anaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaa
anaa¹: mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'aa 1'.
anaa²: qr. la-mid: ana.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anaa
m..eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'aa/ayaa'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anaa
pron., red, sg. It is I who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anaa
(clause pronoun) I am the one who... Ex: anaa sheegay; I am the one who told.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaa
(magac'uyaal) lagu asteeyo qofka koowaad ee hadlaha ah oo keli ah. Waxa uu ka kooban yahay 'aniga' iyo 'ayaa' oo la isku daray. Anaa qaanta idinka bixinaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anaa
de: It is I who ... = aniga + baa
lx: anaa
ps: pro-red-1sg + focus
key: anaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaad
(magac'uyaal) lagu asteeyo qofka koowaad ee hadlaha ah oo keli ah. Waa 'aniga' iyo 'ayaad' oo la isku daray. Ma anaad aabbahaa i moodaysay?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aynaa
(suffix): we are doing.... Ex: waan soconaynaa: we are walking. Waan tagaynaa; we are leaving. Waan seexanaynaa: we are sleeping
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anaakici
(Anaakici-da)
(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaaninnimo
m.dh Anaani ahaansho; nafjeclaysi. la-mid: anaaniyad, anaaniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaaniyad
m.dh la-mid: anaaninnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaaniyo
m.dh Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. la-mid: anaaninnimo.

anaanuf
anaanuf¹: m.l la-mid: unuunuf¹.
anaanuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: unuunuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbucuunan
f.mg4 (-anaa, -anayd) Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunuf
unuunuf¹: m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. la-mid: anaanuf¹
unuunuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. la-mid: anaanuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunufid
m.f.dh eeg unuunuf². la-mid: anaanufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anaaniyo
m.dh Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. la-mid: anaaninnimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anachronism
/anaakranism/anachronism, anachronistic;(n) wax duug ah, da' weyn ama aan casri ahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
analogous
/anaalajas/ (adj) isku yara eg ama qaybo iska shabbaha, isku dhigma.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
analogy
/anaalaji/analogies; (n) 1. isu ekaan, is shabihid. e.g. There is a close analogy between the two. 2. isbarbar dhigid ama caddayn meel laba wax isaga eg yihiin. e.g. He made an analogy between math and accounting.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
analysis
/anaalasis/analyses; (n) baaritaan ama kala dhig-dhigid. e.g. Your analysis of the situation was very accurate.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anatomy
/anaatami/anatomies; (n) 1. habka dhismaha jirka ee xayawaanka. e.g. the anatomy of a monkey. 2. cilmiga dhismaha jirka. e.g. He is an anatomy teacher.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anomalous
/anaamalas/ (adj) wax sida caadiga ah ka duwan. e.g. These results are anomalous.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
egocentric
/ligosentrik/ (adj) anaani, danayste.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
egoism
/iigowsim/ (n) anaaninimo, danaystanimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
egoist
/igowt/ egoistic; (n) anaani, danayste.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
egotism
/iigowtism/ (n) anaaninimo, siiba gofka markasta naftiisa kaliya u hadla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ana
Haddaan wax kale jirin; hadday u yaraato; xataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ana
qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale jirin; agow; xataa. Tusaale: “Ana ii ahaateenaa!”; “Ana roob di'i lahaayaa!” la-mid: anaa².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ana
[adverb] or [adverbial] [expression] at least, even
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ana
-da: (magac, dhedig, keli) ugu yaraan; haba yaraatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ana
de: at least, even
lx: ana
ps: adv
see: xataa
key: ana
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naa
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac baa badanaa ka dabadhaca (sida: naa Kaaha; naa Ubax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naa
u.j Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tusaale: “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. la-mid: naayaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naa
u.j Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tusaale: Naa Kaaha! Naa Ubax. la-mid: naayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naa
inter. hey!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naa
(interjection); you!; hey!; especially used to attract attention when talking to female person ~ naayaa Ex: naa kaalay!; hey! come here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naa
(ereydhawaaq) qof dumar ah loogu yeedho, ama lagu soo jeediyo. Dh: naayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaa
mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa 1'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaa
pron., red, sg. It is you who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adaa
(pronoun) to you.... Ex: Buuggaan adaa leh; this book belongs to you
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaa
(magac'uyaal) tilmaamaya qofla labaad ee lalahadlaha ah; 'adi' iyo 'ayaa' oo la isku daray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaa
v., sg., simple past tense: I / he was
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaa
(v) I or he was (wooz); Ex: wuxuu ahaa nin sharaf leh; he was a respectable man
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaa
de: I / he was
lx: ahaa
ps: v5a-1sg/3m-past
xe: He was a good doctor.
xv: Takhtar wanaagsan buu ahaa.
key: ahaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaa
fk. la-mid: armaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anal
/eynal/ (adj) wax futada ama dabada ku shaqa leh ama ku lug leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Anas
name-m very sociable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anay
(magac'uyaal) lagu tusmeeyo qofka koowaad ee lala hadlaha ah oo keli ah. Waa 'aniga' iyo 'ayay' oo la isku daray. Waar ma anay sidaa igu leeyihiin?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anba
pron., red, [conjunction] me too
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anba
(clause pronoun) me also or me too ~ amba. Ex: anba waan jeclahay; I love it too
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anba
de: me too
lx: anba
ps: pro-red + conj
xe: Same with me too.
xv: Anba sidoo kale.
key: anba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anna
anna¹: mu.eb Magacuyaal qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'na'.
anna²: mu.eb la-mid: annaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anna
m..eb Magacuyaal qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'na'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anna
pron., red, pl. we, us [exclusive.]
anna pron., red, [conjunction] I also ..., me too
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anna
(pronoun I plus also or too ) me too or what about me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anna
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'aniga' iyo xidhiidhiyaha 'na' oo la isku ladhay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
anna
(Indian money), n., gambo, -adi; two annas, saq, -hi; four annas, tumun, -ki; eight annas, rubi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayaa
(ayaan, ayuu, ayay, ayaad...)
