allacaabudid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allacaabudid
m.dh la-mid: ilaahcaabudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allacaabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay amarradiisa fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allacaabud
m.l la-mid: ilaahcaabud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allacaabud
-ka: (magac, lab, keli) amarradaa Ilaahay u hogaansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaahcaabudid
m.dh (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. la-mid: allacaabudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaahcaabudid
m.dh (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. la-mid: allacaabudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilaahcaabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Alle u hoggaansamid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawl abaabulid
Organizzazione di lavoro
Organization of work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo daboolkii, si laba'aabudh ah oo farsamaysan, u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulid
m.f.dh eeg abaabul². la-mid: abaabul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulid
-da: (magac, dhedig, keli) qabanqaabada hawl ujeeddo leh oo soo socota. Dh: qabanqaabo. abaabulis -ta: (magac, dhedig, keli) qabanqaabada iyo ururinta dad iyo duunyo lagu fulinayo qorshe ujeeddooyin leh. Dh: abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amaamudid
(Amaamudid-da)
Alkumid; unkid; abuurid; curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaamudid
m.f.dh eeg amaamud². la-mid: amaamud¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaamudid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub; asaasidda wax aan hore u jirin. Amaamudidda taladeenna, asaaskii arooskeenna. Dh: curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye oo la tago. Dh: dhuyaalid, dalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallacaad
(Dallacaad-da)
Darajada oo kororta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacaad
m.dh Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallacaad
m.dh Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallacaad
f. n. promotion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallacaad
-da: (n) promotion (pramowshan); raise (reeyz); commission (kommishan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacaad
-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid. Dh: dallacid.
dallacaad -da: (magac, dhedig, keli) wax sare y qaaditaan. Dallacaad buu u baahanyahay gaarigu.
dallacaad -da: (magac, dhedig, keli) badeecadda suuqa lagu gado kor u kiciddeeda. Dh: suugayn, sanuunadayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallacaad
de: promotion
lx: dallacaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dallacaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallaabid
(Hallaabid-da)
1. Xoolo ama alaabo aan la aqoon meel ay aadeen ama jiraan; baxsasho; lumid.
2. Waxyeello gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaabid
m.f.dh eeg hallow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama alaabo meel lagu ogaa ka waayid iyadoon sababta maqnaashana la garanayn. Dh: baadiyow, lumid, dhumid, waayid. Li: helid.
hallaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharribmid, xumaad, cilladaysasho, caddilmid, kharribnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jallaadid
(Jallaadid-da)
Jallaad ku rogid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadid
m.f.dh eeg jallaad². la-mid: jillaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadid
-da: (magac, dhedig, keli) buug, waraaq adag, harag ama maro dusha kaga samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadid
m.dh la-mid: nacaladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhihid; nacladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabid
(Tallaabid-da)
Meel (webi, waddo, kd.) babac uga gudbid, ka tallaabsasho, goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabid
m.f.dh eeg tallaab. la-mid: tillaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xuduud, waddo, tog iyo wixii la mid ah; dhinaca kale u gudbid. Dh: gudbid.
