annilliida
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
annilliida
m.l (-ooyin, m.l) (baayoloji) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
annilliida
m.l (-ooyin, m.l) (baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annilliid
-da: (magac, dhedig, keli) faylam ka mid ah lafdhabarla'da oo ka kooban goryaano maraaraysan. Wuxuu leeyahay jidh jilicsan oo dhulubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaryo. Dh: dirxidhuleed.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Annelida
Anniliida
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalliidh
(fal) faas ama gudin ku yaryaree xaabo iyo wixii la mid ah. Dh: jeexleex, dildullaaci.
falfalliidh -ka: (magac, lab, keli) digir inta la dubo oo la tumo la kariyo. Dh: faracad.
falfalliidh-ka: (magac, lab, keli) wax la jeexjeexay ama la dildillaacshey; wax falliidho laga dhigay. Dh: falfalliir.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ranjille-ha
peintre.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sannadkiiba
(adj) every year; yearly