albis
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albis
Alps
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbis
(Galbis-ka)
Gelbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbis
galbis¹: m.l la-mid: galbin.
galbis²: m.l Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galbis
vl. n. wedding procession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbis
-ka: (magac, lab, keli) dad aroos ah, gurigeyn oo hoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galbis
a: gelbis
de: wedding procession
lx: galbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahbis
m.l la-mid: abhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg abhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg alyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambin.

anbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ambin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Alps
Albis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUG-BUKO
(Bucbucco) S Rhyncosia albissima Gand. Papilionaceae.
S Rhyncosia malacophylla (Spreng.) Boj. Papilionaceae.
S Indigofera arrecta A. Rich. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talbiis
(fal) sibidhka gidaarka la dhac oo mari.
talbiis-ta: (magac, dhedig, keli) sibidh iyo niis isku laaqan oo qoyan marka guriga la dhisayo lala dhaco oo dhagaxa ama jaajuurka laga sarraysiiyo. Dh: fargaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababis
m.l la-mid: ababid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababis
-ka: (magac, lab, keli) canug ama neef yar, sida wax loo cuno baris.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albeit
/oolbiit/ (conj) hase ahaatee; inkastoo. e.g. There is still a chance, albeit a very small one.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Albino
Midab maqaar shiiqsane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
albino
/albayno/albinos; (adj) xayawaan ama qof kulligiis wada cad. e.g. an albino bird.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
albino
/albiino/ (n) qof amy hooly korky dhong ku ed amy dhoghortiyo eddy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbis
(Babbis-ka)
Qalab inta badan, caw midabyo badan laga tidco oo daab leh, oo dabka lagu belbeliyo ama kolkii la kululaado laysku babbiyo; wixii dabaysha kiciya oo xiisad u yeela oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbis
m.l (-yo, m.dh) 1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo. 2. la-mid: babbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbis
m.l (-yo, m.dh) 1. Qalab sida badan caw laga sameeyo oo wax lagu babbiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbis
m. n. fan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbis
-ka: (n) fan (faan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbis
-ka: (magac, lab, keli) qalabka wax lagu hufkiyo sida dabka ama la isku balfiyo.
babbis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg babbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbis
de: fan
lx: babbis
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: marawaxad
key: babbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfis
balfis: m.l la-mid: balfin.
bąlfis: m.l la-mid: bąlfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balfis
-ka: (magac, lab, keli) balfin ama hawaysiin. Balfiska bariis kulul waa lama huraan. Dh: babbis, hufkis.
balfis -ka: (magac, lab, keli) balfin ku samayn, si dadab ah u leexis, balfis bay ahayd fallaadhii faraha goysay. Dh: dalfis,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg balqin.
balqis -ka: (magac, lab, keli) kolka neef shinkiisa dhalmadu buuxsamo ee sibiishu dabacdo qaskuna hoos u go'o. Sacu wuu dhowyahay balse balqis kama muuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwis
-ka: (magac, lab, keli) reen dibiga qooqan ama sac oomani sameeyo. Dh: bunnaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxis
-ka: (magac, lab, keli) geela oo laga haqab tiro ceel dhane ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbis
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, afka ku qaadsho oo dabadeed na ligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwis
m.l Wadaan aad u weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. la-mid: carbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbis
vl. n. exercise, maneuver, drill, training; jogging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbis
de: exercise, maneuver, drill, training; jogging
lx: carbis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: carbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbis
m.l la-mid: dabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbid
m.f.dh eeg dalab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbid
-da: (magac, dhedig, keli) doonitaanka wax aad rabtid. Dh: rabid, codsad, weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falkis
(Falkis-ka)
Falkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkis
m.l la-mid: falkin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falkis
vl. n. mat-making, braiding ~ weaving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falkis
-ka: (magac, lab, keli) eeg falkin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falkis
de: mat-making, braiding ~ weaving
lx: falkis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: falkis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallis
(Fallis-ka)
Fallisid; haweys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallis
fallis¹: m.l 1. Tartan lagu tartamo qiimakordhin, badeeco la naadinayo. 2. la-mid: fallisid.
fallis²: f.g1 (-say, -stay) Ku f.: badeeco la naadinayo qiime la gaarsiiyey wax ku kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fallis
fallis¹: m.l Tartan lagu tartamo qiimakordhin, badeeco la naadinayo.
