ereyga

aleelatuur

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleelatuur

DHAN
1

aleelatuur¹: m.l Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.

2

aleelatuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Aleel ku faalin (haween).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aleelatuur

DHAN

m.l Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleelatuurid

DHAFAN

m.f.dh eeg aleelatuur².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

calculateur

DHAFANDHAAF

calculateur, n.m. et adj. - Kumbuyuutar; qalab sida maskaxda biniaadamka loogu adeegsado (fikir).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) shey lagu qurxiyey aleel badda laga soo saaray; aleel lagu taxay. Sati wada aleelan bay ayeeyaday haysataa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhagaax yaryar oo badda laga soo guro wax na lagu qurxiyo. Dh: aleel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aleelayn

DHAFANDHAAF
1

(Aleelayn-ta)

2

Aleel ku samayn, qurxin darteed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleelayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg aleelee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) aleel ku qurxin; aleel ku kor samayn. Aleelaynta weelashu waa farshaxan ay Soomaalidu hidde u leedahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg aleelayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ceelduur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xoolo ceelkii u qooljeexay oo aaday goor habeennimo ah oo aan war laga hayn. Dh: ceelhoomay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Neeftuur

DHAFANDHAAF
1

(Neeftuur-ka)

2

Neef, si degdeg ah oo xoog badan oo shanqari weheliso, sanbabbada loo geeyo oo looga soo saaro; hinraag; neefkudis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neeftuur

DHAFANDHAAF
1

neeftuur¹: m.l Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. la-mid: neefgur¹.

2

neeftuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. la-mid: neefgur².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

neeftuur

DHAFANDHAAF
1

neeftuur¹: m.l Neef xooggan oo ka soo baxda nafley xiiqday. la-mid: neefgur.

2

neeftuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. m.f.dh, neeftuurid. la-mid: neefgur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

neeftuur

DHAFANDHAAF

v., [compound] pant, breathe heavily, gasp

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

neeftuur

DHAFANDHAAF

-ay/tay: (v) gasp for breath; gasp (gaasp); pant (paant); catch breath ~ hafto

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

neeftuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hiinraag neeftu guranto oo daal ama cillad kale ku yimaad. Dh: hiinraag, neefkuddis, hindhaadhir

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

neeftuur

DHAFANDHAAF
1

de: pant, breathe heavily, gasp

2

lx: neeftuur

3

nt: neeftuur (ka) [vn2-m]

4

pd: (neeftuuray)

5

ps: v1=cmp

6

key: neeftuur

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aleelaale

DHAFANDHAAF
1

(Aleelaala-ha)

2

Jaadadka dibqallooca mid ka mid ah, oo aad u weynaada, oo xubnaha dabada iyo oogada qaarkeed midabyo ku yeesha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleelaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

aleelaale

DHAFANDHAAF

m. n. large scorpion species

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) jaad dibqallooca mid ka mid ah oo aad u weynaada. Dabada iyo oogada ayuu xubno midabyo leh ku yeeshaa. Aleelaaluhu waa cayayaan sun badan oo halis ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

aleelaale

DHAFANDHAAF
1

cf: dibqallooc

2

de: large scorpion sp.

3

lx: aleelaale

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m

6

key: aleelaale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

beenabuur

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) forgery (foorjari); falsification, something fraudulent ~ foorjari

2

beenabuur: -ay / tay: (v) counterfeit (kaawnterfit); fabricate, falsify, forge, make up, phony ~ beensamayn

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

élévateur

DHAFANDHAAF

élévateur, n.m. - wax lagu qaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleelaysan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aleel loo yeelay ahaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aleelaysan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) weel iyo wax la mid ah oo aleel lagu qurxiyay ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhexkatuur

DHAFANDHAAF

m.dh Derin, harrar iyo wixi lamida oo aqal Soomaaliga dusha laga saaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caleemasaar

DHAFANDHAAF
1

caleemasaar¹: m.l U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. la-mid: caleemasaarid.

2

caleemasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. la-mid: caleensaar².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caleemasaar

DHAFANDHAAF
1

caleemasaar¹: m.l U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto.

2

caleemasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. m.f.dh, caleemasaarid. la-mid: caleensaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caleemasaar

DHAFANDHAAF

v. crown (of a king) with a garland of leaves and flowers

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

caleemasaar

DHAFANDHAAF
1

-ay / tay: (v) inaugurate (i-nooga-reeyt); crown (karown)

2

caleemasaar -ka: (n) inauguration (i-nooga-reey-shin)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caleemasaar

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caleemo iyo ubax si gaar ah u tidcan oo qofka la boqrayo ama xil qaran loo dhiibayo qoorta loo geliyo. Dh: ubaxsaar, caleemasaarid, caanashub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caleemasaar

DHAFANDHAAF
1

a: caleensaar

2

de: crown (of a king) with a garland of leaves and flowers

3

lx: caleemasaar

4

pd: (caleemasaaray)

5

ps: v1=tr

6

key: caleemasaar

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

caleemasaar

DHAFANDHAAF

تكليل، تتويج

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

haleela-rin

DHAFANDHAAF

m.l Hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haleelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hawl kansho u haysasho. Dh: jaanis, haleel, firaaqo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qariskatuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof naftiihallig ah. Dh: jariskatuur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waraabatuur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhagax gacan buuxis ah oo wax lagu aan'i karo. Wuxu ku dakhray dhagax waraabatuur ah. Dh: gacan buuxsi

waa la naqliyay ✓