alwasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwasho
m.f.dh eeg alwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarkacitaan; hinqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwasho
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar iyo wixii la mid ah oo meeshii uu ku jirey ka weynaada; ban ka faaxitaanka meel uu ku jiray ama wax kale. balway: (fal) ku luuqee hees balwo ah. Dh: balwee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halwasho
(Halwasha-da)
Halwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwasho
m.f.dh eeg halwo. la-mid: halwad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg halwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awasho
m.f.dh eeg awo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwasho
m.f.dh eeg shalwo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shalwasho
Talus creep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama wax kale, meel cirriiri ah gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balqasho
(Balqasha-da)
Walcasho; daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqasho
m.f.dh eeg balqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqasho
vl. n. spilling over; drooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere ka daadashadiisa hareeraha weelka uu ku jiray. Balqashay caanihii ku idlaadeen. Dh: walcasho, daadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqasho
de: spilling over; [fig.] drooling
lx: balqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: balqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balxasho
(Balxasha-da)
(xoolo) Biyo badan, had iyo goor, cabbid; biyo durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balxasho
m.f.dh eeg balxo. la-mid: balxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxasho
-da: (magac, dhedig, keli) geela oo si isdaba joog ah biyaha dhanaha ah loo waraabsho. Balxasho geel baa lagu jeel tiraa adhina garraw baa la siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calfasho
(Calfasha-da)
Calaf ka dhigasho; dheefsasho; (ama calafsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfasho
m.dh la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calfad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawasho
(Daawasha-da)
Wax falsan ama qurux badan, oo jecdaaladooda, macaan iyo jeel laga hela hayo, in door ah indhaha ku cunid; fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawasho
m.dh eeg daawo². la-mid: daawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawasho
vl. n. watching, act of gazing, viewing; something worth watching
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawasho
-daawashada: (n) watching (woojing); viewing (vi-yuuwing) ~ fiirsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheehashada wax kuu muuqda. Daawasho iyo dalxiis baan u imid degmada. Dh: fiirsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawasho
de: watching, act of gazing, viewing; s.t. worth watching
lx: daawasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: watching television
xv: Telefisiyoon daawasho
key: daawasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daawasho
مُشَاهَدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbasho
(Dalbasha-da)
1. (cayaarsiis, kd.) wax farid; amar siin.
2. (turub) isubaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbasho
m.f.dh eeg dalbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalbasho
vl. n. order, subscription (to a magazine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalbasho
-dalbashada: (n) the act of ordering or requesting ~ codsasho
dalbasho -dalbashada: (n) application (ap-likeey-shin). Ex: warqadaha dalbashada; the application forms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax codsasho.
dalbasho -da: (magac, dhedig, keli) turub isugu baaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalbasho
de: order, subscription (to a magazine, etc.)
lx: dalbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dalbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalgasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo dhulka midho lagu rido oo laga warsugo intay wax soo baxayaan. Dh: falasho, tabcasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) lulashada iyo lalmashada wax laallaada. Sitaacii dalmanaayoo, dawankii ka ciyaayoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkasho
m.f.dh eeg falko². la-mid: falagsad, falagsasho, falagsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbasho
(Galbasha-da)
1. Meel ka tegid, iyadoo badanaa aan la soo noqona hayn.
2. Lala tegid, aan in la soo dhacsado rajo laga qabin.
3. (guur) guri geyn; guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbasho
m.f.dh eeg galbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbasho
-da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah, carraabid oo socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galcasho
m.dh la-mid: galangalcayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawasho
(Haawasha-da)
(weel, kd.) aan dabool saarrayn oo dabayl badani gudihiisa geleyso; afkalahayn; daloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawasho
m.f.dh eeg haawo. la-mid: haawad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, oo aan dabool saarnayn, gudihiisa na dabayshu galayso. Haawashada ka ilaali weelka oo afka wax ka saar.
haawasho -da: (magac, dhedig, keli) hadaaqis iyo isla hadlid aan macno lahayn; hadal aan milgo lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadwasho
m.f.dh eeg hadwo. la-mid: hadwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcasho
m.f.dh eeg halco. la-mid: halcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcasho
-da: (magac, dhedig, keli) hillaaca iyo nuurka ka baxa bir iftiin qabtay sida cadceedda oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talfasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof, neef, qalab ama wax kale, dhimasho ama kartidii uu lahaa ka tagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walcasho
(Walcasha-da)
Weel caano ah ama biyo ama wax kale oo shubma oo buuxdhaafsan oo inta wax ku dhaceen ama taabteen, isagoo aan dhicin in yari qarka ka daateen; balqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walcasho
m.f.dh eeg walco. la-mid: walcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walcasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxa oon rogman inyari ka daadasho. Qadaaduhu wuu buuxaaye walcashada ka dhawr. Dh: balqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walhasho
m.f.dh eeg walho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Walhasho
Simple harmonic motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walhasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawada lalmasho oo kolba dhinac dabaysha u raacid.
walhasho-da: (magac, dhedig, keli) lulan hufan oo meerto ah oo ay walax laalaaddaa samayso meel illaa meel si ay walhashadaa ugu soo saarto ququl talantaalli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqasho
(Aqasha-da)
Aq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqasho
m.f.dh eeg aqo. la-mid: caqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqasho
vl. n. starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqasho
-aqashada: (n) extreme lack of water and food; starvation (staarveeyshen) ~ aq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanqale la'aan dartii dhimasho; harraad u dhimasho. Dadkani aqasho ayay u daateen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqasho
de: starvation
lx: aqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulasho
-da: (magac, dhedig, keli) rajaynta iyo naruurashada wax soo socda. Dh: naawilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambasho
m.f.dh eeg ambo². la-mid: ambad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbasho
vl. n. misdirection, getting lost
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbasho
-anbashada: (n) the act or an instance of wandering; to go astray ~ ambasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbasho
-da: (magac, dhedig, keli) fakasho iyo jidkii ka lumid. Dh: anbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbasho
bw: ambo
de: misdirection, getting lost
lx: anbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: lumid
key: anbasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arhasho
m.f.dh eeg arho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arhasho
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalka lagu qadhaab doonto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duwasho
m.f.dh eeg duwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax weecsasho oo dhinac u leexsasho. Dh: weecsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwasho
(Huwasha-da)
Maro ama buste ama wax la mid ah, korka ka qaadasho, isku daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwasho
m.f.dh eeg huwo. la-mid: huwad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro ama buste ama wax la mid ah, korka ka qaadasho, isku daboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaasho
(fal) wax aad leedahay, lumitaanka iyo baylahda ka ilaali. Dh: dhawro, xannaanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illasho
m.f.dh eeg illo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalasho
m.f.dh eeg jalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, jal qaadasho oo isxanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalasho
m.f.dh eeg qalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsasho
m.f.dh eeg alamso. la-mid: alamsi.