akhtar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhtar
m.l la-mid: akhdar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhtar
-ka: (magac, lab, keli) midabka cagaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhtar
(Takhtar-ka)
1. Qof cudurrada iyo dawooyinkooda bartay inuu wax ka qabtona idan u qaba.
2. Qof shahaado takhtarnimo haysta siiba kan ka soo baxay jaamacadda cilmiga dawada; (Ereygaan iyo waxaa isku mid ah ereyga doktor, haseyeeshee kan hore wuxuu u go'an yahay dawada, kan danbese qof kasta oo Jaamacad shahaado ka qaatay — laamaha cilmiga middood kasta — baa ahaan kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhtar
takhtar¹ m.l (takhtarro/takhaatiir, m.dh) Qof aqoon u leh cilmiga daaweynta. la-mid: dhakhtar.
takhtar²: f.g1 (takhtaray, takhtartay) Cid daawayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takhtar
m.l (-rro/-khaatiir, m.dh) Qof aqoon u leh cilmiga daaweynta. la-mid: dhakhtar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhtar
m. n. doctor, medical doctor
takhtar v. check (a patient up), treat medically
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Takhtar
nickname-m medical doctor; herbal doctor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takhtar
-ka: (n) doctor (dhak-tar); medical doctor; Doctor of Medicine (M.D); physician (fii-si-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhtar
-ka: (magac, lab, keli) qof cudurrada iyo daawooyinka bartay oo inuu wax ku qabtona idan u haysta. Samiira waa takhtar. Dh: dhakhtar.
takhtar -ka: (magac, lab, keli) rugta ay dadku iska daweeyaan ee takhtarradu joogaan. Dh: dhakhtarka, dogteerka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhdar
(Akhdar-ka)
Midabka caleemaha qoyan; cagaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhdar
m.l Cagaar. la-mid: akhtar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhdar
m. n., [abstract] green (color); greenness
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Akhdar
vert.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhdar
(tilmaame) wax midab cagaaran leh. Dh: cagaar, doog, dooge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhdar
bw: Arabic
de: green (color); greenness
lx: akhdar
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: cagaar
key: akhdar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doog
(tilmaame) wax cagaaran oo u eg doogga. Shaati doog ah buu soo gatay. Dh: akhtar.
doog -ga: (magac, lab, keli) daaq dhulka ka baxa marka roobku da'o oo xooluhu cunaan. Deegaanta roobkiyo, adaa doogna ka udgoon.
doog -ta: (magac, dhedig, keli) kacdoon nabar hore dhacay uu yeesho. Doogtii dakharkaa ku soo laba kaclaysay. Dh: eel, eelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogo
(fal) dhul, doog yeelo oo tigaad cusub bixi.
doogo: (fal) nabar, goco oo hoosta ka soo bukoo.
doogo -da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah oo sida doogga u eg. Shaati doogo ah iyo surwaaal bunni ah isku qaado. Dh: akhtar, cagaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaji
-da: (magac, dhedig, keli) madax duuban oo barbaridu bixiso oo iniinyuhu ku jiraan inta uu akhtarka yahay ee aanu weli casaan. Qaji kulul ayay cuntada ku dartay walaashay maanta. Dh: barbari.
qaji-da: (magac, dhedig, keli) baarka hore ee curdiga ah ee laamuhu marka ay roob helaan ay bixiyaan. Inta qajida ah laanta iiga soo goo. Dh: curdin, fadhaq, yurub. Li: gaalaw.
qaji -da: (magac, dhedig, keli) dullaha ama wadhfaha inta laadlaadda ee dhuuban ee darifka lagaga sameeyo. Dullaha qaji dheer u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakhtar
(Dhakhtar-ka)
Takhtar, doktoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakhtar
m.l la-mid: takhtar¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakhtar
m.l la-mid: takhtar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakhtar
m. n. doctor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakhtar
-ka: (n) doctor (dhak-tar); medical doctoi Doct >r of Medicine [M.D.]; physician (fi-si-shin) ~ takhtar, dhaqtar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakhtar
-ka: (magac, lab, keli) qof sida wax loo daweeyo yaqaan oo cilmiga caafimaadka wax ka bartay. Dh: digtoor, dhaqtar. Wa: dhakhaatiir.
