ankookib
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ANKOOKIB
(Ancochip) N Acacia ankokib Chiov. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankookib
-ka: (magac, lab, keli) geedo waaweyn oo cad cad oo buuraha waaweyn iyo qawyada ka dul baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankoobid
m.l Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorib
m.dh Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koorib
f. n. game (similar to chess)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorib
-ta: (magac, dhedig, keli) kuul madow iyo caddaan isugu dhaxjirta oo quraarad ah.
koorib -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koorib
cf: shax
de: game (similar to chess)
lx: koorib
pd: (-ta)
ps: n-f
key: koorib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakookir
-ka: (magac, lab, keli) qof maskaxda wax uga dhiman yihiin. Sakookir sahan looma dirto. Dh: salsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabbada ku qaadasho. Dh: xantoobin, cantoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqid
m.f.dh eeg fanjooq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqin
m.f.dh la-mid: fanqoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqis
m.l la-mid: fanqoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqoojin
m.f.dh eeg fanqooji. la-mid: fanjooqin, fanjooqis, fanqoojin, fanqoojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku yaallay qayb ama in ka rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqoojis
m.l la-mid: fanqoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqid
(Fanqooqid-da)
Meeshii lagu dhegsanaa kor uga soo fuqid; fowliilid.
2. Fadhiyid iyadoo dhulka kor laysa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooqid
m.f.dh eeg fanqooq². la-mid: fanqooq¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqooqid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi cidhbaha lagu fadhiyo oo dhulka sare laysaga hayo.
fanqooqid-da: (magac, dhedig, keli) wax meeshii uu ku dhegganaa ka soo yare fuqay. Dh: fowliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobid
m.dh la-mid: gantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoodid
m.dh la-mid: qandoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kelidaa, foorarid. Hadba waxay gandooddaba markay gorodda hayn waydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) in weyn gacanta kaga qaadasho. Dh: cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandoodid
(Qandoodid-da)
Si qandood ah, meel ugu sugnaan, u taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandoodid
m.f.dh eeg qandood². la-mid: gandood¹, gandoodid, qandood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodid
-da: (magac, dhedig, keli) si foorar ah u taagnaan; dhaqaaq la'aan yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan hoos u foororin. Dh: qalloocin. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjoofil
m.l Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjoofil
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah cawska rarada laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanboorid
(Sanboorid-da)
Sanboor qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorid
-da: (magac, dhedig, keli) sanka boor ka gelin; sanboor ka dawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanboorin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sanboorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tantoomid
(Tantoomid-da)
Tantoonyo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tantoomid
m.f.dh eeg tantoon. la-mid: tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tantoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, tantoomo ku dhufasho. Tantoomida ka daa inanka yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankaakub
-ka: (magac, lab, keli) dib u soo kabasho. Dh: kabasho, oogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobin
m.f.dh eeg xantoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) kol sacabka k wada qaadid. Dh: cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baantookhid
m.f.dh eeg baantookh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baantookhid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn ku hadaaqid. Dh: buuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodid
m.f.dh eeg kadankood³. la-mid: kadankood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadankoodid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii buur yar ah ka dhigid; burco ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabsasho oo wixii yaalba sacabka ka buuxsasho.