ereyga

aldhihaydh

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aldhihaydh

DHAN

m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aldhihaydh

DHAN

m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haydhhaydh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) waxa meel fog laga arko oo aan si fiican u muuqan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baldhiidh

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) deegaan barwaaqo ah. Buurta Dhay waa baldhiidh. Dh: cosob. Li: abaar.

2

baldhiidh: (tilmaame) wax aad u badan oo si fudud lagu heli karo. Caanihii way jabeen oo waa baldhiidh. Dh: ceeryoon, ceegaag. Li: naadir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

galdhiidh

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) aad u dhooqoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saldhigad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) saldhigasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baydhbaydh

DHAFANDHAAF
1

(fal) leexleexo oo kolba dhan u baydh. Markaad cararayso baydhbaydh.

2

baydhbaydh -ka: (magac, lab, keli) ninka fulaha iyo geesiga u dhexeeya. Fule wuu baxaa laakiin baydhbaydh ma baxo.

3

baydhbaydh-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u leexadka iyo weecweecasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saydhsaydh

DHAFANDHAAF

(fal) daadaadi oo bulqaas.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waadhiwaadhi

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ah sida ay u socdaan carruurta la qudaa. Waadhiwaadhida daa oo saani u soco. Dh: waadhwaadhsi.

2

waadhiwaadhi -da: (magac, dhedig, keli) xilli barwaaqo la yahay. Dh: bashbash, berisamaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saldhigasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fadhiisasho; sal dhigasho; saldhigad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Jldhida dhexe

DHAFANDHAAF

Maquis

waa la naqliyay ✓