alamsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u ligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsiin
m.f.dh eeg fahamsii. la-mid: fahamsiis, fahansiin, fahansiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u macnayn, illaa uu dhab u garanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiin
m.f.dh eeg jalaysii. la-mid: jalayn, jalaysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiin
m.dh la-mid: ąammiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) erey ducada laga daba yidhaahdo oo la macno ah: Allaw baryada naga aqbal. Allebariga iyo aammiintu waa labo ekoonayde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsi
m.l la-mid: alamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsi
-ga: (magac, lab, keli) hore u liqligid iyo cunis boob ah oo foolxun. Alamsi, aayar cun baa ka habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadsiin
m.dh la-mid: aaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale in ay tegto ama socoto, sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąammiin
m.dh Erey la yiraahdo marka la duceysto kaddib, oo ujeeddadiisu tahay in Ilaah aqbalo ducada. la-mid: ąamiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammiin
ąammiin: m.dh Erey la yiraahdo marka la duceysto kaddib, oo ujeeddadiisu tahay in Ilaah aqbalo ducada. la-mid: ąamiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammiin
f. n.; inter. amen; so be it, may it be so!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammiin
-ta: (n) amen (ee man); used at the end of a prayer to beg for acceptance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammiin
bw: Arabic
de: amen; [intj] so be it, may it be so!
lx: aammiin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: aammiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsiin
m.dh la-mid: liqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la cuno ama la cabo liqsiin. Dh: dhunjisiin, liqsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, amar farid. Amarsiinta badani ma fiicna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamsii
(fal) (ka ~) wax la cuno afka dhakhso u dhex geli. Afka ku dalamsii muuska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamsiin
m.l (juqraafi) (Carabi) Dabayl koonfurlayda kulul oo qallalan oo ka dhacda masar, waxay la xiriirta sirookada woqooyiga Afrika.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamsiin
m.l (juqraafi) (Carabi) Dabayl koonfurlayda kulul oo qallalan oo ka dhacda masar, waxay la xiriirta sirookada woqooyiga Afrika.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khamsiin
Khamsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladsiin
m.f.dh la-mid: alaladin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaladsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taah iyo reen ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsiin
m.dh eeg dallacsii. la-mid: dallacsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) darajo sare siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlaysiin
m.f.dh eeg kadlaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras orod kadle ah orodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talaammiin
(Talaammiin-ta)
1. Dadweynaha aan birta tumi aqoon; aan tumaallo ahayn.
2. Aan macallin ahayn; ardo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaammiin
m.dh Dadka inta aan birta tumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talaammiin
f. n., [collective] population without the knowledge of iron; ignorant ~ primitive people; students
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaammiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dadweynaha aan birta tumi aqoon; aan tumaallo ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talaammiin
de: population without the knowledge of iron; [ext.] ignorant ~ primitive people; [fig.] students
initial: t
lx: talaammiin
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: talaammiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale hadalka u diidid.
aammusiin -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale. oohinta ka joojin. Saddex waxan bartay goor aan ka gaboobay dab ololintii, awr carraabintood iyo ubad aammusiintood. Li: hadalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsiin
m.dh la-mid: abaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaba'ay ka dhigid ama goofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalixin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaadid ama tuugo aan waxba laga tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbalsiin
m.f.dh eeg aqbalsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ay diiddan tahay yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysiin
m.f.dh la-mid: asqaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqaysiin
m.dh eeg asqaysii. la-mid: aqsaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka badnaan tiro ahaan. Bataysiin ma laha tayo ma ogiyi. Dh: qarqin, hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsiis
m.l la-mid: fahansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansiin
m.dh la-mid: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo wax ka daahnaayeen, garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakarsiin
m.dh la-mid: fekersiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, in uu fikiro, sabab u noqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Falastiin
pr. n., loc. Palestine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Falastiin
-ta: (n) Palestine (pal-es-taayn)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Falastiin
de: Palestine
lx: Falastiin
pd: (-ta)
ps: n0-loc-f
key: Falastiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansiin
vl. n. helping, giving someone a hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, gargaarid ama kaalmayn. Dh: caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansiin
de: helping, giving s.o. a hand
lx: gacansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gacansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gama'siin
m.dh eeg gama'sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gama'siin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, seexin ama hurdo u horseedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsiin
m.f.dh eeg garabsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeridda iyo caawinta cid kale. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiin
m.f.dh eeg garansii. la-mid: garansiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansiin
vl. n. reminding, convincing, warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax fahansiin oo ka raaridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansiin
de: reminding, convincing, warning
lx: garansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsiin
m.f.dh eeg hadalsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illawsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax hore loo arkay ama loo mqalay hilmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysiin
m.f.dh eeg jahaysii. la-mid: jihaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiis
m.l la-mid: jalaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaasiin
m. n. warehouse, storage room, magazine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaasiin
de: warehouse, storage room, magazine
lx: magaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhaar {Eng}
key: magaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacsiin
m.dh Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magacsiin
m.dh Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku sharfin oo ku ammaanid; waxa inta badan loo isticmaalaa qof aan wax uun qaban lagu ammaano. Magacsiin magac laguma yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaayiin
m.dh.w eeg malyuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaayiin
num, pl. millions; any very large number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaayiin
-ta: (n) millions (mil-yanis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaayiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tirooyin aad u badan oo lambar ahaan loo garanayn oo qiyaastii malyan ka badan. Malaayiin muslimiin ah ayaa sannad walba xajka guta. Dh: malyanno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaayiin
bw: Arabic
de: millions; [ext.] any very large number Sg: malyuun
lx: malaayiin
pd: (-ta)
ps: num-f-pl
key: malaayiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaasiin
m.l (-nno/maqaasiin, m.dh) Baqaar. la-mid: makhaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaasiin
m. n. warehouse, depot, storehouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaasiin
-ka: (n) magazine (maaga-ziin)-, storehouse ~ makhsin, makhaasiin, bakhaar, maqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaasiin
a: makhaasiin
bw: Arabic
de: warehouse, depot, storehouse
lx: maqaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqalsiin
m.dh la-mid: maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maqashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsiin
m.f.dh eeg maragsii. la-mid: maragsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tusid oo dhacdo jirta sida ay u dhacayso qof markhaati uga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadsiin
(Nabadsiin-ta)
Nabad dhex dhigid; heshiisiin; nabadayn.