akeekanid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akeekanid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal akeekan ah ku hadlid; asaraartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akeekamid
(Akeekamid-da)
Hadal akeekan ah, ku hadlid; muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akeekamid
m.f.dh eeg akeekan². la-mid: akeekan¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akeekan
(Akeekan-ka)
Muran; cilaaq; jactad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akeekan
akeekan¹: m.l 1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. la-mid: akeekamid.
akeekan²: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Muran hagag ku jiro samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akeekan
m.l 1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. la-mid: akeekamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akeekan
v. argue, be obstructive
akeekan vl. n. argument; act of arguing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akeekan
(fal) muran oo asaraartan; si muran ah u hadal. Maad akeekamaysaa, mise wax aad arkaysoo, kuu awdan baa jira. Dh: asaraartan, muran.
akeekan-ka: (magac, lab, keli) muran iyo dood adag. Inuu kula akeekamin intuu, urur ku soo joojo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akeekan_1
de: argue, be obstructive
hm: 1
lx: akeekan
pd: (akeekamay)
ps: v1=
key: akeekan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akeekan_2
de: argument; act of arguing
hm: 2
lx: akeekan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: akeekan_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeekiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kas iyo isyeelyeel fal qaldan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenid
(Keenid-da)
1. Meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid, soo joojin, soo taagid.
2. Wax aan hor u jirin abuurid, curin, hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenid
m.f.dh eeg keen³. la-mid: keenis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keenid
Imports
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keenid
vl. n. supply (of essential services)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keenid
-da: (magac, dhedig, keli) meel durugsan wax ka soo qaadid oo meesha kolkaas la joogo soo dhigid; soo joojin.
keenid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan horay u jirin abuurid. Dh: curin, hindisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keenid
de: supply (of essential services)
lx: keenid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: keenid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegadid
-da: (magac, dhedig, keli) cod wanaagsan ku orin oo luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeeftamid
m.f.dh eeg afeeftan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeeftamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay suurgal tahay in uu dhaco, hadal afeef ah, kala sii hortagid. Afeeftamid buu hadalkiisa ku bilaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleeggadid
m.f.dh eeg aleegad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kakanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keenij
-ta: (magac, dhedig, keli) keenid ama la kaalayid. Dh: keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenis
(Keenis-ta)
Keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenis
m.dh la-mid: keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keenis
vl. n. bringing, act of bringing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keenis
de: bringing, act of bringing
lx: keenis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: keenis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegad
-ka: (magac, lab, keli) hawlqabsad qofku si gaar ah naftiisa wax ugu taro. Dh: shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegid
m.dh eeg adeeg².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adeegid
Prestazione
To render a service
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlqabasho cid kale wax loogu taro. Adeegidda dadka waaweyn Ilaah baa loogu dhowaadaa. Dh: adeegis, xoojin, midiidimid, qabbaanid, shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afeefad
m.l la-mid: afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afeefad
-ka: (magac, lab, keli) hadal afeef ah dhigasho. Afeefadka beenta, run baa ku abaadday. Dh: afeefasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegad
(fal) cod iyo or macaan ku luuqay.
aleegad -ka: (magac, lab, keli) cod miisaaman oo taxan, quruxina ku ladhan tahay ku heesid; farxad la rayrayntu dhawaaqyo kala duwan oo ay keento. Or iyo aleegad baa dhinacaa bari ka soo baxaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelan
(tilmaame) shey lagu qurxiyey aleel badda laga soo saaray; aleel lagu taxay. Sati wada aleelan bay ayeeyaday haysataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebid
m.dh la-mid: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid oo la helid. Dh: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaxid
-da: (magac, dhedig, keli) ku tumasho; wax weyn yeelid; baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenani
f.g2 (-iyay, -isay) Qof aad u xanuunsan cabbitaan siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makeeki
(fal) qalad kas iyo is yeelyeel ku jiro samee.
makeeki -ga: (magac, lab, keli) fal qaldan oo ogaan iyo isyeelyeel loo sameeyo. Makeekiga iska daa oo ninweyn noqo. Dh: isyeelyeel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weekend
/wiik endh/ (n) maalmaha fasaxa ah ee usbuuca (gaalada waa sabtida iyo axadda, muslinka waa jamcaha).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaad
-ka: (magac, lab, keli) dhagaax yaryar oo badda laga soo guro wax na lagu qurxiyo. Dh: aleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammaanid
(Ammaanid-da)
Hadal ammaan ah ku dhihid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanid
m.f.dh eeg ammaan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka sheegid, wanaaggiisa ka warramid. Dh: faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalid
m.dh la-mid: beeddalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalid
-da: (magac, dhedig, keli) oofasho darteed is bihinbihin oo labka isku nanabid. Qaalintu intay beedalidda ku jirto haddii la saran waayo way tebisaa. Dh: rimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedagid
-da: (magac, dhedig, keli) feedag samayn; badar buushibixin. Dh: buushibixin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
freehand
/friihaandh/ (adj) sawir-gacmeed, aan mastarad la isticmaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedalid
m.f.dh eeg jeedal². la-mid: jeedlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedalid
-da: (magac, dhedig, keli) shaabuug la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelagid
m.f.dh eeg jeelag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenanin
m.f.dh eeg jeenani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ka kicid marar is dabaroor ah. Dh: kickicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankamid
(Kankamid-da)
Ur badan urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankamid
m.f.dh eeg kankan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankamid
-da: (magac, dhedig, keli) ur badan oo meel ka soo urta. Dh: kakamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karfanid
m.dh la-mid: kafnid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karfanid
-da: (magac, dhedig, keli) kafan saarid ama ku duubid. Dh: kafnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanid
m.dh la-mid: kawaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerarid
-da: (magac, dhedig, keli) qalbka godaalka dibi saarid. Meeraridda kolkaad dhammayso dullaha qaadoo kexee. Dh: meeraris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weerarid
(Weerarid-da)
Weerar ku dhufasho, ku qaadid, ku sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarid
m.f.dh eeg weerar². la-mid: weerarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ku qaadid oo cadawga kaga horrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Keenadiid
name: Kennadeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Keenadiid
nickname; name-m slavery refuter. Lit: he who refuses to be led to unwanted direction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Keenadiid
magac loo baxsho wiil in la khasbo aan ogolayn oo gumaysidiid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Keenadiid
de: Kennadeed
lx: Keenadiid
ps: name-m
key: Keenadiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caneeqaadid
m.dh la-mid: qaneeqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleewaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareegaxidh
-ka: (magac, lab, keli) xidhxidhidda ama diyaarinta mareegta maqasha lagu xidhxidho. Mareegaxidhka anu ma aqaane Ceebla' u dhiiba. Dh: mareegxidhid.
mareegaxidh -ka: (magac, lab, keli) halka mareegta lagu xidho. Mareegaxidhkii wuu qoyaye maqasha geedka geeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaneecaadid
m.f.dh eeg qaneecaad². la-mid: caneeqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaneecaadid
-da: (magac, dhedig, keli) faa'ideysi waxtarsi.