akademiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akademiyo
m.dh la-mid: akademiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akademiye
(Akademiya-ha)
1. Urur ama maamul ka kooban dad wada waxyaqaan, oo dantoodu tahay inay kor u qaadaan aqoonta dhaqanka, suugaanta, falsamida, fanka iyo cilmiga.
2. Dugsi sare oo waxyaalo gaar ah laga barto, sida carbiska iyo tababbarka ciidammada, muusikada, farshaxannimada, ... (ama akademiyada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akademiye
m.l 1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. la-mid: akademiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akademiye
m.l/dh 1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. la-mid: akademiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akademiye
m. n. academy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akademiye
de: academy {It}
lx: akademiye
pd: (/ha)
ps: n6-m, n7-m
key: akademiye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akadeemiye
-akadeemiyada: (n) academy (a-kaa-demi); a school for special instruction. Ex: Akadeemiyeda Dhaqanka iyo Hiddaha; the Academy of Culture and Heritage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaademiyad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg akaademi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
academy
/akadami/ (n) dugsi tacliin sare oo loogu tala galay waxbarasho gaar ah. e.g. the Lafoole Academy of Arts.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
academy
/akademy/ (n) iskool amy dugsy goony eh oo lyngky telygaly wal baryshy korreeyty.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
academic
/akademik/ (adj) waxbarashada ama manhajka iskuulaadka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
academic
/akademik/ (adj) wal baryshy amy wal iskoolky lyky barythaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
académie
académie, n.f. - dugsi wax barasho heer sare oo loogu tala galay aqoon gaar ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaademi
-ga: (magac, lab, keli) dugsi iyo xarun aqooneed oo tacliinta sare lagu qaato.
akaademi -ga: (magac, lab, keli) qof tacliin sare leh oo si cilmiyaysan wax u baadha, una bara si aqoontaa ku salaysan. Kadare waa nin akaademi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraademiye
-ha: (magac, lab, keli) meesha laydhka laga shido lagana bakhtiiyo. Daaraademiye u samee nalka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bakteeriyo
-bakteeriyada: (n) bacteria (baak teeriya); plural of bacterium ~ bagteeriya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakteeriyo
-da: (magac, dhedig, keli) ilimaqabatay ku dhex nool hawada oo ku tarma meelaha qoyan iyo nadaafad la'aanta oo dhib iyo dheef ba leh. Bakhitaga bakteeriyaa gashay. Dh: bakhtitire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadami
m.l.u 1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. la-mid: aadane, aadmi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadami
m.l.u 1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. la-mid: aadane, aadmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadami
m. n. (adj.): humanity; human being, person; human
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadami
-ga: (n) human being (hiyuuman biing) ~ aadane
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aadami
a: aadane
de: humanity; human being, person; [atr.] human
lx: aadami
pd: (-ga Pl: aadamiyiin)
ps: n8-m
key: aadami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadimo
m.l 1. (fiisikis) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiisikis) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadimo
m.l 1. (fiisikis) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiisikis) "Addimaha Xaddiyada Fisikaad" waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadimo
Dimension
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadimo
Dimension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadimo
-da: (magac, dhedig, keli) cabbirraadda dherer, joog, qoton iyo dhexroor ee jimidh adke ahi leeyahay. Kolka aadimooyinka aqalka la wada garanayo ayaa bedkiisa la soo saaraa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aariyo
-aariyada: (n) air (eer) ~hawo, neef
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadiyo
name-f gift
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. la-mid: kediso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadiso
f. n. surprise, something unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadiso
-kadisada: (n) emergency (imeerjansi); suddenness (sadan nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax si degdeg iyo lamafilaan ah kugu dhaca. Dh: lamafilaan, kedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadiso
cf: kedis
de: surprise, s.t. unexpected
lx: kadiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kadiso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kadiye
