amarkutaaglayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarkutaaglayn
(Amarkutaaglayn-ta)
Xukun ama talis amarkutaagle ah, dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaaglayn
m.f.dh eeg amarkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaaglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karti iyo awood la leeyahay ama la maroorsaday oo si xun oo aan xaq ahayn loogu dhaqmo. Dh: jaa'irnimo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Amar ku taaglayn
Dittatura
Dictatorship
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaagleeye
m.l la-mid: amarkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaagleeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka xoogga iyo muquuninta wax ku xukuma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaaglayn
(Garabkutaaglayn-ta)
Amarkutaaglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaaglayn
m.dh la-mid: garabkutaagle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaqabey
-ga: (magac, lab, keli) qofka dadku ka cawdo oo dhagarta iyo amarkutaaglaynta badan. Allaqabey, wuxuu na gabraday geesiyaal badane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqsi
-ga: (magac, lab, keli) qasbid oo xoog iyo amarkutaaglayn wax ku fulin. Diriqsi dad waa lagu hoggaamin kari waayay. Dh: qasbid, dirqiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqso
(fal) qasab iyo amarkutaaglayn ku marso. Dh: qasbo, dirqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulleysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, sida addoonnada ugu adeegsasho oo xaqdarro ugu amarkutaaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) amarkutaaglayn iyo dulmi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasbitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ku dirqin waxaanay raalli ka ahayn. Khasbitaanka iyo amarkutaaglaynta agaasimaha ayuu shaqaaluhu ka daalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amarkutaagle
(Amarkutaagla-ha)
Karti iyo awood la lee yahay ama la marooqsaday, oo si xun oo aan xaq ahayn, loogu dhaqmo; jaa'irnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. m.f.dh, amarkutaaglayn. la-mid: amarkutaagleeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amarkutaagle
m. n., [compound] dictator, despot, master, one who gives orders
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amarkutaagle
-amarkutaaglaha: (n) dictator (dik teeytor); despot (das-pet); tyrant (taayrent); a person who exercises power oppressively
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaagle
-ha: (magac, lab, keli) nin awoodda loo dhiibay ama uu boobay dadka ugu caga jugleeya ama ku dulma. Dh: kelitaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amarkutaagle
de: dictator, despot, master, one who gives orders
lx: amarkutaagle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: garabkutaagle
key: amarkutaagle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amarkutaaglee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Amarkutaagle samayn. m.f.dh amarkutaaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarkutaaglee
(fal) dad aan ku rabin, xoog ugu tali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amankaagsan
f.mg4 la-mid: amakaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallaysan
(tilmaame) murug iyo ciil qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirtaallayn
(Cirtaallayn-ta)
Xagga cirka u ganid; kor u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallayn
m.f.dh eeg cirtaallee. la-mid: cirtaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga cirka u ridid; kor u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagan
f.g4 (-gnaa, -gnayd) Wax, wax taageeraya ahaansho (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabtaagan
der. [adjective] leaning, propping; assisting, supporting, backing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagan
(tilmaame) mid cid kale, taageersan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabtaagan
de: leaning, propping; assisting, supporting, backing
lx: garabtaagan
pd: (garabtaagnaa)
ps: adj-der
key: garabtaagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) derejo iyo mansib siin. Martabadaynta askartu waa sida ay u kala mudan yihiin.
martabadayn -ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraamid iyo xushmayn. Waalidku martabadaynta ayuu ku wanaagsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadlays
m.l la-mid: afarqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadleyn
m.dh la-mid: afarqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalkutaabay
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan leh baadad aad midabaysan oo u qurux badan. Waxa ay jeceshahay ubaxa iyo doogga dushiisa oo ay ku fadhiisataa. Dh: balambaallis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagataallayn
m.f.dh eeg cagataallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.
cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarayn
m.dh la-mid: maradhaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsubaaliya
m.dh (-yayaal, ml./m.dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tusaale: “Kaanguruu”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marsubaaliya
m.dh (-yayaal, ml./m.dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaankoodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika. Tusaale: 'Kaanguruu'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsubaaliya
-da: (magac, dheddg, keli) dirboosaad ka tirsan naasleyda, hababka kala soocidda qaarkood dir hoosaadkan waxa loo yaqaanaa mataseria, dir hoosaadkan. Xubnaha dir hoosaadkan degaan-marsubaaliyana waxay noqonaysaa duul ka tirsan koodu wuu xaddidanyahay, badankoodana waxaa laga helaa Ustaraaliya iyo koonfur Ameerika, sida Kaanguurada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si geelu u ordo kolka uu dhergo oo aan durduro ahayne, inta uu luqunta raariciyo uu aad u ordo. Nirguhu baarqabka ayay afdhuubaalaynta kaga daydaan. Dh: afdhuubaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacankutaagle
m.l Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacankutaagle
m.l Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaagle
(Garabkutaagla-ha)
Amarkutaagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: garabkutaaglayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garabkutaagle
m.l Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. la-mid: garabkutaaglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabkutaagle
m. n., [compound] dictatorship, despotism, ordering others around on the basis of someone else's authority
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabkutaagle
de: dictatorship, despotism, ordering others around on the basis of s.o. else's authority
lx: garabkutaagle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: amarkutaagle
key: garabkutaagle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagnaan
m.f.dh eeg garabtaagan. la-mid: garabtaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabkutaaglee
v., [compound] be a dictator, act like a despot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabkutaaglee
de: be a dictator, act like a despot
lx: garabkutaaglee
pd: (garabkutaagleeyey)
ps: v2b=cmp
key: garabkutaaglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameeradhaglayn
m.f.dh eeg dameeradhaglee. la-mid: dameerabilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallaysnaan
m.f.dh eeg uurkutaallaysan. la-mid: uurkutaallaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) murug iyo ciil qabid.