tallaabid-da: (magac, dhedig, keli) habka ay xooluhu isku rimiyaan. Dibigu saca wuu tallaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgudid
(Abaalgudid-da)
Abaalmarin; abaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalgudid
m.f.dh eeg abaalgud². la-mid: abaalgud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgudid
-da: (magac, dhedig, keli) samafal iyo abaal hore laguugu galay celintii. Abaalgudiddu waa karaamayn iyo sharfin. Dh: abaalmarin, abaalcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) Eebbe tuugid oo wax weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambaqaadid
m.f.dh eeg ambaqaad². la-mid: ambaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wax la mid ah oo meel maraysey, halkii ka sii jaanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbaqaadid
(Anbaqaadid-da)
Meel ka qaadid, ka bilaabid, ka wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaadid
(Andaqaadid-da)
Arrin lagu heshiiyey wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda, qaadasho; eed qaadid; xil xanbaarid; isu qoolid; shaf u tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
andaqaadid
m.f.dh eeg andaqaad². la-mid: andaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
andaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg andaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqaadid
m.f.dh eeg calaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudid
m.dh la-mid: gamaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halladaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax baylahin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halladaadi
v. neglect, leave unguarded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadi
(fal) dayac oo ha daryeelin. Dh: baylihi, daranyee. Li: ilaali, daryeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halladaadi
de: neglect, leave unguarded
lx: halladaadi
pd: (halladaadiyey)
ps: v2a=tr
key: halladaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islayaabid
(Islayaabid-da)
Gefka iyo xumaanta qof falayo, kol danbe, garasho iyo ka xishood isku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaakufid
-da: (magac, dhedig, keli) mashaqo ist dabajooga ah oo kaa taagroon. Kacaakufid bay ku dallacday in badan oo ardayda ka mid ahí. Dh: daalaadhacid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadid
(Laxaamadid-da)
Laxaamad iskula dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadid
m.f.dh eeg laxaamad².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laxaamadid
Saldatura
To weld
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) biro kala jabnaa, isku kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magacaabid
(Magacaabid-da)
Qof ama wax kale magaciisa ugu yeerid, sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacaabid
m.f.dh eeg magacow². la-mid: magacow¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacaabid
vl. n. nomination, appointment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magacaabid
-da: (n) nomination (noomaneeyshan); appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xil ama boos shaqo oo bannaan cid u dhiibid; u xilsaarid. Magacaygu liiskii magacaabidda wasiirrada ayuu ku soo baxay. Dh: magacaabis. Li: casilid.
magacaabid-da: (magac, dhedig, keli) magaciisa ugu yeedhid. Dh: magacdhebid, magacaabis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacaabid
de: nomination, appointment
lx: magacaabid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: magacaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamudid
m.f.dh eeg qamaamud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halladaadin
(Halladaadin-ta)
Baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halladaadin
m.f.dh eeg halladaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si u la kas ah xoolo u baylihin. Dh: baylihin, halladaadis. Li: baylahtirid, ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halladaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaahcaabud
m.l.kh (dii.) I. ah: qof Ilaah ka baqa oo cibaado badan. la-mid: allacaabud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaahcaabud
m.l.kh (dii.) I. ah: qof Ilaah ka baqa oo cibaado badan. la-mid: allacaabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaahcaabud
m. n., [abstract] devotedness, piousness, dutifulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilaahcaabud
-ka: (magac, lab, keli) mid Alle u hoggaansan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaahcaabud
bw: Arabic
de: devotedness, piousness, dutifulness
lx: ilaahcaabud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: ilaahcaabud
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magaacaabid
Nomina
Appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naflacaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu badbaado u cararid. Naflacararid ayuu webi ugu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalabbiqid
m.f.dh eeg alaalabbaq². la-mid: alaalabbaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalabbiqid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo aragaggax qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allabbariyid
m.f.dh eeg allabbari². la-mid: allabbari¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanqaadid
(Ballanqaadid-da)
Wax lagu heshiiyey ama lays faray fulinteed, ballankeed gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanqaadid
m.f.dh eeg ballanqaad². la-mid: ballangelid, ballanqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ballanqaadid ah in la fuliyo wax la go'aansaday ama lagu heshiiyey, Ballanqaadis maka haysaa inuu bixinayo baahada? Dh: ballangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo daboolkii, si laba'aabudh ah oo farsamaysan, u buuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaanqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey ama la isku raacay fulinteed; u ballanqaadis cid si aad ugu fuliso waxa ay tabanayso ama doonayso ciddaasi. Dh: ballangelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laba'aabburid
(Laba'aabburid-da)
Si laba'aabbur ah, u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburid
m.f.dh eeg laba'aabbur². la-mid: laba'aabbur¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laba'aabudhid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magacaabid-da
nomination.