alxanmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxanmid
m.f.dh eeg alxaman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxanmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo cad iyo wax ka badan oo biro ah isku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxamid
m.f.dh eeg alxan². la-mid: alxan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxamid
-da: (n) welding (welding); soldering (soodering); brazing (bareyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dhalaalinta biraha iyada oo la adeegsanayo kulayl xoog weyn. Dh: laxaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arxamid
m.f.dh eeg arxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, jimic u gelid; u tudhid oo u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaagmid
m.f.dh eeg halaagan¹. la-mid: halligmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkunmid
m.f.dh eeg alkuman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkunmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuurista wax aanan hore u jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaqmid
m.f.dh eeg ballaqan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqmid
m.f.dh eeg callaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalmid
m.f.dh eeg daldalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo Julmasho oo ka soo laadlaadsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday noqosho. Dh: dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaamid
m.f.dh eeg halmaan². la-mid: halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halmaamid
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) illaabid ama xusuusasho la'aan. Dh: hilmaamid, illaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalladmid
(Jalladmid-da)
1. (il) Haragga xalleefsan oo isha ku rogan oo kor u laabma.
2. Xuub rogmada oo docdiisa caloosha ahi soo kor marto; (ama jillad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladmid
m.f.dh eeg jalladan¹. la-mid: jelledmid, jilladmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladmid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga xalleefsan ee isha, intiisa hoose, dusha u soo rogmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasmid
m.f.dh eeg malaasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsamid oo wax daf ah noqosho. Taangigu wuu buuxaa oo malaasmidi uma hadhin. Dh: buuxsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxan
alxan¹: m.l 1. Macdan si sahlan dabku u dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. la-mid: alxamid.
alxan²: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Bir iyo wixi lamida alxan ku kabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alxan
alxan¹: m.l 1. Macdan si sahlan dabku u dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. la-mid: alxamid.
alxan²: f.g1 (alxamay, alxantay; alxami) Bir iyo wixi lamida alxan ku kabid. m.f.dh, alxamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alxan
m. n., (mass n.): welding, solder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxan
-alxamay /alxantay: (v) weld (weeldh); solder (soodher); braze (bareyz) —alxan -ka: (n) welding (weelding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxan
(fal) isku dhadhab; isku dhalaali; laxaamadee. Baabuurkan baa naga jabee, noo alxan.
alxan -ka: (magac, lab, keli) isku dhejinta labo birood, isku dhabdhabka biraha; isku qayacaynta iyo isku dhalaalinta biraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alxan
de: welding, solder
lx: alxan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: laxaamad
key: alxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasmid
(Aasmid-da)
Xabaalmid; duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasmid
m.f.dh eeg aasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogmid; wax aasamay oo ciidi ku rogmatay noqosho. Ceelka aasmidda ka ilaaliya, dib looma qodi karayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalid
m.f.dh eeg alal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalid
-da: (magac, dhedig, keli) arooridda geela ee meel fog oo aroorta hore la kallihiyo.
alalid -da: (magac, dhedig, keli) taah iyo jibaad; cod dheer oo la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof wax alxama.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alxame
m.l (alxamayaal, m.l/dh) Qof wax alxama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxame
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama qalabka labo cad isku xidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axarid
m.f.dh eeg axar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la mid
n. phr., [expression] equal to ~ the same as something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_mid
de: equal to ~ the same as s.t. See also: lammid
lx: la mid
ps: np-expr
key: la_mid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labmid
m.f.dh eeg laban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban noqosho oo qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammid
(la + mid)
Aan ka duwaneyn; u eg; la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammid
adj., [expression] equal, the same as
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammid
de: equal, the same as
lx: lammid
ps: adj-expr
see: mid
key: lammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmid
m.f.dh eeg laqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka oo dhimasho looga bagayo, tawxiidka u marin, u akhriyid.
laqmid-da: (magac, dhedig, keli) hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo qof la farayo, siduu u odhan doono, ugu celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmid
m.f.dh eeg xagan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaniid
(Xaniid-ka)
1. Tebediin si gaar ah muufo loogu bisleeyo, oo laga dhigo cadad ad'adag oo engegan oo kaydis iyo ganacsi loogu talaggalay.
