anficis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anficis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg anficid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anficid
m.f.dh eeg anfac². la-mid: anfac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anficid
-da: (magac, dhedig, keli) wax faa'idayn; waxtarid. Dh: anficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicis
m.l la-mid: qandicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qandicin. qandiir: (fal) wax in yar kululaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicis
-ta: (magac, dhedig, keli) shinnida caydha ah. Nicis ayaa geedka ku dhabatay.
nicis: (tilmaame) mid aad u yar ah. Dh: niqis, dhal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antics
/aantiks/ (n) 1. majaajillo ama waxyaabo kale oo aan caadi ahayn oo dadka looga qosliyo ama looga yaabiyo. e.g. the antics of the President's policy. 2. fal-foolxun.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
antics
/antikis/ (n) (pl) wal lyky koothy oo yaab leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anfibio
agg. - berribiyood ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixis
m.l la-mid: ansixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixis
-ka: (magac, lab, keli) sharciyaynta xeer iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anticipo
s.m. - hormarin (ta) (lacag), carbuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacis
-ta: (magac, dhedig, keli) cadaw ama waxyeello ka ilaalis. Difaacista danyartaan isu taagay. Dh: dhawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danniyis
-ta: (magac, dhedig, keli) tuhun qof aad ka malaysato. Dh: malays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniinis
m.l la-mid: finiinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawricis
m.dh la-mid: gawricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manyicid
m.dh la-mid: mayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manyicin
m.dh la-mid: mayicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqkicis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naqkicin. naqli: (fal) eeg naqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicid
m.f.dh eeg qandac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandicin
(Qandicin-ta)
Qandac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicin
m.f.dh eeg qandici. la-mid: qandicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diirran ka dhigid. Qandicinta biyaha ku dhaqso. Dh: diirin kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricis
m.l la-mid: raaracin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabkicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabkicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waasicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waasicin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WANIINIS
(uaninis) C Solanum terminale Forsk Solanaceae.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
antichrist
n., antikristos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandhicis
m.l la-mid: laandhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfi
(fal) wax dafir oo gaashaanka ku dhufo; ha yeelin. Ha anfiyin xaqiiqada. Dh: diid, inkir, duudsi, dafir, beeni. Li: yeel, rumee, aqbal, qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niis
m.dh Ciid jilicsan oo aan boor lahayn oo togaggu keenaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niis
-ka: (magac, lab, keli) ciid sida jidhiidha ah oo laga guro dixaha oo inta sibidh lagu daro jaajuur laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afcas
-ta: (magacwadareed) rasaasta nooc afka hore cas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anfac
(Anfac-a)
Waxa la cuno waxtarka ama dheefta laga helo; anfaco; wax tar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfac
anfac¹: m.l 1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. la-mid: anficid.
anfac²: f.g1 (-cay, -cday; -fici) Cid faa'iido u yeelasho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anfac
anfac¹: m.l 1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto.
anfac²: f.g1 (-cay, -cday; -fici) Cid faa'iido u yeelasho (wax). m.f.dh, anficid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anfac
m. n. usefulness; nutrients found in food
anfac v. be useful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anfac
-ay / day: (v) help (heelp); aid (eeydh); give assistance to or use to; Ex: buuggii ma ku anfacay? did the book help you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfac
(fal) waxtar yeelo. Anfac naftaadoo, dadkana wax u tar. Dh: tar, taro.
anfac-a: (magac, lab, keli) waxtarka shey ama noole leeyahay. Beertu way anfac badan tahay. Dh: dheef, faa'ido.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
anfac
نَفْعِ، فَائِدَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aniin
-ta: (magac, dhedig, keli) firida ama midhaha dhulka lagu beero ama ka soo baxa sida garowga iyo arabbikhida. Aniinta ku shub beerta. Dh: iniin.
aniin-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha ama candhada neefka inta taabashadeeda laga dareemo wax firida u eg oo ku dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ficil
(Ficil-ka)
Jacayl kulul iyo hiillo qof u qabo dad gaar ah ama tolkiisa ama dhulkiisa ama qarankiisa; hiillo; danaano (ama ficilo).
2. (naxwe) Fal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ficil
ficil¹: m.l 1. la-mid: ficilo. Dareen cid loogu hiillinayo. 2. (afcaal, m.dh/facaayil, m.l) Waxqabad.
ficil²: m.l (afcaal, m.dh/ faacaayil, m.l) (naxwe) Fal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ficil
ficil¹: m.l 1. la-mid: ficilo. Dareen cid loogu hiillinayo. 2. (afcaal, m.dh/facaayil, m.l) Waxqabad.
ficil²: m.l (afcaal, m.dh/ faacaayil, m.l) (naxwe) eeg fal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ficil
m. n. siding with, support, favoritism (to one's relatives), solidarity (within a group)
ficil m. n. action, deed; challenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ficil
-ka: (n) 1. action (aakshin); deed (dhiidh); act (aakt) ~ fal. 2. [Grammar] verb (veerb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficil
-ka: (magac, lab, keli) jacayl kulul iyo hiillo qof, dad gaar ah ama dhul ba loo qabo; dareen damqasho oo qofka ku kiciya in uu cid u hiiliyo. Dh: hiil, danaano, ficilo.
