alamsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsi
m.l la-mid: alamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsi
-ga: (magac, lab, keli) hore u liqligid iyo cunis boob ah oo foolxun. Alamsi, aayar cun baa ka habboon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walamsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalamsi
-ga: (magac, lab, keli) cunto si isdaba joog ah oon laga dhergeyn u cunid. Yalamsi badanaa ma bisad hilib loo dhigaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamso
f.g3 (-saday, -satay) Si degdeg ah wax u liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamso
(fal) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u liq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamti
-da: (magac, dhedig, keli) diirka sare ee aalaha hadhuudhka laga diiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsasho
m.f.dh eeg alamso. la-mid: alamsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u ligid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamsii
(fal) (ka ~) wax la cuno afka dhakhso u dhex geli. Afka ku dalamsii muuska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamabi
-da: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo waliimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsad
-ka: (magac, lab, keli) cunto, kolba in weyn dhakhso u liqliqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg Allaysad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alzarsi
v. rifl. kicid, toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsi
m.l la-mid: balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsi
-ga: (magac, lab, keli) kala fidsasho oo wax ballaadhan ka dhigasho. Balacsiga gogoshaada waad kartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsi
m.l la-mid: balaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dareere carrabka ku dhuuq: carrabka wax ku balaqsasho. Dh: dhabaqsi.
balaqsi -ga: (magac, lab, keli) si laalaadsi ah oo aan miisaannayn, wax u qaadis. Buur igala culus neefkaad balaqsanaysaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsi
m.l la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsi
-ga: (magac, lab, keli) wax afka gelin oo calalin. Dh: calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'si
m.l la-mid: dala'sasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dala'si
-ga: (magac, lab, keli) marka aad qof yaraysanaysid qiimaha uu leeyay. Li: tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsi
m.l la-mid: falkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsi
(Halabsi-ga)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsi
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsi
-ga: (magac, lab, keli) faras iyo wixii la mid ah, rakaab la'aan fuul.
halabsi-ga: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsi oo gaadhitaankiisa isku dayid. Safarka halabsi ku gaadhi maysid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsi
m.l la-mid: halacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halacsi
-ga: (magac, lab, keli) deymo; eegmo; isha la raacid. Dh: mildhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsi
m.l la-mid: jalafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaysi
-ga: (magac, lab, keli) moogaysi; meertaysi; kaltan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg lalansad. lalanso: (fal) laadlaadso oo dusha ha saaran. Dh: laadlaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsi
(Malabsi-ga)
Malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba meel wax ka cunid. Malafsi ayaad ku nooshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysi
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalammi
(Qalammi-ga)
Shiraac yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalammi
m.l Shiraac yar. la-mid: qalami¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalammi
m. n. small sail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalammi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalami.
qalammi -ga: (magac, lab, keli) shiraac yar. Qalammi darka u dul dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalammi
cf: shiraac
de: small sail
lx: qalammi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: qalammi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysi
m.l la-mid: qalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walacsi
(Walacsi-ga)
Wax qof la tuso ama loo soo baxsho, si uu u moodo in la siinayo, dabadeedna laga ceshado; mihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsi
m.l la-mid: walacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walacsi
vl. n. tantalizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg walacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walacsi
de: tantalizing
initial: w
lx: walacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
see: walacso
key: walacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamso
(fal) si aabayeel la'aan ah wax u cun; xisaab la'aan wax aad cunayso u dudubi. Looska walamso oo yaanay calooshu ku xanuunin. Dh: qalamso, halbidho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yalamso
(fal) cunto si isdaba joog ah u cun; is daba joog u jalamso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alam
(ereycodeed) tilmaamaya liqista wax weyn iyo hungurixumo. Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siinaynin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alas
/alaas/ (inter) haaday (calaamad ama wax cadeynaya murugo, walwal ama shallayto). e.g. There is, alas, a shortage of food in this area.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almi
f.g2 (-iyay, -isay) Kuul, silis iyo wixi lamida qoor ku xirid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almi
(fal) qardhaasaha iyo wixii la mid ah xidho ama baro sida loo dhigo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
alms
n., sadaqad, -di; give alms, sadaqaday, sadaqad sii, ku sadaqaday; give and ask for
alms, v.r., sadaqadayso; sadaqo! cry of poor people when asking for alms.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adami
m.l Nafley ugaarsiga ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adami
-ga: (magac, lab, keli) nafley ugaadhsiga inta kale ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alali
(fal) geel kallihi, si uu ugu arooro ceel fog. Aroorta geela alaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amami
(fal) qof yar sida wax loo cuno ama loo cabbo bar. Ilmaha intuu yaryahay caanaha ku amami. Dh: ababi.
amami: -ga: (magac, lab, keli) adhi daabax ah; inta qalliinka loo gado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arami
-da: (n) pain or distress; suffering (safering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arami
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qarsoon oo ay fallaadh ama jug hore sabab u tahay; nabar waayo hore kugu dhacay oo soo kacdoomay. Dh: eelo, doog.
arami-da: (magac, dhedig, keli) lahan qarsoon oo cudur ama wax hore oo la soo maray ay reebeen; wax waxyeelladiisu dib u soo bixi karto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arami
cf: lahan
de: suffering (from wound, sickness etc.)
lx: arami
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2-m/f, n7-m/f
key: arami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsi
-ga: (magac, lab, keli) agab urursi; qalab diyaarsi. Weli aqalkii uma wareegine agabsi uun baan ku jirnaa. Dh: agab'urursi.
agabsi-ga: (magac, lab, keli) waxtar ka doonis; ku ciirsasho; ku eerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid agagse siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agamse
-ha: (magac, lab, keli) geed qodax leh oo inta badan cagaar ah. Waa geed isasudhan oo aan la dhex mari karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsi
m.l la-mid: ajarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarsi
-ga: (magac, lab, keli) samafalid, iyada oo ajar Ilaahay laga doonayo.
ajarsi -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) cid kale, dar Alle wax u sii.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Alarms
Qaylo, digniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloosi
-ga: (magac, lab, keli) ku talagal qorsha cusub. Aloosi guur ayaa la hayay. Dh: qabaqaabo, haloosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasi
araasi¹: m.l Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. la-mid: insaarax¹.
araasi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Sac markaa dhalay meeshi uu dhashiisa ku ogaa aadid isagoo orod iyo ci' sameynaya. la-mid: insaarax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arammi
m.l/dh Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga taggi karin oo lagamamaarmaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalami
(Qalami-da)
Bahal yar oo dhinac daayeerka uga eg (cagaha, dabada) dhinacna dawacada (wejiga, dhegaha), oo indho waaweyn; geedatiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalami
qalami¹: m.l la-mid: qalammi.
qalami²: m.dh Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalami
f. n. lemur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalami
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daayeerka ka mid ah oo geedafuulka iyo booddada ku caan ah. Beerta xayawaanka qalami baa joogta. Dh: geedatiris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalami
de: lemur
lx: qalami
pd: (-da)
ps: n-f
key: qalami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamsi
m.l la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raamsad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alarmist
/alarmist/alarmists;(n) qofkii ama wixii digniin been ah bixiya. e.g. It is not good to be an alarmist.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaadsi
m.l la-mid: awlaadsasho.