alalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalid
m.f.dh eeg alal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalid
-da: (magac, dhedig, keli) arooridda geela ee meel fog oo aroorta hore la kallihiyo.
alalid -da: (magac, dhedig, keli) taah iyo jibaad; cod dheer oo la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salalid
(Salalid-da)
Si naxdin iyo argaggax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid: (ama selelid.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalid
m.f.dh eeg salal². la-mid: selelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dulsabbayn; dul heehaabid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) aad u boodid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) si naxdin iyo argagax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid. Dh: selelid, sasid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) jaho garanwaa ku dhaca ruuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talalid
(Talalid-da)
Jibaadid; madaarid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talalid
m.f.dh eeg talal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alali
(fal) geel kallihi, si uu ugu arooro ceel fog. Aroorta geela alaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalid
(Lalid-da)
Hawada dhexdeeda marid; duulid; bidid; heehaabid; buubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalid
m.f.dh eeg lal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawada dhexdeeda marid. Dh: duulid, bidid, haadid, heehaabid, lalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajalid
m.f.dh eeg ajal². la-mid: ajal¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajalid
vl. n. act of killing; death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajalid
-da: (magac, dhedig, keli) geeri u keenid; wedkiisa sabab u noqosho. Dh: makalid, dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajalid
de: act of killing; death
lx: ajalid
pd: (-da)
ps: vn0-f
key: ajalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alalad
(Alalad-ka)
1. Riyo; dhadhab.
2. Qaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalad
alalad¹: m.l 1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. la-mid: alaladid.
alalad²: f.mg1 (-day, -dday) Qarwid; dhadhabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alalad
m. n. dream, nightmare; delirium; talking in one's sleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alalad
-ay: (v) have a nightmare (naaytmeer); a dream of intense fear and honor ~ qarow, hawaawi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalad
(fal) taah oo xanuun dartii, reen.
alalad -ka: (magac, lab, keli) hawaawiga hurdada dhexdeeda.
alalad-ka: (magac, lab, keli) taah iyo reen uu qofka buka, xanuun ka soo saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alalad
cf: dhadhab, hawaawi, riyo
de: dream, nightmare; delirium; talking in one's sleep
lx: alalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: alalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalin
-ta: (magac, dhdig, keli) kallihinta geela ama guurintiisa, si uu ugu arooro meel fog. Alalinta geelu waa hawl qoofilka iyo nirguhu ba ku daalaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alal
f.mg1 (-alay, -ashay) Xanuun la taahid. m.f.dh, alalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alalid. al'aloos -ka: (magac, lab, keli) abaabulka koox ama reer lagu qalqaalinayo arrin. Inta badan waxa loo adeegsadaa abaabulka dagaal. Al'alooska reeraha aad ka dhex waddiin joojiya. Dh: abaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahid
-da: (magac, dhedig, keli) alallida; jibaadida; cod gaaban ka soo bixida qofka buka uu ku dhawaaqo. Ri'du way taahaysaa. Dh: alalid, taahis, talalida, aadaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalid
m.f.dh eeg balbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalid
-da: (magac, dhedig, keli) olol bixin oo shidmid. Dh: belelid.
balbalid -da: meel ama wax kale, hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldalid
(Daldalid-da)
1. Gurgurid; diqdiqayn.
2. () Deldelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalid
m.f.dh eeg daldal². la-mid: daldal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąldalid
m.f.dh eeg dąldal². la-mid: dąldal¹, daldalaad, deldel¹, deldelaad, deldelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhulka daadsan gurgurid. Dh: diqdiqayn
daldalid-da: (magac, dhedig, keli) hadal farabbadan oo aan kala joogsi lahayn wadid. Dh: dhurmid, daldalan.
daldalid-da: (magac, dhedig, keli) cunto si nasasho aan lahayn u cunid. Daldalidda cuntada haku saxan.
daldalid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo laadlaadin. Dh: deldelid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daldalid
شنق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallalid
m.f.dh eeg dallal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalid
m.dh la-mid: dhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalalid
(Faalalid-da)
(geedo, kd.) dhulka korkiisa, sida qaraha, ugu ballaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalalid
m.f.dh eeg faalal². la-mid: faalal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinacyada u kala bixid; hareeraha ka ballaadhsamid. Geedkan faalalidda u diid. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalid
(Falfalid-da)
1. (hilib) Garowkaris ka dhigid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalid
m.f.dh eeg falfal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib biyo oo keli ah ku karin.
