aleeggadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggadid
m.f.dh eeg aleegad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegadid
-da: (magac, dhedig, keli) cod wanaagsan ku orin oo luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleeggad
(Aleeggad-ka)
Heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggad
aleeggad¹: m.l Luuq macaanoo haweenku hees hawleedka ku qaadaan.
aleeggad²: f.mg1 (-day, -dday) Hees hawleed luuq macaan ku qaadid (haween).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleeggad
v. sing, hum
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleeggad
de: sing, hum
lx: aleeggad
pd: (aleeggaday)
ps: v1=
key: aleeggad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegad
(fal) cod iyo or macaan ku luuqay.
aleegad -ka: (magac, lab, keli) cod miisaaman oo taxan, quruxina ku ladhan tahay ku heesid; farxad la rayrayntu dhawaaqyo kala duwan oo ay keento. Or iyo aleegad baa dhinacaa bari ka soo baxaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caneeqaadid
m.dh la-mid: qaneeqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleewaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaneecaadid
m.f.dh eeg qaneecaad². la-mid: caneeqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecaadid
-da: (magac, dhedig, keli) faa'ideysi waxtarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegad
-ka: (magac, lab, keli) hawlqabsad qofku si gaar ah naftiisa wax ugu taro. Dh: shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegid
m.dh eeg adeeg².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adeegid
Prestazione
To render a service
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlqabasho cid kale wax loogu taro. Adeegidda dadka waaweyn Ilaah baa loogu dhowaadaa. Dh: adeegis, xoojin, midiidimid, qabbaanid, shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegsad
(Adeegsad-ka)
Hawl cid ku qabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegsad
m.f.dh la-mid: adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegsad
-ka: (magac, lab, keli) hawlgelinta qof ama wax loo isticmaalo waxtar ka soo noqda. Dh: adeegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaad
-ka: (magac, lab, keli) dhagaax yaryar oo badda laga soo guro wax na lagu qurxiyo. Dh: aleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaadid
(Eedaadid-da)
1. Silic iyo saxariir mudasho.
2. Xanuun la taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaadid
m.f.dh eeg eedaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad hore u fashay u dhibtood; cidhibta waxaad fashay eedid. Dh: eedis.
eedaadid -da: (magac, dhedig, keli) silic iyo saxariir mudasho. Dh: silcid, saxariirid, rafaadid. Li: rayn, badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeggani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heegganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Legdamid
(Legdamid-da)
Legdan isugu bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
legdamid
m.f.dh eeg legdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
legdamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof, legdan isugu bixid; legdamid ciyaarid oo kolba qof dhinaca dhulka u dhigid. Dh: ledgamid, legdemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libgadid
m.f.dh eeg libgad². la-mid: libgad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maleegid
(Maleegid-da)
1. Soohid; samayn; falkin.
2. (arrin xun, dhagar) si qarsoon u dhisid, u sababayn, u falkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegid
m.f.dh eeg maleeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhax ama dun miiqyadeeda isku marmarid oo wax duuban oo isku curjisan ka dhigid. Xadhigga maleegidiisu dhib ma leh. Dh: maleegis.
maleegid -da: (magac, dhedig, keli) qurshayn oo khuddo wax lagu hagardaamaynayo dhigid. Maleegidda shirqoolka way u dhannaayeen. Dh: dubbaridid, habayn. Li: fashilin.
maleegid -da: (magac, dhedig, keli) heegan ka dhigid oo dagaal u diyaarin. Maleegidda ciidanka siidhi qudha ayaa ku filan. Dh: diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akeekamid
(Akeekamid-da)
Hadal akeekan ah, ku hadlid; muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akeekamid
m.f.dh eeg akeekan². la-mid: akeekan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akeekanid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal akeekan ah ku hadlid; asaraartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceegaagid
(Ceegaagid-da)
(biyo, kd.) warnaan; afka hayn; buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegaagid
m.f.dh eeg ceegaag². la-mid: ceegaag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegaagid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, wadhnaan oo buuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feegaarid
m.f.dh eeg feegaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dersi buug ama loox laguugu dhigay, dib u qorid si aad farta u baratid.
feegaarid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn, wax u qorqorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgaadid
(Halgaadid-da)
Wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadid
m.f.dh eeg halgaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waran, dhagax iyo wixii la mid ah, ku tuurid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maleegmid
m.f.dh eeg maleegan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleegmid
-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meecaadid
(Meecaadid-da)
Waxtar iyo lihiin danbe oo loo aayo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meecaadid
m.f.dh eeg meecaad³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meecaadid
-da: (magac, dhedig, keli) xilli meecaad galid waana wakhtiga idaha laga reebo sumalka. meecaadid -da: (magac, dhedig, keli) waxtar iyo lihiin dambe oo loo aayo yeelasho. Dh: aayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meegaarid
(Meegaarid-da)
Wax meegaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) maageer samayn; liin, deyr iyo wixii la mid ah wereejin oo wax maageersan ka dhigid.
meegaarid da: (magac, lab, keli) xaydaan ku wareejin dhinacyada ka xidhid. Dh: wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teegaarid
m.dh la-mid: taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin. Dh: waageerid, meegaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeeftamid
m.f.dh eeg afeeftan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeeftamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay suurgal tahay in uu dhaco, hadal afeef ah, kala sii hortagid. Afeeftamid buu hadalkiisa ku bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensaarid
m.dh la-mid: caleemasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleensaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof la dooranaayo ama la boqraayo ku caanashubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtamid
(Jalbeebtamid-da)
Jalbeeb isweydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtamid
m.f.dh eeg jalbeebtan². la-mid: jalbeebtan¹(2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mareegaxidh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alleggerire
v.tr. - fududayn, sahlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul laga. qaado dadkii lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeshamid
m.dh la-mid: delooshamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeshamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dalooshamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadid
m.f.dh eeg galoofaad². la-mid: galoofaadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegaxidh
-ka: (magac, lab, keli) xidhxidhidda ama diyaarinta mareegta maqasha lagu xidhxidho. Mareegaxidhka anu ma aqaane Ceebla' u dhiiba. Dh: mareegxidhid.
mareegaxidh -ka: (magac, lab, keli) halka mareegta lagu xidho. Mareegaxidhkii wuu qoyaye maqasha geedka geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexqadid
m.f.dh eeg saddexqad².
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wareeg adke
Solid of revolution
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleemasaarid
m.f.dh eeg caleemasaar². la-mid: caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleemasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) caleemasaar samayn.