angaygsaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angaygsaar
-ka: (magac, lab, keli) masabidaadda qofka la dulsaaro gef iyo denbi aanu geysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agagaar
(Agagaar-ka)
Hareeraha aan fogfogeyn; dhinacyada; (ama agaggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagaar
m.l Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. la-mid: agaggaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaar
m. n. surroundings, vicinity, surrounding area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agagaar
-ka: (n) surrounding (saraawn ding); neighboring area ~ wareegga, nawaaxiga, aagga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagaar
-ka: (magac, lab, keli) hareeraha u dhaw meel; hareeraha aan fogfogayn. Dh: agaag, dhinac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaar
cf: fagaag
de: surroundings, vicinity, surrounding area
lx: agagaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: agagaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
agagaar
ناحية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaggaar
m.l la-mid: agagaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaaysaar
asaaysaar¹: m.l Afo ninkeedii dhintay oo asaay loo saaro.
asaaysaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Afo ninkeedu dhintay asaay u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaaysaar
asaaysaar¹: m.l Afo ninkeedii dhintay oo asaay loo saaro.
asaaysaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Afo ninkeedu dhintay asaay u saarid. m.f.dh, asaaysaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-naysaa
de: you are / she is doing (X)
lx: -naysaa
ps: v2a-2sg/3f-prpg
xe: she is giving
xv: =-neysaa
key: -naysaa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
annagaa
pron., pl. It is we [excl.] who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
annagaa
(pronoun) 1. we are the ones who... Ex: annagaa sheegnay; we told [we are the ones, who told], 2. we (wii)! or us! Ex: kaalaya! annagaa? You all come here! us? [are you speaking to us?]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
annagaa
de: It is we [excl] who ... = annaga + baa
lx: annagaa
ps: pro-1pl + focus
key: annagaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaar
(Gargaar-ka)
Wax loo baahan yahay oo la isa siiyo ama la isu qabto: kaalmo; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaar
gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar¹.
gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. la-mid: gergaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gargaar
gargaar¹: m.l 1. Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqso leh. 2. G.ka degdegga ah: kalkaalo caafimaadka dhaqsaha leh oo loo galo qofka jirradu ku soo booddo ama shil ku dhaawacma. la-mid: gargaarsimo, gergaar.
gargaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: cid taakulayn. m.f.dh, gargaarid. la-mid: gergaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaar
m. n. help, aid, assistance, support
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gargaar
name-m helper; generous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gargaar
-ka: (n) aid in time of danger or need; relief (riliif); aid (eeydh) ~ gergaar, caawimo, macaawino
u gargaar -ay / tay: (v) give a helping hand; give assistance, aid (eeydh)
gargaarka deg-degta ah: (expression) emergency aid; first aid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gargaar
Soccorso; aiuto
Aid; assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gargaar
magac loo baxsho wiil reerka uu u dhashay garab iyo gaashaan ba u noqda oo loo aayo. Waa wiil inta badan gabdho badan ka daba dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaar
(fal) cid kale, caawi oo kaalmo u fidi. Dh: taageer.
gargaar -ka: (magac, lab, keli) waxtar cid wax la taro; caawimaad la isu qabto; taageero la isa siiyo. Gargaar Eebbe guushee ka roon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaar
bw: gergaar
cf: ciyi, xoolaggooyo
de: help, aid, assistance, support
lx: gargaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gargaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gargaar
مُسَاعَدَة، إغاثة
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anaysaa
a: =-aneysaa
de: you are / she is doing (X)
lx: -anaysaa
ps: v3-2sg/3f-prpg
xe: Are you borrowing some money?
xv: Lacag maad amaahanaysaa?
