ammaana-allah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaana-allah
e.d Nabadgelyo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ammaanayya
louer (location).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaannaan
m.f.dh eeg ammaanan. la-mid: ammaannaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaannaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ammaan mutaystay ama la ammaanay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysad
-ka: (magac, lab, keli) amaahashada shey laga qaato qofkii lahaa, si looga faa'ideysto dabadeed na loogu soo cesho. Saaxiibkay baan gaadhisgiisii ka ammaanaystay oo aan reerka ku soo raray. Dh: ergisad, amaahasho, ammaanaysasho, ammaanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la ammaanaystay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysan
(tilmaame) mid meel aamin ah yaalla; mid cid aamin ahi hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysnaan
m.f.dh eeg aammaanaysan. la-mid: ammannaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid loo haysto ammaano ahaan; ammaano ku maqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangaranuug
-ga: (magac, lab, keli) ammaan been ah oo wax lagu doonayo. Ammaangaranuugga, miyaad iga daysid. Dh: ammaanbeenaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysnaansho
m.l/dh la-mid: ammaanaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid ammaano loo haysto ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almay
m.dh Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaagnaan
m.f.dh eeg ammaagan². la-mid: amaagnaan, amaagnaansho, ammaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) ammaano u dhiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammaanayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho. m.f.dh, ammaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanayso
(fal) shey ad ku manaafacaaddo ergiso oo dabadeed na aad ciddii lahayd u soo celiso. Ammaanayso kombiyuutar aad hawsha iskaga soo dhammayso. Dh: ergiso, qardayso, amaaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanduul
m.l (-llo, m.dh) la-mid: abbaanduul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax nabadgelyo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammaangeli
v. protect, defend, put in safety; leave someone alone ~ in peace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ammaangeli
-yey I say: (v) leave alone; to refrain from disturbing or interfering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangeli
(fal) badbaadi oo dhibta ka ilaali cid an is difaaci karin. Ammaangeli addoomaha Ilaahay. Dh: ammaansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammaangeli
de: protect, defend, put in safety; leave s.o. alone ~ in peace
lx: ammaangeli
pd: (ammaangeliyey)
ps: v2a=tr
key: ammaangeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammaanaan
(Lammaanaan-ta)
Lammaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanaan
m.f.dh eeg lammaan³. la-mid: lammaanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammaanaan
f. n., [abstract] being together with one's young; state of being one of a pair ~ a twin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) lammaano ahaan; labo ahaan.
lammaanaan -ta: (magac, dhedig. lab) qof ama neef ilmo weheliyo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammaanaan
de: being together with one's young; state of being one of a pair ~ a twin
lx: lammaanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: lammaanaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maana-faay
name-f mindfulness; mentally fit and healthy; intellectual (the mindful Fatima; or Fatima, the mindful)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof ammaano u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanduule
m.l la-mid: abbaanduule.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammaanduule
m. n. commander; head of state
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ammaanduule
-ammaanduulaha: (n) commander (kamaandher)-, Commander in Chief ~abbaanduule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanduule
-ha: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha ciidan duullimaad ah. Dh: abbaanduule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammaanduule
a: abbaanduule
de: commander; head of state
lx: ammaanduule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ammaanduule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgelyo helid. Ammaangeliddoodii bay Alle ku mahadiyeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaangelin
m.f.dh eeg ammaangeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) badbaadinta iyo nabadgelin cid aan is difaaci karayn. Ammaangelinta birimageydadu waa waajib kolka dagaal lagu jiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ammaangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelyo
-da: (magac, dhedig, keli) nabaadiino; nabadgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanhelid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgelyo helid, col iyo dhibaato ka badbaadid. Dh: ammaan, ammaanhelis, nabadgelyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ammaano ahaan u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaradaysan
(tilmaame) calaamad lagu garto leh. Dh: calaamadaysan, summadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaano u dhiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaagnaansho
m.l/dh la-mid: ammaagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanaysasho
m.f.dh eeg ammaanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ammaanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaannaansho
m.l/dh la-mid: ammaannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaannaansho
-ha: (magac, lab, keli) ammaan iyo sharaf qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanaansho
m.l/dh la-mid: lammaanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg lammaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaane-horsan
m.l (-nayaal ..., m.l/dh) (xisaab) Lammaane kutirsaneyaal ah sida (x,y) oo kala horreysiintoodu ay micne weyn ku fadhido. Tusaale ahaan, lammaanaha horsan (2,3) lama mid aha lammaanaha horsan (3,2), marka lagu muujiyo dhidabbada kaartis.