alma'almay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alma'almay
-da: (magac, dhedig, keli) labo sawir oo caag iyo wax kale ba ka smaysan oo lagu metaalo in ay xaas yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alma'almayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku ciyaarista labo sawir oo caag iyo wax kale ba ka smaysan oo lagu metaalo in ay xaas yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almay
m.dh Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almayn
m.f.dh eeg alma-almee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alma'almee
(fal) wax ku ciyaar sidii alma'almayda. almadar-ta: (magacwadareed) arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Almaalmay ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalax
alaalax¹: m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaalax²: f.mg1 (-xay, -xday) Tabar darro awgeed la dhacdhacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaalax
m.l 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalax
(fal) si dandannaani iyo dhacdhacitaan ah u soco.
alaalax: (tilmaame) meel madhan oo tuugo ama waxqaadid lagu dhammeeyay.
alaalax -a: (magac, lab, keli) socod dandannaanni iyo dhacdhacitaan ku jiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ama_ama
de: either ... or
lx: ama ... ama
ps: conj
xe: He will either bring it or send it.
xv: Ama wuu keeni doonaa ama wuu so diri.
key: ama_ama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalay
(fal) wax ama shaqo, korka kala soco. Dh: kormeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamay
(fal) hees laxan u samee, Midhihii waan sameeyee adna laxamay. Dh: laxanee, laxamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalhay
f.mg2 (-yay, -ysay) U a.: cid, cid kale oo samo u gashay u aqoonsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaalhay
f.mg2 (-yay, -ysay) U a.: cid, cid kale oo samo u gashay u aqoonsanaan. m.f.dh, abaalhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaxay
(fal) madhi oo wax ba ha reebin. Tuugadu bangiga way alalaxaysay oo waxba kagama tegin. Dh: alalaxee, alalixi.
alalaxay: (fal) cid kale, si cagajiid iyo dandannaani ah u socodsii. Dh: alaalixi, alaalaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamay
(fal) calaamad lagu garto u yeel. Dh: summadee, astaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalay
(fal) walaalo ka dhig. Dadka walaaleeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalay
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu duufin. Laxda xalaalay intayna duufin. Dh: qal xalaalee, gawrac. Li: duufi.
xalaalay: (fal) ilma yar baarada ka goo gaar ahaan gabadh. Wiilku intuu yaryahay xalaalay. Dh: gud, baaragoo, xalaalee.
xalaalay: (fal) ammaano ciddii lahayd illaws iska yeelo. Hadduu kombiyuutarka kuu soo doona waayo ka xalaalay. Dh: xalaalee.
xalaalay: (fal) shay inuu bannaan yahay banne ku fatwoo. Cunidda jaadka xalaalay: Dh: xalaalee bannay.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SALAALMAC
Sesamothamnus busseanus 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablay
(fal) baro xeerarka lagu kala sooCo noolaha inta nool iyo iyo intii tirantay.
abla'ablay: (fal) kala soocsooc xoolo isla socda ama wax kale. Riyaha iyo idaha abla'ablay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmaxalaal
-ka: (magac, lab, keli) qofka inahabardoobireedka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abla'ablayn
m.dh (-no, m.dh) Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abla'ablayn
m.dh (-no, m.dh) Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barashada jaraynta iyo xeorashada kala soocidda nafleydii dabargo'day iyo ta weli dhaqan.
abla'ablayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala soocsoocid; wax isku darsanaa kala soorid. Abla'ablayn buu odaygu xoolaha ku bilaabay. Dh: abla'ablays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg abla'ablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmacaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qurxinta hadalka oo turxaanta laga reebo; hadal macaan oo aan laga didin qof kale ku dhihid. Dh: afmacaanays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmacaanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afmacaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasmays
m.l la-mid: alabbasleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbaalyayn
-ta: (magac, dhaddig, keli) dhimista iyo hoos u dhigga halista nabar ama jirro leedahay. Basanbaasin buu ii noqdiyo wax i balbaalyayne. Dh: quwadjebin, taakaleelin, shiiqin, dhicisayn. Li: xoogayn, tooxid, taanaadin, labolaxaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyayn
m.f.dh eeg daldaalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talantalxay
(fal) xoolo jeellan jaan milix ama xabow ku dhanaani oo sarriigad u yeel. Dh: darmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaallimayn
m.f.dh eeg dallaallimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaallimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhayn oo hoos soo handooda u yeelid. Weylaha waabka u dallaalimee. Dh: hadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalama'adkaan
-ka: (magacwadareed) dad ama wax kale oo itaal iyo cudud isku dhigma leh oo aan kala xoogganayn.