key: -anaysaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-naysaan
de: you all are doing (X)
lx: -naysaan
ps: v2a-2pl-prpg
key: -naysaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaaro
m. n. suburb; approach, avenue of approach
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaaro
de: suburb; approach, avenue of approach
lx: agagaaro
pd: (/ha)
ps: n-m
key: agagaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: irkigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagasaar
m.dh (-ro, m.dh) Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagasaar
m.dh (-ro, m.dh) Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagasaar
f. n. something used to place the feet on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagasaar
-ka: (magac, lab, keli) walax maro ama caag ka samaysan oo albaabada hortooda ama baabuurta meesha lugta la saarayo la dhigo. Dh: dacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagasaar
de: s.t. used to place the feet on
lx: cagasaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: cagasaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anaysaan
a: =-aneysaan
de: you all are doing (X)
lx: -anaysaan
ps: v3-2pl-prpg
key: -anaysaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarnaan
m.f.dh eeg angaran². la-mid: angarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid laga tegay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaysaar
-ka: (magac, lab, keli) u ololaynta arrin, cidda go'aankeeda leh lagu cadaadiyo inay go'aan ka qaadato. Ururro culaysaar ah ayaa dawladda ku cadaadinaya inay deegaanka ilaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haragsaar
-ka: (magac, lab, keli) asturaad iyo qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjasaar
(Manjasaar-ka)
Si carruurta yaryar loogu fariisiyo hooyada cagaheeda oo kooraha qaabkiisa loo yeelay, siiba kolka ay kaadi ama saxaro dhigayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjasaar
manjasaar¹: m.l Qaabka loogu fariisiyo ilmo saxaroonayo ama kaadshaya iyaga oo labada lugood la dul saarayo. la-mid: majasaar¹, mijasaar¹, minjasaar¹.
manjasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo saxaroonayo ama kaadshayo lugo saarid. la-mid: majasaar², mijasaar², minjasaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manjasaar
f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo saxaroonayo ama kaadshayo lugo saarid. m.f.dh, manjasaarid. la-mid: majasaar, mijasaar, minjasaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manjasaar
v., [compound] sit a baby between one's feet to urinate ~ excrete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjasaar
(fal) ilmo yar saxaraysii ama kaadsii. Manjasaar ilmahaaga. Dh: mijasaar, xaarsii.
manjasaar -ka: (magac, lab, keli) hab caruurta yaryar lagu saxaraysiiyo ama lagu kaadsiiyo oo lagu fadhiisiyo cagaha hooyada oo loo yeelo meel kaadida iyo saxaradu ka baxdo. Manjasaarka caruurta hooya waliba waa ay taqaanaa. Dh: mijasaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manjasaar
bw: majasaar
de: sit a baby between one's feet to urinate ~ excrete
lx: manjasaar
nt: manjasaar (ka) [vn-m]
pd: (manjasaaray)
ps: v1=cmp
key: manjasaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u gargaar
v. help, support, give help ~ support
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_gargaar
de: help, support, give help ~ support
initial: u
lx: u gargaar
pd: (gargaaray)
ps: v1=expr
key: u_gargaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadsaar
(fal) caqabado mashruuc hortaagan ka horqaad oo abuur jawi uu ku taabbagalo. Dh: maaree. Li: cakir.
ragaadsaar -ka: (magac, lab, keli) xal u helidda hawl la xannibay ama la horjoogsaday. Dh: furdaamin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Afganistaan
(n) Afghanistan; Kabul is the capital and the largest city
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagsanaan
m.dh la-mid: irkigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaaysaarid
m.f.dh eeg asaaysaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeysnaan
m.f.dh eeg dangeysan. la-mid: dangeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falgargaare
-ha: (magac, lab, keli) erayga wax ka sheega sida uu falku u dhacay. Falgargaare waxa uu hor dhacaa falka. Dh: falkaabe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaangeystar
-ka: (n) gangster (gaan-gestar); racketeer (raaki-tiir) ~ burcad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu hungoobay, socod quusi ka muuqato kaga dhaqaaqid. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaysnaan
m.f.dh eeg margaysan. la-mid: margaysnaansho, mergaysnaan, mergaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbacaraar
(Sanbacaraar-ka)
(xoolo, kd.) Bacaraarka sanka; sandaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbacaraar
m. n. tip of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbacaraar
-ka: (n) bridge of the nose; snoot (isnuut); schnozzle ~ sambacaraar, sanbuuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbacaraar
-ka: (magac, lab, kali) sanka intisa carjawda ah ee lafta ka horreeya. Dh: sanbaruq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbacaraar
a: bacaraar
de: tip of the nose
initial: s
lx: sanbacaraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sanbacaraar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sancayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka leh aqoon sanco, aqoon xirfadeed oo wax lagu suubbin karo. Dh: farsamayagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagsanaan
m.f.dh eeg hankaagsan. la-mid: hankaagsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjagaargaar
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc quraanjada ka mid ah oo sida jinaca u guurta oo raashinka godad ku kaydsata. Manjagaargaartu dadka ma qaniinto. Dh: mijagaargaar.