albaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Albaab
(Albaab-ka)
Dhis laga sameeyey qori, bir,, oo marinka irridaha guryaha iyo wixii la mid ah faseexado lagula qabto oo la xiro, oo la furo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaab
albaab¹: m.l (-bbo/-byo m.dh) Bir, loox iyo wixi lamida oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.
albaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
albaab
m.l (-bbo/-byo m.dh) Bir, loox iyo wixi lamida oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
albaab
m. n. door
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
albaab
-ka : (n) door (dhoor) ~ irid. Ex: albaabka ku xiga; the next door
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albaab
-ka: (magac, lab, keli) meesha laga galo lagana baxo guriga. Albaabka furihiisii wuu lumay. Dh: kidin, kadin, irrid, afaaf. Wa: albaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
albaab
bw: Arabic
de: door
lx: albaab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: albaab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
albaab
باب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbaab
-ka: (magac, lab, keli) maro ay haweenku ku asturaan jidhkooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaab
abaab¹: m.l la-mid: abaabid; abab¹; ababid.
abaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: abab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaab
v. scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaab
(fal) wax meel ku daadsan, xaab oo ururso. Magaalada waxa ku soo badatay carruur abaabaysa maqaayadaha. Dh: haag, unuunuf, xaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaab
de: scatter on; crawl, creep, move along by creeping; walk (as reptile ~ insect)
lx: abaab
pd: (abaabay)
ps: v1=
key: abaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alaab
(Alaab-ta)
Qalabka wax lagu qabsado; alaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaab
m.dh.u 1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iyo wixi lamida. la-mid: alaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaab
m.dh.u 1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iyo wixi lamida. la-mid: alaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alaab
f. n., [collective] objects, articles, items, things, stuff, equipment, supplies, material; luggage, baggage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alaab
-ta: (n) things (thingis); material (metiiryel); stuff (istaaf) ~ qalab, sheyaal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Alaab
Materiale
Material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaab
-ta: (magac, dhedig, keli) xamaan isku jaad ah ama kala duwan. Alaab culus ayuu baabuurku sidaa. Dh: agab, agaabo, saabaan. Wa: alaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alaab
de: objects, articles, items, things, stuff, equipment, supplies, material; luggage, baggage
lx: alaab
pd: (-ta)
ps: n1-f-col, n2-f
key: alaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albab
-ka: (magac, lab, keli) kolay yar oo ay dumarku wax ku ritaan. Alaabtan iga kala daadsan albab aan ku rito ii keen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbaab
-ka: (magac, lab, keli) qof cid gadhwadeen u ah. Dh: abbaan.
arbaab -ka: (magac, lab, keli) qof cid kale wakiil ka ah. Waxa Berbera ii jooga arbaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asbaab
m.dh.w eeg sabab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asbaab
m. n., pl. causes, reasons, sakes, motives
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asbaab
-ta: (n) [plural of sabab] reasons (riisonis); the bases or motives for an action, decisions, or convictions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asbaab
bw: Arabic
de: causes, reasons, sakes, motives
lx: asbaab
pd: (-ha Sg: sabab)
ps: n8-m-pl
key: asbaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaqan
(albaab...) aan xirnayn; wada furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaqnaan
(Ballaqnaan-ta)
(albaab...) wada furnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balliqid
(Balliqid-da)
(albaab) wada furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashiic
(Bashiic-a)
In yar dabool ka qaad; (albaab, kd.) furid yar ee aan wah laga siin, (ama bishiic).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashiicin
(Bashiicin-ta)
Albaab ama wax la mid ah oo xiran, furid yar ee aan wah laga siin, furid (ama bishiicin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daah
(Daah-a)
1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.
2. Dib u dhac; raagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faseexad
(Faseexad-da)
Biro xalxalleefsan oo isasuran oo leh daldaloollo qodbo laga geliyo; waxaa layskula dhejiyaa alaabada la furo oo la xiro siiba qalbacyada albaabbada, khalfadaha, santuukhyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fatuurad
(Fatuurad-da)
Baabuur yar oo gudaha ku leh kuraas iyo barkimooyin jilicsan oo lagu fariisto, dhinacyadana albaabbo muraayado leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furid
(Furid-da)
1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.
2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.
3. Wax guntan kala bixin.
4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.
5. (guur) qof la qabo sii dayn.
6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.
7. Wax raran rarka ka dhigid.
8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illin
1. (Illin-ka) Meesha furan oo guryaha, qolalka, xeryaha, kd. laga galo; irrid; albaab.
2. (Illin-ta) Biyaha indhaha; ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadin
(Kadin-ka)
1. Xero ama guri meesha furan oo laga galo; irrid; illin; albaab.
2. Xero muggeed oo geel ama lo' ah; xero; illin; fadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaliid
(Qaliid-ka)
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebbed
1. (Tebbed-da) Weel saanta xoolaha laga sameeyo (badanaa tan geela) oo subagga lagu shubto.