dhakhtar -ka: (magac, lab, keli) meel wax lagu daaweeyo oo qalab iyo dad farsamo lihi joogaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakhtar
a: takhtar {Eng}
de: doctor
lx: dhakhtar
pd: (-ka Pl: dhakhaatiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: dhakhtar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhbaar
f. n., pl. news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhbaar
-ta: (n) information (infoor-meey-shin); news (niyuus) ~ war, macluumaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhbaar
-ta: (magacwadareed) war iyo wacaal la isku tebiyo. Suuqa dahabka ee dunida, akhbaar aan fiicnayn baa laga sheegayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhbaar
bw: Arabic
de: news Also plural of khabar ~ khabaar
lx: akhbaar
pd: (-ta)
ps: n1-f; n8-f-pl
key: akhbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhyaar
m.l Nin wax garad ah. la-mid: ikhyaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhyaar
m.l Nin wax garad ah. la-mid: ikhyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhyaar
m. n. distinguished person; notables
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhyaar
-ka: (n) 1. gentle person (jentel peerson); considerate and thoughtful person ~ ikhyaar. 2. freedom to choose; choice (jooys); option (op shen); free will ~ istikhyaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhyaar
-ka: (magac, lab, keli) qof waxgarad ah oo la xushmeeyo. Qaasim waa nin akhyaar ah.
akhyaar -ta: (magac, dhedig, keli) haweenka inta u waaweyn. Fadlan, haweenayda akhyaarta ah kursiga uga kac.
akhyaar -ta: (magacwadareed) dad ixtitiraam iyo qadarin mudan oo aad u wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhyaar
bw: Arabic
de: distinguished person; [pl] notables
lx: akhyaar
pd: (-ka Pl: akhyaar (ta))
ps: n5-m, n2-m
key: akhyaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakhaar
(Bakhaar-ka)
Makhsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhaar
m.l (-rro, m.dh) Maqaasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakhaar
m.l (-rro, m.dh) Maqaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bakhaar
m. n. store room, warehouse; magazine; larder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakhaar
-ka: (n) storage (istooreeyj); warehouse (weer haaws); magazine (maga siin); store (istoor); depot (dii pow); storehouse ~ maqaasiin, makhaasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhaar
-ka: (magac, lab, keli) meel raashinka iyo alaabooyinka kale lagu kaydsado; goob wax lagu kaydiyo. Bakhaarka raashinka baabuur qamadiya ka soo rar. Dh: macdaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bakhaar
de: store room, warehouse; magazine; larder
lx: bakhaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: magaasiin, makhsin
key: bakhaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhtad
(Takhtad-da)
Alwaax sida santuukha loo sameeyo oo alaabada jilicsan ama la dhoofinayo la geliyo oo dhawraarin looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhtad
m.dh (-do, m.l) Alwaax sida santuuqa u samaysan oo alaabta la dhoofinayo lagu rido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhtad
f. n. wooden container ~ box (for food, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takhtad
-da: (n) packing case; cardboard box; carton (kaar-ten); crate (kereyt) ~ takhdad, sanduuq, saxaarad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhtad
de: wooden container ~ box (for food, etc.)
initial: t
lx: takhtad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: takhtad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akar
m. n. acre
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akar
de: acre {Eng}
lx: akar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: akar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
atar
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah midhaha faasuuliyaha qaarkii ka baxa oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhas
e.d Erey la yiraahdo markii la arko ama la maqlo wax xun. la-mid: aqas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhas
inter. How disgusting!, Yuck!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhas
(interj) yuck (yak) ~ akh, aqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhas
akhas! eray dareen ah oo la yidhaahdo kolka wax aan habboonayn la arko ama la maqlo. Akhas! Waxay ku faanayaan in ay hantidii dalka boobeen! Dh: akh! aqas!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhas
de: How disgusting!, Yuck!
