alwaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alwaax
(Alwaax-a, Alwaax-da)
Qoryo xalxalleef laga dhigo oo wax lagu dhiso; looxyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwaax
m.l/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alwaax
m. n. wood, timber, board
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alwaax
-da: (n) wood (wuudh); lumber (lumbar), board (boodh) ~ qori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaax
(fal) walax isku taalla kala dhambal; kala jeex sida looxa. Gudun afweyn buu haystoo, mar qudha uun buu qorigii kala alwaaxay.
alwaax-a: (magac, lab, keli) qori wax lagu dhisto oo si xalleefsan loo farsameeyey. Dh: loox.
alwaax-da: (magacwadareed) laamaha ama jiridda geedka oo loo isticmaalo dhismo ahaan. Markabku alwaax ayuu wadaa. Dh: qoryo, looxyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alwaax
de: wood, timber, board
lx: alwaax
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m
key: alwaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arwaax
(Arwaax-a)
1. Farax; riyaaq.
2. Ruux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaax
arwaax¹: m.l Farax.
arwaax²: m.dh.w Ruux.
arwaax³: f.mg1 (-xay, -xday) Farax dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arwaax
arwaax¹: m.l Farax.
arwaax²: m.dh.w Ruux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaax
m. n. exhilaration, happiness, thrill
arwaax [inchoative] v. be happy, pleased ~ thrilled
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Arwaax
name-f exhilaration, happiness, thrills
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arwaax
-da: (n) happiness; joyfulness (jooyfuulnis)-, exhilaration, delight, cause to feel happy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Arwaax
magac loo baxsho gabadh uurka ku taalla oo la jecel yahay; qaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaax
(fal) rayray oo farax.
arwaax -da: (magacwadareed) sirta aadamuhu kaga duwan yihiin uumiyaha kale oo Eebbe geliyay. arwaax-da: (magac, dhedig, keli) farxad iyo riyaaq. Arwaax darteed baan la wada boodnay kolkaan guusha maqalnay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamas
1. (Dhamas-ka) Geed geedaha waaweyn oo lafta adag kamid ah; alwaaxdiisa doonyo, kd., baa laga sameeyaa; wuxuu kamid yahay dhirta waddooyinka magaalooyinka lagu qurxiyo oo aan qodaxda lahayn oo hooska badan oo weligood cagaarka ah.
2. (Dhamas-ta) Usha dhamaska; ul madax weyn; bur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharkayn
(Dharkayn-ka)
Geed aad u dheeraada oo caano leh; alwaax wanaagsan oo jilicsan buu lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarad
(Faarad-da)
Qalab bir af lihi ku jirto oo alwaaxda iyo qoryaha lagu xaquuqo oo lagu simo; raando.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedaggable
(Geedaggabla-ha)
Cayayaan yar oo baalal leh, baalkoraadku qolof yahay sida kan geesoolaha; sida bulunbulyada si ka daran buu alwaaxda iyo qoryaha u cunaa, siiba kuwa qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loox
(Loox-a)
Qoryaha dheerdheer oo xalxalleefsan oo wax lagu dhiso ama alaabo laga sameeyo, midkood; alwaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miis
(Miis-ka)
1. Qalab guri ama xafiis oo ka samaysan alwaax ama bir ama wax kale oo fidsan oo lugo ku taagan; dushiisa wax baa lagu cunaa ama la saaraa ama lagu qoraa; shillal (ama miisad).
2. Maqaan; darajo; magac; qiime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musmaar
(Musmaar-ka)
Bir yar oo doc af fiiqan oo wax muda ku leh, docna madax yar, oo alwaaxda ama wax kale layskula dhejiyo; qodob; (ama musbaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qori
(Qori-ga)
1. Geedaha intooda dhexe oo adag oo qolofta iyo mayraxda ka hoosaysa.
2. Cad geedka kamid ah.
3. Alwaax; loox.
4. Mid xaabada kamid ah.
5. Qalab lagu dagaallamo oo xabbado ka dhacaan; buntukh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqay
(Raqay-ga)
Geed qurux badan oo aad u dheeraada oo ganacsiga qiime weyn ku leh; waxaa laga helaa alwaax wanaagsan iyo miro dhanaan oo waxyaalo badan laga sameeyo (dawo, sharbeed, renji, ...) ~ timir hindi; xamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanoobbir
(Sanoobbir-ka)
Geed-abaareed waxtar iyo qurux isku darsaday; wuxuu lee yahay caleemo cuntub cuntub isugu xiran oo irbado la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtummo yaryar iyo toxob ku leh; aad buu u dheeraadaa alwaaxdiisana waxyaalo aan la tirin karin baa laga sameeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhtad
(Takhtad-da)
Alwaax sida santuukha loo sameeyo oo alaabada jilicsan ama la dhoofinayo la geliyo oo dhawraarin looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashiish
(Xashiish-ka)
