akhriyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhriyid
(Akhriyid-da)
Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhriyid
m.f.dh eeg akhri. la-mid: akhrin, akhris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg akhris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriyin
-ta: (magac, dhedig, keli) aqriyidda wax hore loo qoray oo meel ku dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmayn
(Asmayn-ta)
Asmo ku akhriyid, ku ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aweytiyid
(Aweytiyid-da)
Aweyti ku akhriyid; habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duceyn
(Duceyn-ta)
Duco akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Higgaadin
(Higgaadin-ta)
Erey qoran ama aan qorrayn, inta xaraf xaraf loo sheego, kicin, akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kicin
1. (Kicin-ka) Isbeddelka daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kacaan.
2. (Kicin-ta) a) Kor u qaadid; joojin; istaajin. b) Hurdo ka toosin. c) Dad badan baraarujin, si ay kacaan u sameeyaan. d) Erey qoran akhriyid, ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqinid
(Laqinid-da)
1. Qof wax la barayo, wax uu baraha ka dabo yiraahdo, u marin.
2. Qof buka oo dhimasho looga yaabayo ashahaadada u marin, u akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maddiiddeyn
(Maddiiddeyn-da)
Maddiiddo ku akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marin
1. (Marin-ka) a) Meesha loo sameeyey in la maro; dhabbe; waddo. b) Sida eg; abbaar; jid.
2. (Marin-ta) a) Wax maran ka dhigid; eber ka dhigid. b) Meel marsiin. c) Wax akhriyid, kicin. d) Wax wax ku jiidid; ku tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meerin
(Meerin-ta)
1. Socod wareeg ah socodsiin; wareejin.
2. Hadal la qoro ama layska dabo akhriyo oo la barto; akhriyid, sheegsheegid, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqid
(Naqid-da)
1. Wax dib u celin; soo celin.
2. Akhriyid; meerin; marin.
3. (gar) soorid; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobin
(Roobin-ta)
Roobdoon akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subcin
(Subcin-ta)
Habka subaca loo yaqaan, Quraan ku akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirsixirid
(Xirsixirid-da)
Xirsixir akhriyid; nabaaddiinaxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Asmo ku akhriyid; ku ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) 1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) Faataxo akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanad
gunaanad¹: m.l 1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. la-mid: gunaanadid.
gunaanad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iyo wixi lamida dhammaystirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiyid
m.dh la-mid: baqtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.
bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhirid
(Akhirid-da)
Wax goortaas la qaban lahaa, dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirid
m.f.dh eeg akhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax goortaas la qaban lahaa, dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Nin raadiyaha, telefiishinka iyo wixi lamida war ka sii daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriye
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax qoran daalacanaya ama ku codaynaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhrisad
-ka: (magac, lab, keli) daalacashada ama ku dhawaaqidda wax qoran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askariyad
f. n. female soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
askariyad
-da: (n) police woman ~ naag boolis ah, caskariyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askariyad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh ka tirsan ciidanka qalabka sida. Askariyad ordaysaa i jiidhay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askariyad
de: female soldier
lx: askariyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: askariyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhiilid
m.f.dh la-mid: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhiilid
-da: (magac, dhedig, keli) la waakasho oo cid wax u diidid. Siman baykhiilid laguma aqoone maxaa dhacay. Dh: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhramid
m.dh la-mid: daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakatiyid
(Sakatiyid-da)
Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakatiyid
m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.
sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhri
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhri
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid. m.f.dh, akhriyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhri
v. read
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhri
-yey / say: (v) read (riidh). Ex: kor u akhri; read aloud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhri
(fal) wax qoran, kici oo cod ugu dhawaaq. Akhri Kitaabka Eebbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhri
de: read
lx: akhri
pd: (akhriyey)
ps: v2a=
xe: Ive read a little about it.
