ammuuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammuuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax mushkilo hayso ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammuuree
v. be preoccupied, act ~ behave strangely; be in a bad mood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuuree
(fal) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammuuree
de: be preoccupied, act ~ behave strangely; be in a bad mood
lx: ammuuree
pd: (ammuureeyey)
ps: v2b=intr
key: ammuuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammuur
(Ammuur-ta)
Talo; arrin; xaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammuur
ammuur¹: m.l Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. la-mid: amuur.
ammuur²: m.dh (-ro, m.l) 1. Arrin; mushkilo. 2. Allabari. la-mid: ummuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammuur
ammuur¹: m.l Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. la-mid: amuur.
ammuur²: m.dh (-ro, m.l) 1. Arrin; mushkilo. Tusaale: Waa yaabee, ammuur baa ku qabsatay. 2. Allabari. la-mid: ummuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammuur
f. n. matter, affair, difficult situation, problem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ammuur
-ta: (n) [plural of amar] critical or problematic situation; problems (proba-lem)-, dilemmas (di-limas). Ex: ammuur baa dhacay; there is a critical situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuur
-ta: (magac, dhedig, keli) talo iyo arrin culus. Waar waa yaab! ammuur baa na qabsatay. Dh: xaal, talo, arrin.
ammuur -ta: (magac, dhedig, keli) xaalalka dadka qaar yeeshaan oo la xidhiidha qeybka qarsoon. Inta badan waa laga cuudiyaa oo xoolo ayaa loo qalaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammuur
de: matter, affair, difficult situation, problem
lx: ammuur
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: arrin
key: ammuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuuray
(fal) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuuradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Dhar xammuurad gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammuuradee
v. apply makeup; dye using red color
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammuuradee
de: apply makeup; dye using red color
initial: x
lx: xammuuradee
pd: (xammuuradeeyey)
ps: v2b=tr
key: xammuuradee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammuurayn
m.f.dh eeg ammuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuulee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Badar cambuulo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambuulee
v. boil whole grains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuulee
(fal) cambuulo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambuulee
de: boil whole grains
lx: cambuulee
pd: (cambuuleeyey)
ps: v2b=tr
see: canbuulo
key: cambuulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carruuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carruuree
v. act like a child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carruuree
de: act like a child
lx: carruuree
pd: (carruureeyey)
ps: v2b=
key: carruuree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gammuurid
-da: (magac, dhedig, keli) geed iyo wixii la mid ah, gunta ku jarid; si isku siman u goyn. Dh: gamuumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mammuuqde
m. n. invisible object ~ person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mammuuqde
de: invisible object ~ person
lx: mammuuqde
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: mammuuqde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuunee
(fal) saabuun ku dar ama marmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuurad
m.dh Ciid cas oo dharka cad lagu guduudiyo; sabakh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammuurad
f. n., [collective] red sand (used as dye); lipstick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuurad
-da: (magac, dhedig, keli) kereem ama burcad midabyo kala duwan leh oo dumarku faruuryaha iyo ciddiyaha marsadaan. Gabadhu xammuurad ayay marsan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammuurad
de: red sand (used as dye); [ext.] lipstick {N}
initial: x
lx: xammuurad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: xammuurad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amuur
m.l la-mid: ammuur¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amuur
m. n., [collective] small gray, collectiveored lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amuur
-ka: (n) one of numerous kinds of lizard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amuur
-ka: (magac, lab, keli) bahal u eg kuwa halaga ah, kagana duwan addimo yaryar oo aan laga waayin musaska xoolaha iyo jabaddada. Amuur baa muska maqasha ugu jira. Dh: abur, qul.
amuur -ta: (magac, dhedig, keli) eeg ammuur. amuuraysan: (tilmaame) amuuro iyo xaalal qaba. Dh: ammuuraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amuur
de: small gray-colored lizard sp.
