anbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbin
(Anbin-ta)
Jid ama meel ka habaabin; dhumin; lumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbin
-ta: (magac, dhedig, keli) jidkii qummanaa ka leexin. Dh: ambin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbi
v. misdirect, cause someone to lose the way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbi
-yey / say: (v) lead someone astray; away from the correct path or direction ~ habaabi ama marin habaabi, ambi —Syn: cause someone to wander, ramble, roam, rove, range, meander, stray, gallivant, gad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbi
(fal) eeg ambi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbi
de: misdirect, cause s.o. to lose the way
lx: anbi
pd: (anbiyey)
ps: v2a=tr
see: ambi
key: anbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahbin
m.dh la-mid: abhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahbin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'qof' Rabbi kaga cabsii oo ka hoosgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambin
m.f.dh eeg ambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambin
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta ama jaho ka luminta cid kale. Dh: hallayn, dhumin, lumis, anbis, ambis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aniin
-ta: (magac, dhedig, keli) firida ama midhaha dhulka lagu beero ama ka soo baxa sida garowga iyo arabbikhida. Aniinta ku shub beerta. Dh: iniin.
aniin-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha ama candhada neefka inta taabashadeeda laga dareemo wax firida u eg oo ku dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumin
(Lumin-ta)
Wax hallaabay ka dhigid; habaabin; anbin.
2. Xoorid; khasaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid. m.f.dh, lumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho. Gaanbinta waa lagu guryo gaadhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annin
de: did not (X)
lx: -annin
ps: v3-neg-past
xe: did not converse
xv: =-an
key: -annin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababin
m.f.dh eeg ababi. la-mid: abaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef yar daaqbaristiisa. Dadku way ku kala fiican yihiin ababinta maqasha.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albino
Midab maqaar shiiqsane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albino
/albayno/albinos; (adj) xayawaan ama qof kulligiis wada cad. e.g. an albino bird.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
albino
/albiino/ (n) qof amy hooly korky dhong ku ed amy dhoghortiyo eddy.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ancien
ancien, adj. - Qadiin; Wakhti hore jiray, Beri hore jiray; Gaboobay; Da'weyn; Gudbay; Dhaafay.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
angina
(n) a severe constricting pain in the chest.
laab xanuun daran
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
angine
angine, n.f. - Cuna-Xanuun.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
anoint
v.tr., saliidda, udgoonka mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbin
(Babbin-ta)
Dabayl fadhida dhaqdhaqaaq gelin; dhar iyo wax la mid ah, dabayl dhabanaysa dhexdeeda ku kala bixin; babbis, dab bixi waayey ku ololin, ama wax kulul ku qaboojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbin
m.f.dh eeg babbi. la-mid: babbis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbin
-ta: (magac, lab, keli) dab la shidayo balfin susu ololo, Dab sayax babbin la ogow Dh: hufkin, bafin.
babbin-ta: (magac, lab, keli) walhinta maro iyo wixii la mid ah. Dh: ruxid, lulid, walhin, walgin, wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banban
(Banban-ka)
Hubka lagu dagaallamo mid ka mid ah; lugaa loo mudaa kolkiibana, xabbado aad u badan baa ka dhaca; boobe (ama bamban).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banban
m. n. machine gun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banban
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah hubka darandoorri u dhacaa oo leh labo addin oo xagga hore kaga yaalla oo loo fidiyo marka la ridayo iyo kadhoodhad u qaadda rasaas silsilad ku taxan oo badan. Dh: gidhligaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banban
de: machine gun
lx: banban
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: banban
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabin
resistance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniin
caniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
caniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caniin
m. n. sexually impotent man
caniin v. become sexually impotent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caniin
-ka: (n) incapable of sexual intercourse; impotent (im-potant) ~ ciniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniin
-ka: (magac, lab, keli) nin u galmoodka dumarka aan karti u lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbin
(Carbin-ta)
Hebed ka dhigid; layiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbin
m.f.dh eeg carbi. la-mid: carbis (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carbin
Istruire
To train
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, rabbayn oo laylitirid. Dh: laylyid, agabbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbin
m.f.dh eeg dabbi. la-mid: dabbis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadbin
m. n. center tent-pole; axle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hararrada aqalka lagu weegaaro. Dh: weedhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadbin
de: center tent-pole; [ext.] axle
lx: dadbin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dadbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbin
m.f.dh eeg darbi². la-mid: sarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniin
faniin¹: m.l la-mid: finiin¹.
faniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: finiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniin
-ka: (magac, lab, keli) tuuryo wax ka soo dhanbalantay; dhanbalan yar oo wax dildillaacay ka yimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabin
(Gaabin-ta)
1. Wax dheer qaar ka qoyn; wax gaaban ka dhigid.
2. Orodka yarayn; gaabis noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabin
m.f.dh eeg gaabi². la-mid: gaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dheer in ka jarid; badh ka jaritaanka wax dherer leh.
gaabin -ta: (magac, dhedig, keli) wax sare u taagnaa sida dhisme, dhimis ama hoos u dhigis.
gaabin-ta: (magac, dhedig, keli) socod ama orad yarayn, daal awgii socodka ama oradka oo is dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbin
(Gabbin-ta)
Nabar laysku soo ridey, celin, weecin, balfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbin
m.f.dh eeg gabbi. la-mid: gabbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, in yar jooji. Dh: waabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbin
(Galbin-ta)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis¹, gelbin, gelbis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis, gelbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbin
-ta: (n) the act of escorting or accompanying the bride and groom, to show honor ~ galbis, gurigayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aroos ah gurigeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambin
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, afka u rogid. Dh: geddin, foorarin, genbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbin
(Garbin-ta)
Garab ku dhufasho, ku riixid; horay u tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbin
m.f.dh eeg garbi². la-mid: garbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, garab ku riixid oo ku turfayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
genbin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel godan ama wax kale, afka dhulka u dhigid ama hoos u foororin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbin
(Habbin-ta)
Wax culus oo ballaaran korka ka saarid; ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbin
m.f.dh eeg habbi. la-mid: habbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbin
-ta: (magac, keli) cid kale, wax culus oo ballaadhan korka ka saarid ama ku dhifasho. Dh: habbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantin
m.f.dh la-mid: hantiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti gacanta ku dhigid; hanti mulkiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harbin
(Harbin-ta)
Horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbin
m.f.dh eeg harbi. la-mid: harbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbin
-ta: (magac, keli) horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro;.
harbin -ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah hore ugu riixid ama u dhaqaajin. Dh: harbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybin
(Haybin-ta)
1. Hayb weyddiin.
2. Waraysasho; wax weyddiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybin
m.f.dh eeg haybi. la-mid: haybis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid maqan baafin oo dadka waydiin. Dh: haybis, baafin, raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbin
m.f.dh eeg kabbi. la-mid: kabbis¹, kebbin, kebbis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano ama wax kale in kabbo le'eg ka siin. Dh: kebbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbin
(Kunbin-ta)
1. (hilib) Kunbis samayn.
2. Dhunbin.
3. Kunbis ku daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama waxkale biyo ku qarin. Kunbin ayuu ku sameeyey maradii Axmed. Dh: libdhin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lambin
lambin, adj. - Jiis; Gaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku soo maray sawirkiisii dib u xasuusasho oo maskaxda iyo maanka ka doondoonid. Dh: maamin, suurayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pantin
pantin, n.m. - qofka isbedbedelka badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabin
(Qaabin-ta)
Qaab u yeelid; habayn; jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabin
m.f.dh eeg qaabi. la-mid: qaabid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabin
-ta: (n) the act of shaping or forming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaabayn.
qaabin -ta: (magac, dhedig. keli) bariin caano habeenkii la liso la bariiyo. Mar hadday martiyi joogto qaabinta caanuhu waa lagama maarmaan. Dh: jaabajaabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qancin
(Qancin-ta)
Hadal deeqsiin, dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qancin
m.f.dh eeg qanci. la-mid: qancis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qancin
-ta: (n) satisfaction (sat'is-fak-shin); the act of convincing (kon-viinsi-ment); contentedness (kon-teentidh-ness); persuasion (peer-suweeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qancin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid talo aad uga raaridid, Dadku gancin ayay u baahan yihiin. Dh: qancis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaniin
(Qaniin-ka)
1. Bahallo yaryar oo ishu ayan qaban karin oo cudurro keena; jeermi.
2. Shilin aad u yaryar; shax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniin
qaniin¹: m.l Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iyo wixi lamida.
qaniin²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Ilko si xoog leh wax ugu qabasho. 2. Cayayaan nafley dhiig ka jaqid.