xv: Arabic
key: akhri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax waqtigiisa dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhrin
m.dh la-mid: akhriyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhrin
-ta: (n) reading (riiding). Ex: barashada akhrinta iyo qoraalku waa muhiim; the learning of reading and writing is important
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qoraalka meel ku qoran kicintiisa; ku dhawaaqa qoraal meel ku dhigan. Dh: daalacasho, aqris, aqrin, akhrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhris
m.l la-mid: akhriyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhris
- ka: (n) the act of reading (riiding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhris
-ka: (magac, lab, keli) eeg akhrin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
akhris
قِرَاءَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhrud
akhrud! eray lagu yidhaahdo qofka ficilkiisa la sarriigto. Dh: buus! hus!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akidid
(Akidid-da)
(talo, arrin, ...) cid ku raacid, adkayn, xoojin, tiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akidid
m.f.dh eeg akid. la-mid: akidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akidid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg akidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahmiyad
(Ahmiyad-da)
Ujeeddo ama saamays weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmiyad
m.dh Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ahmiyad
m.dh Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmiyad
f. n. objective, aim; importance, significance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahmiyad
-da: (n) significance (sig-nifi-kens); importance (impoor-tansi); consideration (konsidereeyshen) ~ muhimad, ujeeddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmiyad
-da: (magac, dhedig, keli) muhimmadda iyo waxtarka uu shey leeyahay. Ahmiyad ma laha tacliin an ujeeddo iyo yool ka danbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmiyad
de: objective, aim; importance, significance
lx: ahmiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ahmiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirin
m.f.dh eeg akhiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhriso
akhriso¹: m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay raadiyaha, telefiishinka iyo wixi lamida warka ka sheegta.
akhriso²: f.g3 (-stay, -satay) Wax qoran daalacasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akhriso
f.g3 (-stay, -satay) Wax qoran daalacasho. m.f.dh, akhrisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhriso
v. read by oneself; read about something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhriso
-akhristay / akhrisatay: (v) read for yourself. Ex: soo akhriso labadaan buug; read these two books for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriso
(fal) adoo macnihiisa dhuuxaya, daalaco qoraal. Aad u akhriso Quraanka Kariimka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhriso
de: read by oneself; read about s.t.
lx: akhriso
pd: (akhristay)
ps: v3b=
xe: Do you have some books you can read by yourselves?
xv: marso
key: akhriso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anfiyid
-da: (magac, dhedig keli) duudsiga iyo diidmada wax la sheegay. Anfiyiddu runta wax ba kama dooriso. Dh: diidmo, inkirid, duudsi, dafirid, beenin. Li: yeelid, rumayn, aqbalid, qirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beriyid
m.f.dh eeg beri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beriyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax beryey oo habeen yaal ahaan. Dh: beryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhrid
m.dh la-mid: daqrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakhrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, lafta madaxa dhaawac ka gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirmid
m.f.dh eeg akhiran¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhriste
-akhristaha: (n) reader (riidhar) ~ akhriye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriste
-ha: (magac, lab, keli) qof wax akhriya; qof qoraal daalacda. Akhriste kasta hoos ha u akhriyo maktabadda dhexdeeda. Dh: daalacde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baariyid
m.f.dh eeg baari². la-mid: baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baariyid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligii la isticmaali lahaa dhaafid. Dh: baaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiyid
m.f.dh eeg cashi². la-mid: cashin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) caal ku dhicid; xanuunka cashiga qaadis.
cashiyid-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka cashiga qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digriyid
(Digriyid-da)
Digriga wadaaddada dariiqooyinku hadba qabtaan, maamulkiisa iyo samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digriyid
m.f.dh eeg digri². la-mid: digri¹, dikri¹, dikriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dikriyid
m.f.dh la-mid: digriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dikriyid
-da: (magac, dhedig, keli) digri akhriyid; duco iyo Allabari aan sabab lahayn samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiyid
(Fadhiyid-da)
Qof fadhiya oo salka dhulka ama wax kale ku haya ahaansho; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiyid
m.dh eeg fadhi². la-mid: fadhi¹, fadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salka dhulka ku hayn oo degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqriyid
(Faqriyid-da)
Faqiir noqosho; cayroobid; (ama faqiirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqriyid
m.dh la-mid: faqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqriyid
-da: (magac, dhedig, keli) faqiir noqosho ama caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufriyid
(Kufriyid-da)
Kufri noqosho; gaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufriyid
m.f.dh eeg kufri². la-mid: kufrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufriyid
-a: (magac, dhadig, keli) diinta Islaamka ka bixid. Dh: gaaloobid. Li: muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sahwiyid
(Sahwiyid-da)
(salaad) kala illaawid; waswaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahwiyid
m.f.dh eeg sahwi². la-mid: sahwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salad kala ilaawid; salaadda qudeheeda, khalkhalid.