lx: amuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: amuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin. m.f.dh, uurayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuree
-yey: (v) impregnate (im-perag-neeyt)-, inseminate (in-same-neeyt); cause to get pregnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuree
(fal) eeg uuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uuree
de: make pregnant
initial: u
lx: uuree
pd: (uureeyey)
ps: v2b=
key: uuree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aburee
(fal) afka xunbo ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Eebbe. 2. Qof wax abuuraya ama wax beeraya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abuure
-ha: (magac, lab, keli) midka keli ah ee dhab wax u abuuraa, waa Eebbe oo awood u leh in uu wax walba jirsiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuure
-ha: (magac, lab, keli) qof wax curiya ama beer iyo wax la mid ah fala.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ammuun
name-f trustworthy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amuume
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadalka aan oqoon; qofka an waxa uurkiisa ku jira cabbiri karin. Ammuume sidee loo afgartaa? Dh: afgaab, garooc. Li: aftahan, codkar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armure
armure, n.f. - Hu' ama dahaadh bir ka samaysan oo difaaca loo xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Habeen socosho. la-mid: guureggal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuree
v. travel by night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuree
-yey / guureysay: (v) travel at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuree
(fal) habeen goor danbe ah soco. Guuree habeenkii oo ha seexan. Dh: guur, gud, guuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuree
de: travel by night
lx: guuree
nt: guurayn (ta) [vn-f], guurays (ka) [vn-m]
pd: (guureeyey)
ps: v2b=intr
key: guuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. la-mid: moofee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muufee
v. bake flat bread; light an oven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufee
(fal) foorno ku dub oo wax la moofeeyey ka dhig. Neef noo gawrac oo noo muufee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muufee
de: bake flat bread; light an oven
lx: muufee
pd: (muufeeyey)
ps: v2b=tr
key: muufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: muunadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunee
v. honor, glorify; beautify, embellish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunee
(fal) midabyo qurxoon u samee.
muunee: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunee
de: honor, glorify; beautify, embellish
lx: muunee
pd: (muuneeyey)
ps: v2b=
key: muunee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid. m.f.dh, suurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuree
v. describe the appearance of someone ~ the form of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuree
-yey / suureysay: (v) 1. specify the appearance; explain the look. 2. describe something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuree
(fal) suurad ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuree
de: describe the appearance of s.o. ~ the form of s.t.
initial: s
lx: suuree
pd: (suureeyey)
ps: v2b=tr
key: suuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummuur
m.dh la-mid: ammuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummuur
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin culus oo aan la arki jirin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
emmurer
emmurer, V. - derbi ku wareejin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gammuur
(fal) qoriga u jar si yar oo isku siman; gunta ku goo. Dh: gamuum.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gamuure
nickname-m bluntness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gamuure
magac loo baxsho wiil loo arko inuu yahay mid dabeecad gurracan oo adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley tiro badan hal mar wada dhaqaaqid. 2. Keli socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurree
v. move together, simultaneously ~ in tandem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurree
(fal) is daba mar oo socsocod uu jahawareer ka muugdo samee. Shiciboow haddaad heshin weyday weligaaba muurree. Dh: xuuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurree
de: move together, simultaneously ~ in tandem
lx: muurree
pd: (muurreeyey)
ps: v2b=
key: muurree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuur
(fal) is si xoog ah isu majiir; is maqiiq.
xammuur: (fal) si siman oon surmoseeto lahayn u jar oo u qoo. Geedka gunta ku xammuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Qof ama shay ammaan siin; nabadgelyo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanee
(fal) wax aad leedahay, ammaano ahaan, cid kale ugu dhiib.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
armoured
/aarmardh/ (adj) gaashaaman ama aan xabbadu karin. e.g. armoured cars.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asluubee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Asluub u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asluubee
v. teach good manners to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asluubee
-yey / asluubaysay: (v) purify (piyuurifaay); free from sin or objectionable elements. Ex: hadalkaaga asluubee! purify your language! [watch your language]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asluubee
(fal) eeg asluubay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asluubee
de: teach good manners to
lx: asluubee
pd: (asluubeeyey)
ps: v2b=
key: asluubee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cid ceeb weyn gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuuree
(fal) ceebee, fadeexadee. Hadduu ku ceebeeyo adna bayuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamuree
(fal) daamur mari ama ku adkee. Daamuree foostada daloosha. Dh: gaamuree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Neef daruuro gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daruuree
v. be cloudy, cloud over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruuree
(fal) daruuro iyo fadad yeelo. Dh: fadee.
daruuree: (fal) wax daruuro ah oo aan laga maarmayn ka dhig. Dh: naruuree.
daruuree: (fal) tolmo rigrig ah u samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daruuree
de: be cloudy, cloud over
lx: daruuree
pd: (daruureeyey)
ps: v2b=
key: daruuree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaamuree
(fal) wax gaamuray oo oogo adag leh ka dhig.
gaamuree: (fal) waddo, daamur mari.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gammuute
nickname; name-m bluntness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuunee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Gemuun ku ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuunee
(fal) leeb gamuuman ka dhig. gamuur: (fal) gunta ku goo ama si siman u jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hammuude
(Hammuuda-ha)
Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammuude
m.l (-dayaal, m.l/dh) Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno dhala. la-mid: hammuudo.