2. (Tebbed-ka) Qori albaabkii la doonayo inaan la furin lagu xiro; qataar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xatabad
(Xatabad-da)
Qoriga ama dhiska dhagaxa ah oo albaab labadiisa qalbac hoos ka haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirid
(Xirid-da)
1. Wax la adkaynayo xarig ama wax la mid ah, ku qabasho, ku guntid, ku adkayn.
2. Xabsi gelin, xarig ku xukumid.
3. (albaab, santuukh, jid, bad, kd.) wax aan furrayn, aan ballaqnayn, aan la mari karin, ... ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabnaan
m.f.dh eeg albaaban. la-mid: albaabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabnaansho
m.l/dh la-mid: albaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwaax
m.l/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la albaabay noqosho (irrid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabid
m.f.dh eeg albaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» meel, wax kale ku awdid; ka horgeyn. Ku albaaba taladiinna, xikmaddii la soo tuuray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaab
(fal) dalkaaga ka tag oo dal shisheeye tag. Dh: dhuyaal, dalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaab
dambaab¹: m.l la-mid: dembaab¹.
dambaab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: dembaab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambaab
v. sin; make an error; transgress Islamic law
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambaab
-ay / tay: (v) 1. commit a sin (sin); trespass (tares-pas); act in violation of Islamic law ~ danbaab, dembaab 2. lie (laay); depart from the truth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaab
(fal) denbi iyo qalad geyso.
dambaab -ka: (magac, lab, keli) qaynuunka iyo sharciga ku xadgudbid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambaab
a: dembaab
bw: Arabic
de: sin; make an error; transgress Islamic law
lx: dambaab
pd: (dambaabay)
ps: v1=intr
key: dambaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbaab
° (Danbaab-ka)
Denbi; gaboodfal; gef.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbaab
m. n. crime, sin
danbaab v. commit a crime ~ sin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbaab
-ay / tay: (v) 1. commit a sin (sin); trespass (tares-pas); act in violation of Islamic law ~ dambaab, dembaab 2. lie (laay); depart from the truth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbaab
(fal) wax Eebbe kaa reebay ama kaa xarrimay samee. Dh: gaboodfal, denbaab.
danbaab -ka: (magac, lab, keli) wax Eebbe kaa reebay ama kaa xarrimay samayntii. Dh: gaboodfalid, denbaab, dambaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkaab
m.l (naxwe) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falkaab
m.l (naxwe) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: 'soo', 'sii', 'wada', iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falkaab
m. n., [compound] adverb {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falkaab
-ka: (n) [Grammer] adverb (adhveerb) ~ falgargare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falkaab
-ka: (magac, lab, keli) naxwe ahaan, qayb ka mid ah qaybaha hadalka oo falka weedha wax ka sii sheegta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falkaab
de: adverb {grammar}
lx: falkaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: falkaab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallaab
inch. v. be lost; get ruined ~ damaged
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallaab
-ay / hallowday: (v) 1. fail to function or operate; break down (bareek dhaawn). 2. become lost; stray (istareey) ~ hallow, habaab, halloob
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallaab
a: hallaw
de: be lost; get ruined ~ damaged
lx: hallaab
pd: (hallaabay)
ps: v1=inch
see: hallow
key: hallaab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kallaab
v., [compound] go around; avoid (an obstacle, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kallaab
de: go around; avoid (an obstacle, etc.)
lx: kallaab
pd: (kallaabtay)
ps: v1=cmp
key: kallaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaab
-ka: (magac, lab, keli) afdhuubyaalaynta geelu badanaa sameeyo galabtii ama marka xerada lagu soo wado ee uu dheregsanyahay. Dh: durduro, afdhuublayn, addaandurro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaab
f.mg1 (-bay, -btay) Meel dhanka kale uga gudbid. la-mid: tillaab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tallaab
f.mg1 (-bay, -btay) Meel dhanka kale uga gudbid. m.f.dh, tallaabid. la-mid: tillaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tallaab
v. cross (a river); by pass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaab
-ay/tay: (v) [with proposition ka] cross (ka-roos); cross over. Ex: xuduudkuu ka tallaabay; he crossed over the border ~ tillaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaab
(fal) meel ka gudub oo dhinac kale u gudub. Tallaab oo xuduudda dhaaf.
tallaab: (fal) dibi, sac oofi oo kud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tallaab
de: cross (a river); by pass Alt sp: tallaw
initial: t
lx: tallaab
pd: (tallaabay)
ps: v1=tr
key: tallaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abab
abab¹: m.l Ubad xoolaad oo daaq barad ah. la-mid: abaab¹, ababid.
abab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iyo wixi lamida ku barbaarin. la-mid: abaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iyo wixi lamida ku barbaarin. m.f.dh, ababid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abab
v. learn something during childhood; grow up learning; be reared in
abab vl. n. training of young animals to graze (associated with weaning); initial learning of infants to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abab
(fal) 'neef dhashay' wax cunista baro.
