alleyl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alleyl
m.l Habeen bar, saqdhexe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alleyl
-ka: (magac, lab, keli) habeen oo dhan. Sidi kawsaroow xamar alleyl koore lagu taagay. Li: hir salaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alley
/aalli/alleys; (n) surin; dariiq ama wadiigo yar oo dhismayaal ama meel kale dhex marta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
alley
/aali/ (n) luuq (jiiry)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
allaylehe
e.d Erey la yiraahdo marka wax dhacay ay sidii loo filayay noqdaan; akidid in wax dhacay ay sidaas noqonayaan. Wuxuu ka koobanyahay 'Alle', 'i' iyo 'lehe'. Tusaale: 'Alleylehe, si fiican baad yeeshey'. la-mid: allaylee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falleyr
(Falleyr-ta)
Summad geela iyo lo'da dhegta lagaga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falleyr
m.dh (-ro, m.l) Dillaac dhegaha xoolaha summad ahaan loogu yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falleyr
f. n. brand, mark of ownership put on animal's ear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falleyr
a: falleer
de: brand, mark of ownership put on animal's ear
lx: falleyr
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: falleyr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malleel
m.l Aad u macaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malleel
-sha: (magac, dhedig, keli) eeg maleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallayl
(Qallayl-ka)
Qoyaan la'aan; engeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallayl
m.l 1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. la-mid: allalnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallayl
m.l 1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. la-mid: qallalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallayl
m. n., [abstract] dryness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallayl
-ka: (n) dryness (dharaay-nes); aridity (eeridhiti); aridness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallayl
-ka: (magac, lab, keli) eeg qallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallayl
de: dryness
lx: qallayl
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: qallayl
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qallayl
جفاف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalleyf
(Qalleyf-ka)
Aan jilicsanayn; adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalleyf
m.l Aan jilicsanayn; adayg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalleyf
m. n. hardness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalleyf
-ah: (adj) hard (haardh); rugged (rag-gidh); not easily bendable or flexible.
qalleyf -ka: (n) hardness (haardh-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalleyf
(tilmaame) wax fudud oo jimidh yar.
qalleyf -ka: (magac, lab, keli) adayg iyo qombobsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalleyf
de: hardness
lx: qalleyf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qalleyf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salleel
-ka: (magac, lab, keli) geed geed-dhexaadka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alle
(Alla-ha)
Eebbe; Ilaah; Allaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alle
m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alle
m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Alle
m. n. Allah, God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Alle
Allaha: (n) Allah, God ~ Ilaah, Rabbi, Waaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alle
magacda Eebbe mid ka mid ah oo u gaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Alle
a: Allah
de: Allah, God
lx: Alle
pd: (/ha)
ps: n0-m
syn: Eebbe (/ha)
key: Alle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ally
/allaay/allies, allying allied; (v) is bahaysi, isku dad ama isku koox. e.g. our courageous ally.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ally
/allaay/ (n) ly jery (qof oo qof kely kaalmeyaw).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abley
m.dh (-eeyo, m.dh) Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. la-mid: amley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abley
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abley
-da: (n) dagger (dhaager) ~ toorreey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abley
a: amley
de: dagger
lx: abley
pd: (-da Pl: ableeyo (/da))
ps: n2-f
key: abley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleel
(Alee-sha)
Bocoosha iyo tammaanka jaad ka mid ah oo aan waaweyneyn; bocool; tammaan; laji: cangaleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleel
m.dh.u (-lo, m.l) Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aleel
m.dh.u (-lo, m.l) Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleel
f. n., [collective] seashell species, small cowry shells
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aleel
-aleesha: (n) seashell (siisheel) ~ angaleel, bacool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleel
-sha: (magac, dhedig, keli) xaaxeeyada badda oo jaadad kala duwan leh. Waxaa loo adeegsadaa qurxinta qalabka guryaha. Inta dun lagu taxo ayaa kuula ahaanna loo isticmaalaa. Habar dhaliwayday aleel ku waalatay. Dh: alalaxay, aleeloxaaxaa, olixaaxaa, bacool, tammaan, laji, cangalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleel
cf: bocool, laji
de: seashell sp., small cowry shells
lx: aleel
pd: (/sha)
ps: n1-f-col
key: aleel
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allay
/alleey/allays, allaying, allayed; dejin qof xanaaqsanaa ama cabsanayey (yarayn). e.g. He tried to allay her fears.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
allée
allée, n.f. - Surin, Wadiiqo yar oo dhismayaasha kala dhex marta.; Wadiiqo; Waddo-Luugeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alleh
eeg Alla.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
aller
aller, v. - Socod: U kicid
se sentir - Aadid.
Comment allez-vous? - Maxaad sheegteen?
Où allez-vous? - Xagee baad u socotaan? (ama adeysaan?)
je m'en vais - Waan tagaya
aller chercher - Orod oo raadi
allons bon! - Way igu dhacday!