falfalid -da: (magac, dhedig, keli) falid ama sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxlalid
m.f.dh eeg maxlal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qallalid
(Qallalid-da)
Wax qallalan noqosho; engegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallalid
m.f.dh eeg qallal². la-mid: qallal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalid
-da: (magac, dhedig, keli) qombobid oo isku dhegid. Saanta gallalidda ka ilaali oo dhis.
qallalid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan qoyanayn oo engegan noqosho. Bustaha qallalid ayaan u wadhay. Dh: engegid. Li: qoyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalid
m.dh la-mid: khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalid
m.f.dh eeg qawlal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salsalid
(Salsalid-da)
1. Heesta awrta lagu raro, ku heesid, qaadid.
2. Sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salsalid
m.f.dh eeg salasal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalid
-da: (magac, dhedig, keli) awr la rarayo, hees salsal ah u qaadid.
salsalid-da: (magac, dhedig, keli) sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walqalid
(Walqalid-da)
Walqal samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walqalid
m.f.dh eeg walqal². la-mid: waqlalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walqalid
-da: (magac, dhedig, keli) waqlal u samayn; ka wanqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalid
m.f.dh eeg walwal². la-mid: warwarid, welwelid, werwerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwalid
-da: (magac, dhedig, keli) walaac iyo caloolyaw nafta ku abuurid oo wax soo socda sida uu noqon doona ka uurkutaalloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqlalid
m.dh la-mid: walqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalxalid
(Xalxalid-da)
Xalxal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalxalid
m.f.dh eeg xalxal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalid
-da: (magac, dhedig, keli) xalxal yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflaxid
-da: (magac, dhedig, keli) wax barasho iyo wax la mid ah, guul laga gaadhay. Dh: aflaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka a.: cid alal ka keenid. la-mid: alaladsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxamid
m.f.dh eeg alxan². la-mid: alxan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxamid
-da: (n) welding (welding); soldering (soodering); brazing (bareyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dhalaalinta biraha iyada oo la adeegsanayo kulayl xoog weyn. Dh: laxaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqbalid
(Aqbalid-da)
Wax lays faray ama laysu soo jeediyey oggolaansho; yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbalid
m.f.dh eeg aqbaal². la-mid: aqbal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama la isu soo jeediyey oggollaansho; arrin ama talo laguu soo jeediyey yeelid. Aqblidda aabbaha ayuu meherku ku xidhan yahay. Dh: oggolaansho, hoggaansamid, yeelid. Li: diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax balalooday ka dhigid. Saca balalinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqid
m.f.dh eeg balaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqid
-da: (magac, dhedig, keli) furid albaabka si weyn loo furo oo waxa gudaha ku jira aad loo muujiyo. Dh: ballaqid, furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalin
(Calalin-ta)
(cunno, kd.) ilkaha ku googgoyn oo ku jilcin, si liqiddu u fududaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalin
m.f.dh eeg calali. la-mid: calalis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan dareere ahayn, ilkaha ku googoyn oo ku jilcin, si sibqinta iyo liqiddu ba u fududaadaan. Dh: calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalis
(Calalis-ka)
Cunnada inteeda la calaliyo (hilib, badar, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalis
m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. la-mid: calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalis
m. n. solid food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalis
cf: caysh, cunno, dheef
de: solid food
lx: calalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: calalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawalid
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid dhaqaale oo walaalnimo ku jirto. Dh: halaanhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladid
-ka: (magac, lab, keli) kala yaaca ku dhaca labo birlabood oo isku astaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makalid
(Makalid-da)
Waxyeello gaarsiin; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalid
m.f.dh eeg makal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool nafta ka goyn. Naf Ilaahay uumay makaliddeedu waa dambi weyn. Dh: dilid, qudhgoyn, makelid, makalis, kambalid. Li: noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalid
m.f.dh eeg masal². la-mid: masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.