abab -ka: (magac, lab, keli) daaqbarashada neef yar. Neefkan caatada ah ababkii ayaa ka xumaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alab
(Alab-ka)
Ged; caado; falaad; sha'ni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alab
m.l Ged; caado; dabci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alab
n. custom, mannerism, usage, practice
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alab
de: custom, mannerism, usage, practice
lx: alab
pd: (-ka)
ps: n -m
key: alab
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alba
s.f. - waaberi, aroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baab
m.l (-bab, m.l) 1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah. 3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tusaale: Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baab
m. n. type, kind; topic; chapter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baab
-ka: n) phase (feeyzf aspect; one of b o or more opposing sets of opinions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baab
(fal) fal ku akhri, sixir u qabo. Nin Banaadir joogoo, Beledweyn la haystoo, waxaan ahay la baabee. Dh: sixir.
baab -ka: (magac, lab, keli) fal qofka lagu sameeyo oo wax u dhima maskaxdiisa. Ninkii baab dhigaa isagana balaayaa u taal. Dh: Sixir, qataar, girigiri.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybta ama badh hadal ah oo ka kooban sadar ama sadarro. Aan baab tusaale ah, ku bilaabe hadalkee, bismilaahi waa kow.
baab -ka: (magac, lab, keli) jaad turubka ah; afarta jaad ee turubka midkood. Dheeman iyo isbigmid kastaa waa baab.
baab -ka: (magac, lab, keli) qaybaha kitaab ama buug ka kooban yahay, qayb is ku hal ujeeddo ka hadlaysa. Dh: cutub, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baab
bw: Arabic
de: type, kind; topic; chapter
lx: baab
pd: (-ka Pl: baabab)
ps: n4-m
key: baab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laab
1. (Laab-ka) a) Maro ama waraaq ama wax kale oo la isku soo rogo, la isku soo laabo. b) isku-soo-laabkaasi raadka uu reebo. c) Meel weecsan oo dhuuban oo hareeraha ay ka xigaan geedo ama buuro ama guryo; luuq. d) Wax la laabay oo gudo wax la gelin karo loo yeelay; jeeb; gol.
2. (Laab-ta) a) Oogada qaarkeeda kore, inta u dhexaysa surka iyo bogga; soojeedka saabka iyo feeraha; gaaddo; xabad; shaf. b) Kartida wax lagu garto; garaad; fiiro; caqli, qalbi; kal; xirgi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laab
laab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq.
laab²: m.l (-bab, m.l) (jooloji) Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
laab³: m.dh 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
laab⁴: f.g1 (-bay, -btay) Maro, bir, warqad iyo wixi lamida dacalladeeda isku soo celin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laab
laab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq.
laab²: m.l (-bab, m.l) (jool.) Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
laab³: m.dh 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
laab: f.g1 (-bay, -btay) Maro, bir, warqad iyo wixi lamida dacalladeeda isku soo celin. m.f.dh, laabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laab
Fold
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laab
v. curve, bend, fold
laab m. n. fold; pocket; corner, angle
laab [feminine] n. chest, breast
laab [feminine] n., [abstract] inner thought ~ emotions, 'heart', understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laab
-ka: (n) 1. bending (beending); fold (fooldh); curvature (keervajur); incurvation (in-keerveeyshin). 2. angle (an-gel) ~ laabad
laab -ay / tay: (v) 1. bend (beendh); angle (an gel) ; make a curved or angular shape. 2. fold (fooldh) ~ laalaab
laab -ta: (n) heart (haart); breast (bareesf) ~ xabad-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laab
(fal) gogol iyo wixii la mid ah, laab oo isku hagaaji. Dh: laalaab, laablaab. Li: fidi, ballaadhi.
laab: (fal) (isku ~) wax kala baacsan ama kala fidsan labadiisa cidhif isku keen; wax fidsan, dhexda ka jebi oo isku soo rog. Bustahaaga isku laab.
laab: (fal) (soo ~) wax kala fidsanaa ama baacsanaa, afkiisa hore soo celi.
laab -ka: (magac, lab, keli) meel weecsan oo dhuuban oo hareeraha ay ka xigaan geedo ama buuro ama guryo. Laabka intaanad gaadhin xaawaaraha gaadhiga hoos u dhig. Dh: gol, luuq.
laab -ka: (magac, lab, keli) raadka godan ee ay laabistu ku samayso waxa la isku laabo. Saamuhu laabka uumbay ugu dambayn ka dillaacaan, Dh: laabi.
laab-ka: (magac, lab, keli) wax la laabay oo gudo wax la gelin karo loo yeelay. Dh: jeeb, gol.
laab -ta: (magac, dhedig, keli) niyadda iyo garaadka wax lagu garto. Laabi labo u la'. Dh: kal, qalbi, xirgi.
laab -ta: (magac, dhedig, keli) saableyda qarqarka sare ee labada garab iyo caloosha iyo kalxamaha u dhaxaysa ee ay naasuhu ku yaalliin. Dh: bog. gaaddo, shaf, sakaar, xabbad.
laab-ta: (magac, dhedig, keli) maro ama waraaq la isku soo rogo ama la isku soo laabo.