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Alloy
Birdhaf
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Alloy
Birdhaf
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
alloy
/allooy/ (n) biry amy ma'thany lisky dhilaaliyi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amley
(Amley-da)
Abley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amley
m.dh la-mid: abley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amley
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amley
-da: (n) dagger (dhaager) ~ toorreey, ablay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amley
-da: (magac, dhedig, keli) bir labada barbarba wax ku goysa oo billaawaha ka yar. Oo gamas wax xiiriyo amlay laysla gaadaayo. Dh: ablay, toorray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amley
a: abley {C}
de: dagger
lx: amley
pd: (-da Pl: amleeyo (/da))
ps: n2-f
key: amley
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Awley
name-f yelper; yeller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ableel
-sha: (magac, dhedig, keli) madhnaanta lagu hungoobo helitaanka wax la filayay. Ableesha i gaadhay, adaan ku amaahshay. Dh: hungo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkeyn
m.dh (-no, m.dh) (kiimika) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alkeyn
m.dh (alkeyno, m.dh) (kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allege
/alleej/alleges, alleging, alleged: (v) qgof dambi lugu eedeeyey laakiin aan weli lugu caddayn. e.g. She alleged that he stole the money.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
allege
/alleej/ (v) eetheeyow oo daliil ing lahaayny.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Allele
Aliil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awleyn
m.f.dh eeg awlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galley
(Galley-da)
Geed la abuuro oo dhala badar waxtar weyn leh: dadka iyo duunyadaa cuna; waxaa kaloo laga sameeya saliid la cuno oo wanaagsan, qaarkeedna laga dhigo, dawo, saabbuun, khal, nacnac, xabko, asal iyo ranji, cadar udgoon, waxyaalo qaraxda, kd.; geedku bal taagan oo caleemo dheerdheer iyo sabuul iniino badan oo sarac sarac ahi ku yaalliin buu lee yahay; arabbikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
galley
/gaali/ (n) jikada markabka
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galley
-da: (n) maize (meeys); corn (koon) ~ gallay, arab-bikhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galley
-da: (magac, dhedig, keli) midho sida masaggada loo beerto oo ka baxda meelaha biyaha badan leh oo xasiid la dubto leh. Dh: arabakhi, arabikhi, garraax, bokolli.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JALLEL
[JILEL, JELEL] Cassia truncata 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuleyl
-ka: (magac, lab, keli) wax aan qaboobayn Dh: kul, kulayl. Li: qabaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malley
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan biyaha ku nool oo jaadad badan leh oo ka neefsada waafyo. Cad wanaagsan weeyee cuna malleyga. Dh: kalluun, mallaay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Valley
Dooxo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
valley
/vaali/ (n) tog (waadi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
valley
n., bohol, -shi, dooxo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allaylee
e.d la-mid: allaylehe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Allaylee
inter. honestly speaking, in truth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
allaylee
(adv) surely (shuur li); certainly ~ runtii, wallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaylee
eray macnihiisu yahay 'Alle ayaa i leh' oo la yidhaahdo kolka la hubinayo in waxa dhacay ay sidaa ku habboonaayeen. Dh: Allaylehe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Allaylee
de: honestly speaking, in truth
lx: Allaylee
ps: intj
xe: Honestly, I would like to come back. Lit: I belong to God
xv: Arabic
key: Allaylee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falleydh
-ka: (magac, lab, keli) qayb ama badh. Falleydh weyn oo loox ah aya ka soo go'ay aqalka. Dh: fallidh, falladh, qayb, falleyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naalleyn
m.f.dh eeg naallee. la-mid: naallood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallaylo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan weynayn marka wax kale loo eego. Caammir waa sallaylo ee anaa haatan caymadiye. Dh: salleello.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alifley
m.dh.u 1. Carruur dugsi ku jirta oo alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alifley
m.dh.u 1. Carruur dugsi ku jirta oo alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alifley
-da: (magacwadareed) ardayda yaryar ee weli alifba'da dhigata; carruurta quraanbarashada markaas uun lagu daray. Ardayda madrasadda dhigataa, alifley bay u badan tahay. Li: kitaablay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allaale
Kasta; walba; alla; (sida qof allaale qofkii...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allaale
s. la-mid: alla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
allaale
s. Kasta, walba. Mar allaale markii: mar kasta. la-mid: alla.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Allaale
name-m belonging to Allah. Cf: Rabbiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaale
magac loo bixiyo wiil aabbihii dhintay markuu dhashay xoolana looga tegin ama fooshii hooyadii ku le'an gaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaale
eray magacyada kaga dabakarma gadaal oo ay ulajeeddadiisu tahay: kasta. Wax allaale wixii aad doonto i weyddii. Dh: kaste, walba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.