo qarqaroofan iyo mayrax wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qansax
m.l (qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qansax
m.l (qansax, m.dh) Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qansax
m. n., [collective] acacia tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QANSAX
[GANSA, KONSAJ, GONSAJ, KANSA] Acacia reficiens 43
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANSAX
(Gansah) All.Som. Acacia reficiens Wawra Mimosaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qansax
-ha: (n) spiny tree; plant name
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qansax
geed godax yar oo qarqarroofsan iyo maydhax wanaagsan leh. Maydhaxda waxaan ka dirtay geed gansax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qansax
cf: hobay
de: acacia tree sp.
lx: qansax
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: qansax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amsax
(fal) jejebi oo cagta mari. Derbiga inna ooday amsax. Dh: burburi, abshax.
amsax: (tilmaame) baaba' san oo cagta la mariyay. Dh: baaba', abshax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansac
(Ansac-a)
(bad) riixid; durkin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansac
v. push off (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansac
(fal) wax aan iskii u socon riix.
ansac -a: (magac, lab, keli) badda doon iyo wax la mid ah ku riixid; ku durkin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansac
de: push off (a boat)
lx: ansac
pd: (ansacay)
ps: v1=
key: ansac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixid
(Ansixid-da)
Ansax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansixin
(Ansixin-ta)
Ansax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixid
m.f.dh eeg ansax². la-mid: ansax¹ (2).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ratification
/raatafakeyshan/ (n) aqbalaad (ansaxin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
valid
/vaalidh/ (adj) 1. ansax ah, macquul ah. 2. wax sharci ahaan la isticmaali karo. e.g. A valid passport.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
validate
/vaalidheyt/ validation; (v) ansaxin (sharciyeyn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
validity
/vaaladhiti/ validly; (n) ansax (ansax ahaansho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
void
/voydh/ (n) 1. maran (faaruq ah, bannaan) (adj) 2. ansax aan ahayn.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CANSHUURTA SHATIYADA & CUSBOONAYNTA
Tassa di concessione licenze e rinnovo
Licence concession and renewal fees
Waa canshuur fasax ganacsi ee loo qaado si ganacsigu u ansaxo, waxaana la bixiyaa, sida badan, sannadkiiba mar hormaris ah; canshuurtaasi waxay u kala baxdaa sidatan: (1) Shati dirid iyo keenid ganacsi; (2) Shati tacab Warshadeed; (3) Shati jimlo gade iyo tafaariiqle; (4) Shati iib tacab, cunto, cabid, iwm. iyo shatiyo hawlo qabasho ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afti
-da: (magac, dhedig, keli) cod laga qaado dadka si loo ansaxiyo sharcinimada dastuur iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hagaagsan ahaan; ansax noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixin
-ta: (magac, dhedig, keli) ansax ka dhigid: go'aan yeeliddii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifcibaado lagu samayn karo ahaan. Salaaddu daahirnimo la'aan ma ansaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaaq
(fal) fur haweenayda aad qabto. Dalaaq gabadha haddii aad is fahmi weydeen. Dh: fur. Li: meheri.
dalaaq -da: (magac, dhedig, keli) ereyada uu ku ansaxo furriinka gabadh la qabay. Dh: kalatag. isfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaaf
(fal) ku wareeg Kacbada.
dawaaf -ka: (magac, lab, keli) socod cibaado ah oo lagu wareego Kacbada kana mid ah rukunnada Xajka la'aantiina aanu ansaxaynin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugni
-ga: (magac, lab, keli) tiir asaas u ah diin ama cibaado oo la'aantii aan waxba ansaxayn. Dh: tiir, rukni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukun
(fal) joogtee; rukun ka dhig.
rukun -ka: (magac, lab, keli) macmiil joogto ah oo bille ama maalinle ah.
rukun -ka: (magac, lab, keli) tiir adag oo wax xajiya; meelaha guryaha loogu talagalo inay culayska xajiyaan oo in tabad shub adag ah. Aqal aan rukun adag ku joogini gariir iskama caabbiyo. Dh: tiir.
rukun -ka: (magac, lab, keli) tiir asaas u ah diin ama cibaado oo la'aatii aan waxba ansaxayn. Dh: tiir, rukni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeso
-da: (magac, dhedig, keli) weel ubbo ah ama geed laga qoro oo lagu waysaysto.
weeso -da: (magac, dhedig, keli) daahir ahaanshaha lagu tukan karo. Qof aan weeso gabin salaadi kama ansaxdo. Dh: weyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansax_1
cf: ansixi [tr]
de: be valid, legal ~ legitimate
hm: 1
lx: ansax
pd: (ansaxay)
ps: v1=intr
key: ansax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansax_2
de: legality, validity
hm: 2
lx: ansax
pd: (-a)
ps: vn2a-m
key: ansax_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalka wax la qabtay oo camal wanaagsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaxin
m.dh (qaanuun) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaxin
m.dh (qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ansaxin
-ta: (n) ratification (raatifikeeyshiri) ~ aqbalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la qabtay oo camal wanaagsan ah, oggolaanshaheega iyo aqbalaaddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abasax
(Abasax-a)
(geel, ...) hashu kolka ay u baahan tahay awrka, sida ay tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abasax
abasax¹: m.l la-mid: abasaxi.
abasax²: f.mg1 (-xay, -xday; -sixi) (Hal) wax abaahin u baahan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abasax
v. be in heat (of a camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasax
(fal) 'hal' dhoodista awr u baaho. Hasha waxa ka muuqda in ay abasaxayso.
