anafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid anafo u geysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid aafo gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid aafo gaarsiin. Tusaale: "Cudurkaas dad badan ayuu aafeeyay". m.f.dh., aafayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aafee
v. inflict damage on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aafee
-yey / aafeysay: (v) cause severe damage to something or someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafee
(fal) eeg aafay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aafee
de: inflict damage on
lx: aafee
pd: (aafeeyey)
ps: v2b=
key: aafee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafee
(fal) wanqal ka gawrac ilmo dhashay. U wantafee ilmahaaga curad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Ilmo yar xanjaf ku tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafee
(fal) aad u qabooji illaa uu dhagaxoobo oo fadhiisto. Dh: barafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax danab u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax danab u yeelid. m.f.dh, danabayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danabee
-yey / danabeysay: (v) electrify (i-lek-tirifaay) ~ koronto u yeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) Awr qooqan isaga oo madaxa laalaadinaya, daamankana isla dhacaya ordid. la-mid: gamlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabee
(fal) 'awr qooqan' madaxa laallaadi daamamkana isla dhac oo orod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Timo saqaf ku firid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) la-mid: xadatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanatee
v. tickle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanatee
(fal) faraha caaradooda dubkiisa si aayar ah u dul marmari oo kaga jidhiidhici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanatee
a: xadatee
de: tickle
initial: x
lx: xanatee
pd: (xanateeyey)
ps: v2b=tr
key: xanatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Qalab wax lagu gooyo af u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Qalab wax lagu gooyo af u yeelid. Tusaale: Middida si fiican u afee. m.f.dh, afayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afee
v. sharpen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afee
-yey I say: (v) 1. sharpen (shaarpen); whet (wet); hone (hoon); [a knife, for example] ~ soofayn, lis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afee
(fal) bir iyo wax la mid ah, soofee; birtu af ay wax ku goyso ama ku wareentu u yeel. Axmadow, afee mindida. Dh: soofee, afay, lis. Li: aftir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afee
de: sharpen
lx: afee
pd: (afeeyey)
ps: v2b=
syn: lis, looli
key: afee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) 1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iyo wixi lamida u habin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabee
f.g2 (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin.
2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iyo wixi lamida u habin. m.f.dh., aabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabee
v. smooth the surface of a dish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabee
(fal) dayactir weel aad u baaliyoobay. Genbi loo rid weelkaan lahaa gu'gani aabeeye. Dh: cug, cul, ug, hogee, godee.
aabee: (fal) cid kale qaddarin ama tixgelin sii.
aabee: (fal) weel asal iyo xaydh mari, si dareeraha ku jira aanu u habin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabee
de: consider, give thought to
lx: aabee
pd: (aabeeyey)
ps: v2b=
syn: tixgeli
key: aabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale: 'Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale "Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka". m.f.dh, aanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanee
v. blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aanee
-yey / aaneysay: (v) [ with preposition u ] hold liable to; desire revenge; to spite; accuse (akiyuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanee
(fal) wax dhacy, cid ama wax kale ku sababee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanee
de: blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
lx: aanee
pd: (aaneeyey)
ps: v2b=
key: aanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafo
m.dh Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anafo
m.dh Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafo
-da: (magac, dhedig, keli) hanjebaad, godob iyo gef kibir dartii muujin. Inta daamankiisu is hayaan anafo daynwaaye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
année
année, n.f. - Sanad, Sannad,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax deeqid, ama ka fillaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Wax deeqid, ama ka fillaansho. m.f.dh, kafayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafee
v. be enough ~ sufficient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafee
-yey / kafeysay: (v) satisfy the need or the desire; satisfy (satasfeey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafee
(fal) ku fillow; wada deeq oo wada gaadh. Kildhigii dhegabalka ahaa wuu na wada kafeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafee
de: be enough ~ sufficient
lx: kafee
pd: (kafeeyey)
ps: v2b=
key: kafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Lafta madaxa jebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafee
v. break ~ fracture someone's skull
