ambiyeerbeeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambiyeerbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro xaddiga maayadda danabka ee dhexmaraysa gudbiyaha. Ninka koranto ka shaqaynayaa waa inuu haystaa ambiyeerbeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ambiyeerbeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambiyeer beege
Ammeter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambiyeer-beege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab. Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l 1. Lumidda garashadu ka lunto qof. 2. la-mid: miyirbeelid.
miyirbeel²: m.l (daawo) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l Lumidda garashadu ka lunto qof.
miyirbeel²: m.l (daaw.) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid. m.f.dh, miyirbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirbeel
v. lose consciousness, faint; lose one's wits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirbeel
-ay / miyirbeeshay: (v) faint (feeynt); black out; be comatose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeel
(fal) maanka iyo xiska kala garashada waa. Nin waalan miyirbeel ha ku odhan. Dh: maandoorsan, doorsoon. Li: miyirqab.
miyirbeel -ka: (magac, lab, keli) maanka oo tega oo waxba la kala garan waayo cudur ama jug darteed. Dh: miyirdoorsan, maandoorsan. Li: fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirbeel
de: lose consciousness, faint; lose one's wits
lx: miyirbeel
nt: miyirbeel (ka) [vn-m], miyirbeelid (da) [vn-f]
pd: (miyirbeelay)
ps: v1=intr
key: miyirbeel