abasax: (tilmaame) hal u baahan awr dhooda.
abasax-a: (magac, lab, keli) hashu markay muujiso astaamaha lagu garto in ay baahin u baahan tahay; hashu markay diyaar u tahay dhoodidda. Abasaxa hasha waxa keenay barwaaqada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abasax
de: be in heat (of a camel)
lx: abasax
pd: (abasaxay)
ps: v1=
key: abasax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansaar
(Ansaar-ta)
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaar
m.dh.u Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaar
m.dh.u Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansaar
f. n., [collective] the people of Medina who helped the prophet and the Muslim immigrants
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaar
-ta: (magacwadareed) dadkii Muslimay ee reer Madiina ahaa ee Nebiga iyo asxaabtiisa is garab taagay kolkii uu Madiina u soo hijrooday. Li: muhaajiriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansaar
de: the people of Medina who helped the prophet and the Muslim immigrants
lx: ansaar
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: ansaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid. Tusaale: Arrintan mar hore ayaa barlamaanku ansixiyay. m.f.dh, ansixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansixi
v. legalize, validate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixi
(fal) go'aan ama wax kale, oggolaansho u hel. Baarlamaanku waxa uu ansixiyay xeerar cusub oo dhaqaalaha kobcintiisa qayb ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansixi
de: legalize, validate rw: ansax
lx: ansixi
pd: (ansixiyey)
ps: v2a=tr
key: ansixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banbax
(Banbax-a)
Bannaanbax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banbax
m. n. demonstration, rally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banbax
-ay -day / een: (v)) join together for a common purpose; congregate; rally (raali) bannaanbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbax
(fal) meel bannaan ama dibad u bax.
banbax: (fal) (u ~) wax qabashadiisa u go' oo hawlaha kale iska jooji.
banbax-a: (magac, lab, keli) meel bannaan ama cidlo ah u bixid. Dh: bannaanbax.
banbax -a: (magac, lab, keli) (u ~) hawl gaar ah u go'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banbax
a: bambax, bannaanbax
de: demonstration, rally
lx: banbax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: banbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dab, nal iyo wixi lamida wax bakhtiyey ahaansho. la-mid: densan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dab, nal iyo wixi lamida wax bakhtiyey ahaansho. m.f.dh, dansanaan. la-mid: densan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansan
der. [adjective] turned off, put out, extinguished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dansan
-aa / ayd: (adj) turned off; switched off ~ damsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansan
(tilmaame) dab, laydh ama wax la mid ah oo bakhtiisan ama aan shidmayn. Dh: damsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansan
a: densan
de: turned off, put out, extinguished
lx: dansan
pd: (dansanaa)
ps: adj-der
key: dansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fantax
(Fantax-da)
1. Wax xiriira ama taxan, meel furan ama jaban ama daloosha oo ku taal; wax jiidan oo is haysta meel ay ka kala furan yihiin.
2. Dillaaca yar oo gamuunka salkiisa ku yaal iyo wixii u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fantax
m.dh (-xyo, m.l) 1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fantax
f. n. hole, crack, fissure, split
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantax
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca yar oo gamuunka salkiisa ku yaal iyo wixii u eg. fantax-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhiidha ama taxan, meel furan ama jaban ama daloosha oo ku taal. Dh: fanax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fantax
de: hole, crack, fissure, split
lx: fantax
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: fantax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaax
(Ganaax-a)
Gef ama xumaan ama gabood la falay, eedsiis le'eg oo badanaa lacag ah; xaal; yake; xumayn; eedsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaax
ganaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixiso.
ganaax²: f.g1 (-xay, -xday) Ciqaab maaliyadeed cid dambi fashay bixinteeda ku xukumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganaax
ganaax¹: m.l (-xyo, m.dh) Ciqaab maaliyadeed oo cid xeer jebisay lagu xukumo in ay bixiso.
ganaax²: f.g1 (-xay, -xday) Ciqaab maaliyadeed cid dambi fashay bixinteeda ku xukumid. m.f.dh, ganaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganaax
m. n. fine, penalty
ganaax v. punish, fine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganaax
-a: (n) penalty for an offense; fine (faayn); penalty (panelti) ~ ciqaab, takhsiir
ganaax: -ay I tay: (v) penalize (piinalaayz); fine (faayn)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ganaax
Multa
Fine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaax
(fal) cid kale, abaal xun mari. Dh: ciqaab, tacsiir, taqsiir.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ganaax
غرامة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansad
-ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Saddex lagama kaco, hansad gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad. Dh: hasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kansar
m.l (-rro, m.dh) (daawo) Buro xume oo dhan ha ahaado “karjinome” ama “sarkoome” wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kansar
m.l (-rro, m.dh) (daaw.) Buro xume oo dhan ha ahaado 'karjinome' ama 'sarkoome' wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kansar
-ka: (magac, lab, keli) cudur daran oo halis ah oo aan bixin, jirka xula oo ku hulaaqa, oo xubinta uu ku dhaco loo gooyo. Oogada iyo uurkujirtaba meelo badan iyo siyaabo badan ayuu ugu dhacaa. Sidii nimuu kansar hayoo, kellidu heemayso, kalaankal iyo kuma bogsado kuruska geeleede. Dh: kansal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manqax
(Manqax-a)
Qosol badan iyo cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manqax
manqax¹: m.l 1. la-mid: manqaxi. Qosol badan iyo cayaar. 2. la-mid: manqixid.
manqax²: f.mg1 (-xay, -xday; -qixi) Dad badan oo meel wada jooga hal mar wada qoslid. la-mid: minqax².