1. Qorka alwaaxda laga qoro ama laga xaquuqo; xash.
2. Geed la beero oo laga liso dhacaan daran oo ama la calashado ama la cabbo ama sida buuriga loo shito; waxaa laga helaa jeel iyo baraarug iyo fahmo, waase sun qofkii qaayiba disha ama miyirka ka qaadda ama wax khaafsan ka dhigta. Inkasta oo uu dawo ahaan, waxtar lee yahay, haddana wuxuu ka mid yahay, dhirta, sida qaadka, in lagu isticmaalo ama la ganacsado, ayan bannaanayn (ama xashiishad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraako
m.dh (-ooyin, m.l) Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. la-mid: baraakad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggable
m.l Cayayaan duula, qolof adag, oo cuna qoryaha iyo alwaaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liif
liif¹: m.l 1. la-mid: lųuf. 2. Xashiish jilicsan oo ka hara alwaaxda la qoro. 3. Dhagax xalleefsan oo lagu luufo. 4. Qaynbaar. 5. Sooloji ahaan, dhisme timaha oo kale ah oo dheer, sida tifafka yar yar ee baalasha shimbiraha.
liif²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Liif ciyaarid. 2. Caatoobid. la-mid: luuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miis
miis¹: m.l 1. la-mid: miisad. Qalab ka samaysan alwaax, bir, ama wax kale oo fidsan lugo ku taagan oo siyaalo kala geddisan loogu isticmaalo xafiisyada iyo guryaha. 2. Xoogaa cunto ah oo beegan oo aan bislayn. 3. Heer nolosha laga gaaro. 4. Meel dad koox ahi cunto loogu sameeyo. 5. la-mid: miisid.
miis²: f.g1 (-say, -stay) Cunto beegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisad
m.dh Qalab ka sameysan alwaax, bir, iyo wixi lamida fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. la-mid: miis¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalidda qori isku yaalla. Dh: jeexid, dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalax
alaalax¹: m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaalax²: f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro awgeed la dhacdhacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaalax
m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalax
(fal) si dandannaani iyo dhacdhacitaan ah u soco.
alaalax: (tilmaame) meel madhan oo tuugo ama waxqaadid lagu dhammeeyay.
alaalax -a: (magac, lab, keli) socod dandannaanni iyo dhacdhacitaan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alawaad
m.dh (-do, m.l) Meel wax lagu karsado; jiko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alawaad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka, qaybta cuntada lagu karsado. Dh: kushiin, madbakh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ka farxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arwaaxi
v. make happy, cause someone to be content, cheer (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arwaaxi
de: make happy, cause s.o. to be content, cheer (up)
lx: arwaaxi
pd: (arwaaxiyey)
ps: v2a=expr
key: arwaaxi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dalwaaq
name-m God's country
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaax
(Fallaax-a)
1. Qof weligi laab iyo weji furfuran; bashaash; bulshey; baaxeer.
2. Qof xarrago badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaax
m.l (-xyo, m.dh) Qof waji iyo laab furan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallaax
Fellah
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallaax
m. n. cheerful ~ good-natured person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fallaax
nickname; name-m cheerful, good-natured person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaax
-a: (magac, lab, keli) labka aadamaha ama xayawaanka.
fallaax-a: (magac, lab, keli) nin dabci wanaagsan oo furfuran.
fallaax-a: (magac, lab, keli) nin xoog badan oo muuqaal wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallaax
de: cheerful ~ good-natured person
lx: fallaax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fallaax
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galmaax
name-m prosperous; diver; swimmer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Galmaax
magac loo baxsho wiil laga filayo in uu noqdo mid ladan oo hanti leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaax
m.l Jeex harag ah, megdeysan, dacallada farqo ku leh la garwaaxeedsado oo dhallinyaradu ku shirtagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwaal
f.g1 (-aalay, -aashay) la-mid: waldaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walwaal
v. carry something heavy (of two ~ more people)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaal
(fal) wax culus qaad adoo laallaadinaya. Kiintaalka qaad oo illaa aqalkii walwaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walwaal
bw: dandaami
de: carry s.t. heavy (of two ~ more people)
initial: w
lx: walwaal
pd: (walwaalay)
ps: v1=tr
see: waldaami
key: walwaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waax
(Waax-da)
Afar meelood oo meel; rubi; (1/4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waax
m.dh (-xyo, m.dh) 1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tusaale: “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waax
m.dh (-xyo, m.dh) 1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tusaale: Hasha la qaley waax iga sii. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waax
num. quarter (1/4) share; quarter of an hour; quadrant {mathematics}
waax [feminine] n. region, district, province, quarter; department ~ branch of an office
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waax
-da: (n) part (paart), share (sheer), division (di-vishin), section (sek-shin); sector (sek-tar); department (di-paart '-ment) ~ qeyb, wakaalad. Ex: waaxda caafimaadka; the health department
waax -da: (n) one-fourth; quarter
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WAAX
Dipartimento
Department
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waax
Dipartimento
Department
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waax
(fal) (kala ~) kala fidi; kala qabo; kala durki. Afka kala waax ilkaha ha lagu eegee.