ficil -ka: (magac, lab, keli) dareen caadifad wata oo qofka ku dhasha marka lagu xadgudbo cid qaraabadiisa ah gaar ahaan dumarka iyo waalidka.
ficil -ka: (magac, lab, keli) waxqabad iyo shaqo. Ficil samee oo meesha ka kac. Dh: fal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidis
m.l la-mid: fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidin.
fidis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figis
-ta: (magac, dhedig, keli) saliid dareere ama burcad ah oo kulul oo jidhka markuu ku xanuuno la is mariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firis
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: fidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micis
m.dh la-mid: milcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
niais
niais, adj. - Qofka yara maskaxda adag; jaajaale; nacas; doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nicid
(Nicid-da)
1. Rabid iyo jacayl wax loo qabey, baabbi'in.
2. Diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nicid
m.f.dh eeg nac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nicid
vl. n. hatred, aversion; refusal, desertion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nicid
-da: (n) the act of hating; hatred (heey-trid) diidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicid
-da: (magac, dhedig, keli) karhid oo wax kale niyadda ka diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nicid
de: hatred, aversion; refusal, desertion rw: nac
lx: nicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nicid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nigis
-ka: (n) underwear (andher-weer); underpants (an-dhar-pounds); underclothes ~ kastuumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yicis
m.dh 1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yicis
-ka: (magac, lab, keli) qof maati ah ama u dhaqma sida maatida oo aan waxba ka xishoon. Yicis lalama xafiiltamo. Dh: ayaayuf, yiciis.
yicis-ta: (magacwadareed) ugaadha inteeda yaryar. Ugaadhu kolka ay yicis tahay ayay hilib macaan tahay. Dh: yaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
absiis
-ka: (magac, lab, keli) dhidibka jiifa ee kulannada garaafka. Inta badan absiiska waxa halbeeg looga dhigaa 2 togan ama -2° taban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuris
-ka: (magac, lab, keli) eeg afurin.
afuris-ta: (magac, dhedig, keli) iyadoo la soomman yahay wax cunid ama wax soonka jebiya la imasho. Dh: afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akidis
m.l la-mid: akidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akidis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laga warramay. run ahaantiisa daliil caddaynaya keenis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anfaco
m.dh.w eeg anfac (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anfaco
-anfacada: (n) food (fuudh); a source of nourishment; nutrient ~ cunto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfaco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg anfac. anfariir': (fal) dareen naxdin uu fajac weheliyo Anfariirray goortaan Cabdow aragnay hooggiiye. Markii oodda loo jiiday, bay ka anfariireene. Dh: fajac, amakaag, irkig, argagax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Anjiil
f. n. Gospel; the New Testament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Anjiil
a: Injiil
bw: Arabic
de: Gospel; the New Testament
lx: Anjiil
pd: (/sha)
ps: n-f
key: Anjiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid. Tusaale: Arrintan mar hore ayaa barlamaanku ansixiyay. m.f.dh, ansixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansixi
v. legalize, validate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixi
(fal) go'aan ama wax kale, oggolaansho u hel. Baarlamaanku waxa uu ansixiyay xeerar cusub oo dhaqaalaha kobcintiisa qayb ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansixi
de: legalize, validate rw: ansax
lx: ansixi
pd: (ansixiyey)
ps: v2a=tr
key: ansixi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
antico
agg. - sooyaal ah, qaddiin ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidis
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeris iyo gargaar dhan walba noqon kara. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicis
m.l/dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg biicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicis
(Dhicis-ka)
1. Ilmo dhasha isagoo aan dhammaysan bilihii uu uurka ku jiri lahaa.
2. Fashal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicis
dhicis¹: m.l 1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. la-mid: dhicin¹.
dhicis²: m.dh la-mid: dhicid¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhicis
m.l 1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. la-mid: dhicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhicis
m. n. premature baby; still-born child, fetus
dhicis: vl. n. miscarriage, act of losing a baby
dhicis: vl. n. robbing, stealing with force
dhicis: vl. n. happening; falling
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhicis
name-m premature (born before his due date)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhicis
-ka: (n) premature baby (piri-mijuur beeybi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicis
-ka: (magac, lab, keli) ilmo dhashay isaga oo dhinsan ama aan xilligii shinkiisu ku beegnaa gaadhin. Dhicis inta birta loo soo siduu dhintaa. Li: dhammays.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
infini
infini, adj. - aan dhamaad lahayn.
infini, n.m. - meel uu ku dhammaado lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkiis
m.l (-syo, m.dh) Bayd faal, oo manjaha ka ah hal, saddexda hogood oo kalena min labo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicis
m.l la-mid: liicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg liicid.