allan-goleed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALLAN-GOLEED
(Alanguled) S, May Thylachium thomasii Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laan-cigaleed
(Laan-cigaleed-da)
1. Qalab waayadii hore lagu dagaallami jirey oo dhagaxa lagu tuuri jirey.
2.* Qalab jaadkaas u eg oo dayuuradaha kaca haya, siiba kuwa maraakiibta dushooda ka kaca haya, anbabbixiya oo xoog xiimiya u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laan-cigaleed
f. n. catapult
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-bireed
Qalab lagu qallaco birta la jarayo, soofaynayo, la kala dillaacinayo, godayo, laabayo iwm.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-tibeed
Looxqallaca kan ugu dheer uguna culus ee loogu isticmaalo looxda badan ee laysku qallacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangelid
m.f.dh la-mid: ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid axdi la gelid oo wax kula ballamid. Dad isku kalsoon ayay ballangeliddu ku fiican tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAYO-GOLEED
(Hanyo-goleed) S Rinorea elliptica (Oliv) Kuntze.?
S Vepris eugeniifolia (Engl) Verdoorn. Rutaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-GOLEED
(Ged-goled) S Landolphia sp. Apocynaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilma-galeen
-ka: (n) uterus (yuutaras)-, womb (wuum) ~ min-ka, rixim-ka, makaanka, ilmaside
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin-duleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: “Injirta”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin-gudeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tusaale: “Gooryaan mullaax”.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CALEEN-DOOLEEY
(Alendolei) C, S Coccina grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
C Kedrostis gijef (J. F. Gmel.) Jeffrey. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluungoomeed
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka ku nool shacaabiga badda. Kalluungoomeed bad laga waayey waa koran kurus laga waayey.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ASSAL-BOONEED
(Asal-boned) N Trichilia emetica Vahl. Meliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALAN-BAALEEY
(Balanbalei) S Dipcadi sp. Liliaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilmacalooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed. ilmooley m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluungareed
-ka: (magac, lab, keli) mallayga daaqa shacaabiga ee ku nool. Dh: kalluungoomeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laancigaaleed
m.dh Qalab waayihii hore lagu dagaalami jirey oo inta dhagax la geliyo laga tuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laancigaaleed
-ka: (magac, lab, keli) qalab waayadii hore lagu dagaallami jiray oo dhagaxa lagu tuuri jiray. Hub cusub ayaa laancigaaleedkii beddeley. Dh: manjaniiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallaadh-cireed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaltan maalmeed
Turno diurno
Day shift
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallax-barafeed
m.l (juqraafi) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.