name-m surprise, unexpected. Lit: one born unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kadiye
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo aan la filayn ama la dareemin inay hooyadii foolanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeeryo
(Adeerya-da)
Goodirka dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeeryo
m.dh (-ooyin, m.l) Goodirka midkiisa dheddig. la-mid: aadeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adeeryo
f. n. female kudu (antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeeryo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ugaadha ka mid ah oo buuraha iyo meelaha ayda ah ayay ku nooshahay, labkeeguna waa goodir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adeeryo
cf: goodir
de: female kudu (antelope)
lx: adeeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: adeeryo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adesivo
agg. - xabagaysan. s.m. - xabag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anaemia
/aniimiya/anemia; (n) dhiig yaraan; unugyada cas ee dhiigu ku yar yahay.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Anaemia
Dhiigdarro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anaemic
/aneemik/anemic; (adj) 1. qofka dhiig yarida qaba 2. qof midabkiisu badalmay ama, diif ka muugato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiido
m.dh la-mid: kadiidyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaddiyo
name-f decoration; decorator. Syn: Xaddi, Xiddo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AMAAMIYE
(Amamie) S Farsetia robecchiana Engl. Cruciferae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amadeelo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun adhiga madaxa kaga dhaca gaar ahaan riyaha oo neefku madaxa dhan u qalloociyo lagana gubo. Waxa uu ka dhashaa shinnida. Rida amadeelada ka guba. Dh: muqlo, muqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaaniyo
m.dh Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. la-mid: anaaninnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anaaniyo
m.dh Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. la-mid: anaaninnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaaniyo
-da: (magac, dhedig, keli) qofka oo wax walba isagu sheegta. Anaaniyo daaya, anaa idhi daaya, dadkoo idil sheega. Dh: anaaninnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Haween axadeysi sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaademid
m.f.dh eeg jadeen².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddiifo
m.dh la-mid: kaddiifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddiifo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kaddiifad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiidyo
m.dh Qandho lala jareeyo. la-mid: kadiido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiidyo
-da: (magac, dhedig, keli) nabarka hooyada foolanaysa qabta umusha ka hor. Dh: nabar.
kadiidyo-da: (magac, dhedig, keli) qandho iyo xummad lala jareeyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKADEEY
S Sorghum arundinaceum (Desv) Stapf. Gramineae.
S Sorghum versicolor Anders. Gramineae.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
accadèmia
s.f. - akadeemiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabdemiso
-da: (magac, dhedig, keli) haan bir ah oo uu ku jiro dareere cadaadis sare ku kaydsan oo dabka lagu baqtiiyo. Dabdemiso weyn ayaa la soo iibiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadeeryo
(Gaadeerya-da)
Adeeryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadeeryo
m.dh 1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadeeryo
f. n. female kudu (antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadeeryo
-da: (magac, dhedig, keli) goodirka kiisa dhedig ee aan geesaha lahayn. Dh: adeeryo.
gaadeeryo -da: (magac, dhedig, keli) gaadiid la rarto oo ah naflay joog gaaban kana tirsan qooblayeda oo taagnida lagu raro laguna furo. Gaadeeryo gaadeeryoow, gaadeeryo gaagaab, guradaaday gacantaydu gaadhaa, oo gacal laga waraabshaa. Dh: dameer.
gaadeeryo -da: (magacwadareed) jaad ka mid ah ugaadha oo buuraha ku nool. Dh: adeeryo.
gaadeeryo -da: (magac, dhedig, keli) jaad geedka carmada ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadeeryo
a: adeeryo
cf: goodir
de: female kudu (antelope)
lx: gaadeeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gaadeeryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shadeedyo
-da: (magac, dhedig, keli) kaadida orgiga qooqani lugihiisa hore ku shubo ee madoobaysa jeenyaha. Dh: dhibi, shadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysiinyo
m.l Dulqaad loo yeesho dhibaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysiinyo
m.l Dulqaad loo yeesho dhibaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysiinyo
-ha: (magac, lab, keli) cid ama wax kale in uu adkaado, awood u siin.