aloogmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogmid
m.f.dh eeg aloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) taagnida wax la qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogmid
m.f.dh eeg saloogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saloogan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogid
m.f.dh eeg aloog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaban doono aloosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosmid
m.f.dh eeg aloosan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoolmid
m.f.dh eeg galoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isku duubay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loogid
(Loogid-da)
Marti xoolo u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loogid
m.f.dh eeg loog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loogid
-da: (magac, dhedig, keli) marti iyo cid la xushmaynayo xoolo u qalid. Dh: loogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogmid
m.f.dh eeg oogan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogmid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid oo olol dheer yeelasho. Dabaysha ayaa dabka oogmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aloosid
(Aloosid-da)
Qaanqaamin, abaabulid. kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosid
m.f.dh eeg aloos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayo diyaarinteed. Hawl kastaa aloosid ayay u baahan tahay. Dh: abaabulid, iskudubbaridid, qaanqaamin, qabanqaabin, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaagmid
m.f.dh eeg halaagan¹. la-mid: halligmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloogid
(Saloogid-da)
Saloog ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloogid
m.f.dh eeg saloog². la-mid: saloog¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloogid
-da: (magac, dhedig, keli) isku taagid; saloolasho.
saloogid -da: (magac, dhedig. keli) saloog ka dhigid, turmaagid. Dh: diirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alongside
/aloongsayd/ (prep) 1. dhinaca isku haya; dhinac socda. e.g. There was a bookstore alongside the theatre. 2. gacmaha is haysta ama iscaawinaya (isla shaqayn kara).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
alongside
ad., barbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolmid
m.f.dh eeg daboolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday noqosho. Dh: dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halligmid
m.dh la-mid: halaagmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halligmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax halaagmay oo dabargo'ay noqosho. Dh: dabargo'id, baabi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegmid
m.f.dh eeg maleegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegmid
-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroofmid
m.f.dh eeg qaroofan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloogid
m.f.dh eeg taaloog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulootamid
m.dh la-mid: ultamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulootamid
-da: (magac, dhedig, keli) ulo ku ciyaarid. Dh: ultamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgo'id
m.f.dh eeg caloolgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) nicid oo niyadda ka jarid; niyadda ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooshamid
m.f.dh eeg dalooshan¹. la-mid: duleeshamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooshamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fur leh oo meel dalool ku leh noqosho. Bacda dalooshamidda ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalasoocmid
(Kalasoocmid-da)
Waxyaalo isku darsan, intii is leh ama isku jaad ahiba, gaar u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasoocmid
m.f.dh eeg kalasoocan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasoocmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax iskii u kala soocma oo aan cidi kala soocin. Dh: kalamidhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Rabsho, dagaal iyo wixi lamida abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloog
-ga: (magac, lab, keli) arrin ama talo aloosid ama abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogid
(Oogid-da)
1. (dab) aad u shidid.
2. Sii wadid; joojin la'aan; toosin; qumin; abaabulid, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogid
m.f.dh eeg oog³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogid
-da: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidid. Dh: oogis.
oogid -da: (magac, dhedig, keli) abaabulid, dardar cusub galen. Dh: oogis
oogid-da: (magac, dhedig, keli) salaad iyo wixii la mid ah, samaynteeda si niyadsami ah ugu istaagid. Oogidda salaaddu waa rukun asaasi ah.
oogid-da: (magac, dhedig, keli) dacwad samayn oo cid ku eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosi
-ga: (magac, lab, keli) ku talagal qorsha cusub. Aloosi guur ayaa la hayay. Dh: qabaqaabo, haloosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogid
m.f.dh eeg doog³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogid
(Hoogid-da)
Hoog ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogid
m.f.dh eeg hoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la kulmid, ba' iyo ba'yaale ku dhicid. Dh: ba'id, ba'ayaalid. Li: badhaadhid.
hoogid -da: (magac, dhedig, keli) hoog ku dhicid; dhibaato la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogid
(Joogid-da)
1. Meel ku sugnaan, degganaan.
2. Jirid; noolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogid
m.f.dh eeg joog². la-mid: joogis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogid
vl. n. presence, being present, staying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogid
-da: (n) the act of staying; presence (parasansi) ~ joogis, joogitaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Joogid
Presenza
Presence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogid
-da: (magac, dhedig, keli) tegid la'aan, meel joogis. Joogidda ee suuqa lagaaga fiican. Dh: nagaadi.
joogid -da: (magac, dhedig, keli) udub iyo wixii la aro mid ah, dhulka ku qotomid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogid
de: presence, being present, staying
lx: joogid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: joogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofid
m.f.dh eeg loof².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loogis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg loogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolid
m.f.dh eeg lool³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta loolka ciyaarid. Dh: loolis.
loolid -da: (magac, dhedig, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaal li'i; war la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noogid
(Noogid-da)
Daalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogid
m.f.dh eeg noog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogid
-da: (magac, dhedig, kali) daalid oo tacab badan dareemid. Noogid iyo tabcaamid badan aya ii gaysatay hawshani. Dh: noogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogmid
m.f.dh eeg rogan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogid
(Soogid-da)
Wax soogan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogid
m.f.dh eeg soog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogid
-da: (magac, dhedig, keli) taagid; kala jiidid; togid; soogis qof iyo wixii la mid ah meel taagid oo ka tagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomid
de: fasting in the holy month of Ramadan
initial: s
lx: soomid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togmid
(Togmid-da)
Wax togan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
togmid
m.f.dh eeg togan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax togan noqosho. Togmida xadhiga ha ka debcin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogid
(Xoogid-da)
1. Xoog wax ku qaadasho; dhicid; boolyid.
2. (qof dumar ah) qabsasho; kufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogid
m.f.dh eeg xoog³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogid
-da: (magac, dhedig, keli) cid xoog wax kaga qaadasho; boobid. Dh: xoogis, boobid, dhicid.
xoogid -da: (magac, dhedig, keli) kufsasho oo gabadh awood ku muquunin. Dh: qasbid, kufsad, kubsasho, xoogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoomid
(Yoomid-da)
Wada hugmid; isku yeerid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoomid
m.f.dh eeg yoon². la-mid: yulqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo dhaadheer kol isku wada darid. Dumar hadday dagaalamaan way yoomid badan yihiin. Dh: yulqamid, buuqid.
yoomid -da: (magac, dhedig, keli) maqaaxi iyo wixii la mid ah si wanaagsan u cammirnaan. Kala tage kadhaalaha madhiyo kiristal yoomaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.