fallis²: f.g1 (-say, -stay) Ku f.: badeeco la naadinayo qiime la gaarsiiyey wax ku kordhin. m.f.dh, fallisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fallis
v. outbid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fallis
name-f to outbid, outbidding; outscoring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallis
-ay / tay: (v) bid higher than; outbid (awt-biidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallis
(fal) haawey oo inta uu sheegay qiimo ka sarreeya sheeg.
fallis-ka: (magac, lab, keli) shey la iibinayo oo qiimihiisa la naadinayo, inta uu la soo bandhigay in ka sarraysa sheegid. Fallisku waa ku xaaraan diinta islaamka. Dh: fallisid, haweys.
fallis-ka: (magac, lab, keli) caydhoobid, kicid. Xisaabxumadu fallis bay keentaa. Dh: faramadhni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fallis
de: outbid
lx: fallis
nt: fallis (ka) [vn2a-m]
pd: (fallisay)
ps: v1=
key: fallis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabis
(Gaabis-ka)
1. Aan orod badan lahayn.
2. Gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabis
m. n. one who cannot run fast
gaabis vl. n. act of shortening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabis
(fal) «soo ~» war ama cashir soo ururi, soo yaree oo inta nuxurka ah ama dulucda iyo ujeeddada ah ka soo qaad. Dh: koob.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) hawl qabashadeeda ka gaabin.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) orad ama socod gaabin.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax dheer in ka jaris, badh ka goys.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax sare u joogay oo taagnaa, hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbis
(Gabbis-ka)
Gabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbis
m.l la-mid: gabbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbis
vl. n. act of dodging
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbis
de: act of dodging
lx: gabbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gabbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbin
(Galbin-ta)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis¹, gelbin, gelbis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis, gelbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbin
-ta: (n) the act of escorting or accompanying the bride and groom, to show honor ~ galbis, gurigayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aroos ah gurigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxis
-ka: (magac, lab, keli) xeelad looga cabo ceeldixeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambis
m.l la-mid: gembiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbis
(Garbis-ka)
Garbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbis
m.l la-mid: garbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbis
vl. n. act of shouldering, shoving with one's shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, garabka ku dhufasho ama ku riixid. Dh: garbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbis
de: act of shouldering, shoving with one's shoulder
lx: garbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: garbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelbis
(Gelbis-ka)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelbis
m.l la-mid: galbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbis
-ka: (magac, lab, keli) shey wax la raacinayo ama cid lagu darayo siiba muquunasiin ah. Waa iga gelbis faraskaasi oo xeradayda ku soo noqon maayo.
gelbis -ka: (magac, lab, keli) sii sabootin cid la ixtiraamayo la sii raaco. Caawa waa gelbiskii arooska ee aan tegno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbis
(Habbis-ka)
Habbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbis
m.l la-mid: habbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbis
vl. n. pressure, pressing down, act of weighing down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg habbin.
habbis -ka: (magac, lab, keli) roob in door ah da'a oo aan dabayl iyo xoog toona lahayn. Dh: tumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbis
de: pressure, pressing down, act of weighing down
lx: habbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcis
m.l la-mid: halcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwis
m.l Miro qolof ka saarid. la-mid: halwin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halwid.
halwis -ka: (magac, lab, keli) midho qolof ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbis
m.l la-mid: harbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg harbin. hardaf: (fal) orod qaabka hardafka ah, orod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybis
m.l la-mid: haybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalfis
(Jalfis-ka)
Kolka la socona hayo oo lug lugta kale lagu dhufto; jalwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfis
m.l la-mid: jalfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfis
-ka: (magac, lab, keli) miinada dadka ee dhulka la dhigo. Dh: banbo.
jalfis-ka: (magac, lab, keli) qoomaha aanqawyada gaadha ee balfis isugu garaacidda girgirrada jaamahu u geystaan. Jalfiska iyo qonofkii waxaan jag iska siinaayey, jiljilladiyo seedaha waxaan jaa'ifo u geystey.
jalfis -ka: (magac, lab, keli) ciidanka intiisa gaadiidka aan wadan ee dhulka socota. Dh: lug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalgis
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan si fiican loo fahmi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalwis
m.l la-mid: jalwin.