alabbasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasid
m.f.dh eeg alabbas². la-mid: alabbas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alabbasid
-da: (magac, dhedig, keli) baxsasho iyo firxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbarid
(Kalabbarid-da)
1. Bar iyo bar ka dhigid; labo qaybood oo is le'eg ka dhigid.
2. Bar keliya qabasho ama buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarid
m.f.dh eeg kalabbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbas
alabbas¹: m.l 1. Orod aan caadi ahayn oo baqdini ku jirto. 2. la-mid: alabbasid.
alabbas²: f.mg1 (-say, -stay) Orod aan caadi ahayn oo baqdin ku jirto samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alabbas
(fal) baxso oo cagaha wax ka day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisid
(Labbisid-da)
Labbis u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisid
m.f.dh eeg labbis². la-mid: lebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale labbis u xidhid. Li: qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabbarid
m.f.dh eeg agabbar². la-mid: agabbarid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabbarid
-da: (magac, dhedig, keli) laylyid cid aan hore u tababbarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarmid
m.f.dh eeg kalabbaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbayrid
(Kalabbayrid-da)
Kala leexasho; kala weecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbabbaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg salbabbaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qalab shaqo loogu baahan yahay urursigii. Dh: alaabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbaslee
f.mg2 (-leeyey, -laysay) Alabbas sameyn (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balambalid
m.f.dh la-mid: balaambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balambalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan ku soo gaadhid. Dh: hoogid, hankaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbalid
(Balanbalid-da)
Hoogid; bi'id; luufluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbarid
m.f.dh eeg farabbar². la-mid: farabbar¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarabbarid
m.f.dh eeg jarabbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarabbarid
-da: (magac, dhedig, keli) laylyidda iyo tababbarka faras iyo wax la mid ah. Dh: layliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbixid
(Kalabbixid-da)
Kala tegid; kala furasho; kala go'id; kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixid
m.f.dh eeg kalabbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tababbarid
(Tababbarid-da)
Tabo aqooneed oo gaar ah barid; laylyid; carbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tababbarid
m.f.dh eeg tababbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbarid
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah barid. Dh: laylyid, carbin, tababbaris, jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araasid
-da: (magac, lab, keli) sac markaa dhalay meeshuu ku ogaa ilmihiisa tegid, isagoo cod iyo orod samaynaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaasid
-da: (n) the act of creating or founding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, yagleelid. Dh: aasaasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaasid
de: act of founding
lx: asaasid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: asaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburid
m.f.dh eeg aabbur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, dabool afka kaga adkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ka garbixinta eed laguu haystay. Walaal aarbixid ma ahee, uurxumo iskuma laha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagasid
-da: (magac, dhedig, keli) si liidnimo iyo daciifnimo ah wax ku doonid ama u doonid. Dh: saqajaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabid
m.f.dh eeg albaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» meel, wax kale ku awdid; ka horgeyn. Ku albaaba taladiinna, xikmaddii la soo tuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaqid
m.dh la-mid: dabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisad
(Labbisad-ka)
Labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisad
m.l la-mid: labbisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisad
-da: (magac, dhedig, keli) labbis qaadasho; labbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbixid
m.f.dh eeg labbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dibada soo dhigid.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof calmasho ama cugasho.
labbixid -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lebbisid
(Lebbisid-da)
Labbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebbisid
m.dh la-mid: labbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lebbisid
-da: (magac, dhedig, keli) «ucid kale lebbis u gelin; cid kale dhar u labbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaasid
m.f.dh eeg libaas².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasid
(Malaasid-da)
1. Malaas iyo dhoobo ku wada daboolid.
2. (gaadiidka dagaalka, qol, dhalo, ...) wax adag oo aan xabbadda iyo waxyaalaha qarxadaa karin, ku daboolid, ku qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasid
m.f.dh eeg malaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxin oo meel faaruq ah u diidid. Kubbaayadda shaaha ah malaasidda ka daa way bilgane. Dh: buuxin.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) dalool furan wada gufayn oo wada daboolid. Kaashka shimbiraha malaasidda ka daa oo daldalool u yeel. Dh: awdid, gufayn.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) duuduubid oo sida kubbadda goobo uga dhigid. Carruurtu malaasidda dhoobada way ka helaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabbasud
(fal) si fiican u fadhiiso; eray lagu yidhaabo hablaha oo ah si habboon oo urusan u fadhiiso. Cambaroy nabbasud. Dh: dhiidhiibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbacid
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabbacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakasid
-da: (magac, dhedig, keli) ula'kicid wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisid
(Xabbisid-da)
Xabbis gelin; xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisid
m.f.dh eeg xabbis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) jeel ku xidhid; xabsi gelin. Dh: xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yablasid
m.f.dh eeg yablas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yablasid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yablas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aabbadiid
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay, aabbihii dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg alaabaysad. alaabayso: (fal) aqal, xafiis ama wax kale, u alaab guro oo qalabayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allabbari
(Allabbari-ga)
Eebbe wax-ka-bari; Ilaah-bari; Rabbi-bari; Eebbe-tuug: duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allabbari
allabbari¹: m.l 1. Alle wax ka bari; ducaysi. 2. Cunto ay samayso cid ducaysanaysa. 3. allabbariyid.
allabbari²: f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) 1. Rabbi baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu ducaysanayo samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
allabbari
m.l 1. Alle wax ka bari; ducaysi. 2. Cunto ay samayso cid ducaysanaysa. 3. allabbariyid. la-mid: allebbari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
allabbari
m. n. ceremonial feast and prayers for a special occasion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
allabbari
cf: sab
de: ceremonial feast and prayers for a special occasion
lx: allabbari
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: allabbari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) joojin iyo candhasaabid. Cirkoo da'aya deegaan yarbaa lagu cabbaasaaye. Dh: joojin, gaagixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbisid
(Dhabbisid-da)
Sida qof soo jeeda oo qof hurda iska dhiga haya, isu nabid; u dhuumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbisid
m.f.dh eeg dhabbis². la-mid: dhabbis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) is nabid oo sidii wax hurda iska dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbisid
de: act of seeking privacy in order to sleep
lx: dhabbisid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhabbisid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaahbasid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jaahbas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbaasid
(Rabbaasid-da)
Boodboodid; faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaasid
m.f.dh eeg rabbaas². la-mid: rabbaas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) boodboodid oo farxad la rablayn. Rabbaasid bay ku jiraan siday guushu u raacday ba. Dh: faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allabbariyid
m.f.dh eeg allabbari². la-mid: allabbari¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbaslays
m.l la-mid: alabbasleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasleyn
m.f.dh eeg alabbaslee. la-mid: alabbaslays, alabbasmays, alabbasmeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasmays
m.l la-mid: alabbasleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbasmeyn
m.f.dh la-mid: alabbasleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaambalid
m.f.dh eeg balaambal. la-mid: balaambal¹, balambal¹, balambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaambalid
-da: (magac, dhedig, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan la kulmid. Wiilku balaambalid ayuu yaraantii soo dhammaystay. Dh: balambalid, balanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basanbaasid
(Basanbaasid-da)
Dhibaato badan ku dhicid; hoogid; bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basanbaasid
m.f.dh eeg basanbaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basanbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) silic iyo aad u dhibaatoobid la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawabbaryid
(Cawabbaryid-da)
Cawabbari helid; nabadgelyo ku baryid, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbaryid
m.f.dh eeg cawabbari². la-mid: cawabbari¹ (2), cawabbarin.