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafee
de: break ~ fracture s.o.'s skull
lx: lafee
pd: (lafeeyey)
ps: v2b=tr
key: lafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) Cid wax ku dhibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacee
v. oppose, be against someone; mistreat (with hatred)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacee
-yey / naceysay: (v) be unhelpful; be unco-operative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacee
de: oppose, be against s.o.; mistreat (with hatred)
lx: nacee
pd: (naceeyey)
ps: v2b=tr
key: nacee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagee
f.g2 (-geeyay, -geysay) la-mid: negee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagee
(fal) geeddi ama socdaal cid ka baaji. Jimce nagee reerku sabti ha guuraane. Dh: ooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax xulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqee
v. sort (out); grade; select
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqee
(fal) kala sooc oo ka xul inta wanaagsan. Dh: madh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqee
de: sort (out); grade; select
lx: naqee
pd: (naqeeyey)
ps: v2b=
key: naqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safee
f.g2 (-feeyay, -feysay) la-mid: sifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safee
v. clean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safee
-yey/safeysay: (v) make clean or pure; cleanse (kaleensi); purify (piyuu ri faay) nadiifi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safee
(fal) qashin, boodh ama wasakh, ka bi'i. Safee gaadhiga dushiisa. Dh: nadiifi. Li: wasakhee, uskagee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safee
bw: Arabic
de: clean
initial: s
lx: safee
pd: (safeeyey)
ps: v2b=tr
key: safee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wafee
(fal) raajici oo miisaan ama wax la miisayo in yar oo raxayn ah ku dar; miisaan ama wax la miisayo in siyaado ah ku dar. Macmiilka u wafee. Dh: raxee, wafey, buri. Li: inqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid. m.f.dh, afarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: arrin ku eedoobid (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafoo
(fal) godob iyo gef, kibir u samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araree
(fal) eeg araray.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
azalée
azalée, n.f. - Noocyo ubaxa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iyo wixi lamida dhaawicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) 1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iyo wixi lamida dhaawicid. m.f.dh, naafayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naafee
v. incapacitate, disable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafee
-yey/naafeysay: (v)) disable (dis eey-bal); lame (leeym); cripple (kiri-pal), especially impair physically; impair (im-peer); maim (meeym)curyaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafee
(fal) laxaadka ka heer oo curyaami. Dh: curyaami, dhaawac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naafee
de: incapacitate, disable
lx: naafee
pd: (naafeeyey)
ps: v2b=tr
key: naafee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafee
f.g2 (-feeyay, -faysay) la-mid: qaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafee
(fal) is dhegoolee oo qof aan wax ba maqlayn iska dhig. Qaafee kolkaad dhegoole u sheekaynayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Dhaawac daaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anayeen
de: they were doing (X)
lx: -anayeen
ps: v3-3pl-ppgr
xe: They were talking with Ali.
xv: Cali bey la sheekeysanayeen.
key: -anayeen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
angaleel
-angaleesha: (n) seashell (siisheel) ~ aleelsha, bacool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaleel
m.l.kh A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. la-mid: ansareer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaleel
m.l.kh A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. la-mid: ansareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaleel
-ka: (magac, lab, keli) qofka indhaha la' ama aan si wanaagsan wax u arag. Dh: indhoole, asaleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareer
m.l la-mid: ansaleel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
antaweer
-ka: (magac, lab, keli) warwareeg uu tabaaluhu keeno. Antaweerka geelii ku dhacay Guullow laga yaabye. Dh: meenhannaw, meermeer, muusannaw.
antaweer: (fal) daryeel la'aan la warwareeg. Xoolo baadi ah ayaa ceelka antaweeraya. Dh: agbanow, meermeerayso, meehannow.
antaweer -ka: (magac, lab, keli) daryeel la'aan la warwareegid. Dh: meermeerayso, meehannow, agbanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: bamgaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canateel
-ka: (magac, lab, keli) dadka xooladhaqatada ah ee deegaanka magaalada ka ag dhow ku nool. Dh: caanadiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Neef la soo xaday ama baadi ah qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalee
(fal) cid kale, wax lugooyo ah kula kac; luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: nacaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadee
(fal) qof kale, lacnad la dhac; lacanadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid; walaal iyo wixi lamida) ka fogeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafee
v. take to a distant place; make someone elope