Baa, (sida: Cali ayaa yimid - Cali baa yimid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaa
qr.dd la-mid: baa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayaa
qr.dd eeg baa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaa
class: MARKER
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaa
(qurub) xidhiidhiya xubnaha weedha oo la macno ah 'baa'. Raxma ayaa tagtay dugsigii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-annaa
de: we do (X)
lx: -annaa
ps: v3-1pl-prhb
xe: we borrow
xv: amaahannaa
key: -annaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aynaa
a: =-eynaa
de: we are doing (X)
lx: -aynaa
ps: v1-1pl-prpg
key: -aynaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agnaan
-ka: (magac, lab, keli) qof afka uu ku hadlo balaaqo aan u lahayn. Dh: afgarooc Li: aftahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaani
m.l (-yiin, m.dh) Qof naftiisa keliya wax la raba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anaani
m.l (-yiin, m.dh) Qof naftiisa keliya wax la raba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anaani
m. n. (adj.): selfish ~ egocentric person; subversive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anaani
-ga: (n) self-centered person; selfish preson ~danayste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaani
-ga: (magac, lab, keli) qofka ay naftiisu cajabiso oo wax walba la jecel.
anaani -ga: (magac, lab, keli) qof lab oo mar walba naftiisa oo keli ah wax la doona.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anaani
bw: Arabic
de: selfish ~ egocentric person; [atr.] subversive
lx: anaani
pd: (-ga Pl: anaaniyiin (ta))
ps: n8-m
key: anaani
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ananas
s.m. - cananaas.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ananas
ananas, n.m. - Cananaas (Miraha).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
andata
s.f. - aadid(da).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anigaa
pron., sg. It is I who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anigaa
(pronoun) 1. I am the one who... Ex: anigaa Soomaaliya tagay; I am the one who went to Somalia. 2. me! (mii); is it me? Ex: magacaa? anigaa! what is your name, ? me?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anigaa
de: It is I who ... = aniga + baa
lx: anigaa
ps: pro-1sg + focus
key: anigaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Annaga
(Innaga, aannu, na, noo...)
Dadka hadla haya, ama wax qora haya oo aan qofka lala hadlayaa ku jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
annaga
mu.eb magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee wadarta ah oo ka baxsan kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. la-mid: anna².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
annaga
m..eb Magac-uyaal tilmaamaya qofka kowaad ee wadarta ah oo ka baxsan kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. Tusaale: Annaga ayaa la soconna xaaladdiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
annaga
pron., pl. we, us [exclusive, not including person(s) spoken to.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
annaga
(pronoun) we (wii) or us (aas); ~ innaga, unnuga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
annaga
cf: aan, aannu, anna, annu, na, -kayaga, -tayada; Contrast: innaga
de: we, us [exclusive, not including person(s) spoken to]
lx: annaga
pd: (annagu)
ps: pro-1pl-excl
key: annaga
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
annaga
نَحْنُ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annana
(magac'uyaal) dadka hadlaya ama wax qoraya oo qofka lala hadlayaa aanu ku jirin; 'annaga iyo xidhiidhiya 'na' oo la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anqaas
(Anqaas-ta)
Khad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anqaas
m.dh Hoore madow oo ka samaysan dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan. la-mid: inqaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anqaas
m.dh Hoore madow oo ka samaysan dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan. la-mid: inqaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anqaas
f. n. ink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anqaas
-ta: (n) ink made of charcoal ~ khad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqaas
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul la daqiijiyay oo inta biyo lagu daro loo isticmaalo in wax lagu qoro. Macallinku looxa anqaas buu ligu qoray. Dh: tawaad, khad.
anqaas-ta: (magac, dhedig, keli) dareere madow, ama midabyo kala duwan yeelan kara oo wax lagu qoro. Dh: khad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anqaas
de: ink
lx: anqaas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: khad
key: anqaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansaar
(Ansaar-ta)
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansaar
m.dh.u Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ansaar
m.dh.u Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ansaar
f. n., [collective] the people of Medina who helped the prophet and the Muslim immigrants
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansaar
-ta: (magacwadareed) dadkii Muslimay ee reer Madiina ahaa ee Nebiga iyo asxaabtiisa is garab taagay kolkii uu Madiina u soo hijrooday. Li: muhaajiriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ansaar
de: the people of Medina who helped the prophet and the Muslim immigrants
lx: ansaar
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: ansaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anwaac
f. n., pl. type, kind, sort; types, kinds