2. Hilib kastoo sidaas loo sameeyo; (ama xaaniid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaniid
m.l 1. Tabadiin hilibkeeda si gaar ah tinnaar loogu dubay oo la qallajiyey. 2. Hilib kasta oo tinnaar lagu dubo oo la qallajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaniid
m. n., [collective] preserved fish ~ meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaniid
-ka: (magac, lab, keli) tebedin si gaar ah muufo loogu bisleeyo oo laga dhigo cadad ad'adag oo engegan oo kaydis iyo ganacsiba geli kara.
xaniid -ka: (magac, lab, keli) hilib caadi ah oo moofo lagu besleeyo oo aad u jilicsan, geedo iyo xawaashna loo dhammeeyo. Dh: xaaniid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaniid
de: preserved fish ~ meat (it is dried in an oven, sliced, and then may be salted)
initial: x
lx: xaniid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xaniid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyamid
(Abyamid-da)
Yaab iska garasho; yaabid: irkigid; amakaagid; ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyamid
m.f.dh eeg abyan². la-mid: abyan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyamid
-da: (magac, dhedig, keli) irkigid iyo amakaagid; yaab iska garasho. Nimanyahaw abyamid baa i heshiyo amarka yaabkiiye. Dh: yaabid, ashqaraarid, amakaagid, amankaagid, irkigid.
abyamid -da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirka wax la alkumayay. Qoladii aqalka dhisanaysay abyamiddiisa ba ma sugine, kolkii la taagay ba way galeen. Dh: dhammaystirmid, gebagaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarmid
m.f.dh eeg ajaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alkumid
(Alkumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumid
m.f.dh eeg alkun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u jirin abuurid; wax cusub uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxaman
alxaman¹: f.mg1 (-anmay, -amantay; -anmi) Wax alxan ku kaabmay noqosho. la-mid: alxanan¹.
alxaman²: f.mg4 (-xannaa, -xannayd) Wax la alxamay ahaansho. la-mid: alxanan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alxaman
alxaman¹: f.mg1 (-anmay, -amantay; -anmi) Wax alxan ku kaabmay noqosho. m.f.dh, alxanmid.
alxaman²: f.mg4 (-xannaa, -xannayd) Wax la alxamay ahaansho. m.f.dh, alxannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxaman
(tilmaame) biro laxaamadan; biro isku dhadhaban. Kuwani waa labo birood oo si fiican iskugu alxaman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxanan
alxanan¹: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: alxaman¹.
alxanan²: f.mg4 (-nnaa, -nnayd) la-mid: alxaman².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxanle
-alxanlaha: (n) welder (weeldhar); brazer (barayzer)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Alxanle
Saldatore
Welder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxanle
-ha: (magac, lab, keli) farsamayaqaanka alxanka ka shaqeeya; qofka ka shaqeeya meesha biraha la isugu dhalaaliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyandi
-da: (magac, dhedig, keli) maradhaqameed gacanta lagu sameeyo oo midabbo leh. Alyandi ayaan soo xidhay arooskii. Dh: aliindi, banaadiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadhid
m.f.dh eeg axadh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u calalin. Axadhidda maydhaxda ha ku badin.
axadhid -da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo si aad ah u lafagurida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabmid
m.f.dh eeg laaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laaban noqosho.
laabmid -da: (magac, dhedig, keli) meeshii aad ka soo tegtay, ku noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalmid
m.f.dh eeg laalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku soo xidhmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ultamid
(Ultamid-da)
Ulo ku cayaarid; ul isla dhicid cayaareed; ultan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultamid
m.f.dh eeg ultan². la-mid: ulootamid, ulootan¹, ultan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ultamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ama xus ulaha la isku tumo; ulo isku garaacid; ulo ku ciyaarid. Ultamiddu waa ciyaar miyi oo aad u naxariis daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabid
m.f.dh eeg albaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» meel, wax kale ku awdid; ka horgeyn. Ku albaaba taladiinna, xikmaddii la soo tuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogmid
m.f.dh eeg aloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) taagnida wax la qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosmid
m.f.dh eeg aloosan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalidda qori isku yaalla. Dh: jeexid, dhanbalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaanfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ama kooban, meelo kala duwan ka soo ururin; dhulka xaabxaabid. Anaanfidddaan ka arkaayoo arigu ma dhergin. Dh: anaanufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarmid
m.f.dh eeg angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid laga tegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasmid
m.f.dh eeg asaasan¹. la-mid: aasaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid alkuman ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.