waax: (fal) (kala ~) kala jar oo labo ama afar waaxood ka dhig. Kuriska innoo kala waax.
waax -da: (magac, dhedig, keli) afar meelood meeshood; rubuc; 1/4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alaab
(Alaab-ta)
Qalabka wax lagu qabsado; alaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaab
m.dh.u 1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iyo wixi lamida. la-mid: alaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaab
m.dh.u 1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iyo wixi lamida. la-mid: alaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaab
f. n., [collective] objects, articles, items, things, stuff, equipment, supplies, material; luggage, baggage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alaab
-ta: (n) things (thingis); material (metiiryel); stuff (istaaf) ~ qalab, sheyaal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Alaab
Materiale
Material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaab
-ta: (magac, dhedig, keli) xamaan isku jaad ah ama kala duwan. Alaab culus ayuu baabuurku sidaa. Dh: agab, agaabo, saabaan. Wa: alaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaab
de: objects, articles, items, things, stuff, equipment, supplies, material; luggage, baggage
lx: alaab
pd: (-ta)
ps: n1-f-col, n2-f
key: alaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaah
m.l (-hyo, m.dh) Qof baryo badan oo aan xishoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alaal
(Alaal-ka)
Aan meesha uusan aqoon iyo dadka uusan aqoon ka qaloon; qof galgal badan oo dhiirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaal
m.l Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo dal uusan aqoon; qof galgal badan oo dhiiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaal
m.l Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo dal uusan aqoon; qof galgal badan oo dhiiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaal
n (adj.): aggressive person; forward, outgoing, sociable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaal
-ka: (magac, lab, keli) cida neef xoolo qalaad ku dhex lumay oo ka qaloonaya. Dh: baadi, kayd.
alaal -ka: (magac, lab, keli) qofka dhiirran ee aan maagin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaal
de: aggressive person; [atr.] forward, outgoing, sociable
lx: alaal
pd: (-ka)
ps: n -m
key: alaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaal
(Awaal-ka)
Saad; male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaal
awaal¹: m.l 1. Saad; male. 2. awaalid.
awaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) la-mid: aawil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awaal
v. guess, think, expect, assume
awaal vl. n. expectation, guess, prediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awaal
-ka: (n) guess (ges); predict, assume, presume or think ~ mala-awaal, male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaal
(fal) wax malay; wax saadaali. Bal awaal waxa soo socda. Dh: saadi.
awaal -ka: (magac, lab, keli) saadaal iyo malemalayn. Awaaluhu wuxuu sheegayaa in ay roobab di'i doonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awlax
(Awlax-a)
Jaad warmaha ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Mindi aad u weyn o geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awlax
m. n. lance, spear ~ arrow which is bigger ~ longer than usual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlax
-a: (magac, lab, keli) xagga danbe ee waran dhego leh. Argaggaxa mid laga yaabo oo awlax waran haysta.
awlax-a: (magac, lab, keli) jaad jaadadka warmaha ka mid ah. Asxaabtii dariiqada kuwii awlaxa u qaatay. Wa: awlallo.
awlax-a: (magac, lab, keli) jaad leebka ka tirsan oo weyn oo qaansada laga rido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awlax
cf: fallaar, leeb, waran
de: lance, spear ~ arrow which is bigger ~ longer than usual
lx: awlax
pd: (-a)
ps: n2-m
key: awlax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaal
(fal) wax soo socda ka sii warran oo fiiri waayahiisa.
aawaal -sha: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha mustaqbalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaag
-ta: (magacwadareed) erey laga yaabo in uu ka soo jeedo Carabi 'abwaab' oo ka dhigan daafaha ama dhinacyada. Degmadeenna oo idil haddaan dayey abwaagteeda. Dh: baallaheega, daafaheega, nawaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abwaan
m.l (abwaanno, m.dh) 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. Abwaan ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riwaayad) Qof riwaayadaha curiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abwaan
m.l (abwaanno, m.dh) 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. Abwaan ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riwaayad) Qof riwaayadaha curiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abwaan
m. n. wise man, scholar; encyclopedia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abwaan
-ka: (n) 1. scholar (iskoolar)-, especially in poetry (powatri); one who demonstrates great imaginative power of expression ~ aqoonyahan. Ex: Abwaan Xadraawi; Hadraawe the scholar. 2. dictionary or encyclopaedia ~ qaamuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon dheeraad ah u leh laamo badan oo aqoonta bulshada ka mid ah, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada dadka; waxyaqaan laamaha aqoonta mid walba iska laallaadshay oo loogu noqdo khibrad iyoo xeeldheeri aawadeed. Dh: buuni.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) buug koobsaday wax badan oo laamaha aqoonta ah; buug lagu ururshay aqoon kala duwan. Abwaan weyn baa laga soo saaray Xarunta Cilmibaadhista ee Jabuuti.
abwaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo suugaanta tirinteeda ama curinteeda lagu yaqaan.