lx: akhas
ps: intj
see: aqas
key: akhas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhir
f.mg1 (-ray, -rtay) Waqti la rabay dib uga dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhir
f.mg1 (-ray, -rtay) Waqti la rabay dib uga dhicid. m.f.dh, akhirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhir
v. postpone, delay, cause to be late
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhir
(fal) in yar dib u dhig. Salaadka innoo akhira, wax yar baa hadhaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhir
de: postpone, delay, cause to be late
lx: akhir
pd: (akhiray)
ps: v1=
syn: baaji, dibdhig, raaji
key: akhir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
altar
n., masbax, -hi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Azhar
name-m clearer, more evident
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Azhaar
name-f flowers
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhar
dakhar¹: m.l la-mid: daqar¹.
dakhar²: f.g1 (-khray, -khartay) la-mid: daqar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dakhar
-ka: (n) head injury, bump (bamp) ~ jugta madaxa gaarta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakhar
(fal) nabar madaxa kaga dhufo.
dakhar -ka: (magac, lab, keli) nabarka madaxa ku dhaca. Dakhar baa igu yaalla ee magtaydii ii doona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatar
(Khatar-ka)
Wax waxyeello ama dhibaato kale ka iman karto; cabsi; halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatar
m.dh 1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khatar
m.dh 1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khatar
f. n./m (adj.): danger; dangerous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khatar
-ta: (n) 1. danger (dheenjar), risk (risk); jeopardy (jepardi); peril (peeral). 2. (adj) dangerous (dheen jaras); perilous (peeralas). Ex: nin khatar ah; a dangerous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama halis aadame ama wax kale soo gaadhi karta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khatar
bw: Arabic
de: danger; [atr.] dangerous
lx: khatar
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n2-f/m
key: khatar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhtiyaar
m. n. free will
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhtiyaar
-ka: (n) option (opshen); choice (/ooys); the act of choosing ~ ikhtiyaar, istikhyaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhtiyaar
bw: istikhyaar
de: free will
lx: akhtiyaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: ikhtiyaar
key: akhtiyaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhtar_1
a: dhakhtar
de: doctor, medical doctor
hm: 1
initial: t
lx: takhtar
pd: (-ka Pl: takhaatiir (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: takhtar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhtar_2
de: check (a patient up), treat medically
hm: 2
initial: t
lx: takhtar
pd: (takhtaray)
ps: v1=tr
key: takhtar_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhtarad
f. n. doctor (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takhtarad
-da: (n) female medical doctor; woman doctor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhtarad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo dhakhtar ah, oo baratay xanuunada iyo daawayntooda. Khadiija waa taktarad, dhinaca ciyaalka. Dh: dhakhtarad, dogteerad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhtarad
de: doctor (female)
initial: t
lx: takhtarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: takhtarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhtaran
La takhtaray; daweysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhtaran
f.g4 (-rnaa, -rnayd) Daawaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhtaran
der. [adjective] medically treated, under treatment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhtaran
de: medically treated, under treatment
initial: t
lx: takhtaran
pd: (takhtarnaa)
ps: adj-der
key: takhtaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhtarid
(Takhtarid-da)
Takhtar wax ka qabasho; daweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mukhtaar
name: Muktar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mukhtaar
name-m chosen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mukhtaar
de: Muktar
lx: Mukhtaar
ps: name-m
key: Mukhtaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhraar
(fal) «ku ~ ku tag; kala dhex geli. Dh: liqdaar, tikhraar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AAKHARO
(Agaro)
S Indigofera schimperii Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abitare
v. intr. - degid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
acheter
acheter, v. - iibsi; gadasho; gadid.
acheter qn, le corrompre - laaluush
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agitare
v.tr. - lulid, ruxid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aiutare
v.tr. - kaalmayn, gargaarid, taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhiran
akhiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax waqti la rabay dib uga dhacay noqosho.
akhiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax waqti la rabay dib uga dhacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhlaaq
m.dh Dabeecad, dhaqan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhlaaq
m.dh Dabeecad, dhaqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhlaaq
f. n. behavior, manners