ajo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajo
(Aja-da)
Biyaha meel ku raaga oo cagaarka noqda iyo cagaarka ay bixiyaan laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajo
m.dh Biyo meel ku raagay oo midabkoodii, dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajo
f. n. scum on stagnant water; mildew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo wasakhaysan oo aan nadiif ahayn; biyo fadhiya oo midab, dhadhan iyo urba isbeddelay. Ajo oon baa ka daran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajo
cf: ajee
de: scum on stagnant water; mildew
lx: ajo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: ajo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajeyn
(Ajeyn-ta)
Ajo ka dhigid; xumayn; qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomaar
(Doomaar-ta)
1. Geedo yaryar oo saaruqda kamid ah oo aan caleemo dhab ah iyo jirrid midna lahayn; waa cagaaran tahay waxayna ka baxdaa dhagxanta iyo goomaha iyo wixii la mid ah oo biyaha ku dhexjira korkooda; Waxay u eg tahay xayn - xayndhada ku korsocodkeeduna waa dhib oo waa lagu sidbadaa; ajo.
2. Naq degellada ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajee
f.g2 (ajeeyay, ajaysay) Biyo ajo ka dhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atmospheric polution
Ajow gibileed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo nadiif ah ajo ka dhigid; biyo jooga wasakhayn. Dh: ajays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awdalan
(tilmaame) wax meel ku xanniban ama ku go' doonsan oo aan dariiq u furnayn. Kama ay ajoodaan xisaab moora awdalane. Dh: xidhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igadh
-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo ishin ah marka ilmihiisu ka dhinto ama laga qalo oo maqaar iyo salaaxid lagu maalo. Igadh kaama gaaggixin, ajo kaama dhoobayn... Dh: igar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naddarid
-da: (magac, dhedig, keli) doorsoomid diimis iyo saaruq noqsho. Nadaridda biyaha ayay kaneecadu ka dhalataa. Dh: ajoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheex
(fal) ka ajow oo ceeb ka dheeraw. Dh: ilnugeyl.
sheex -a: (magac, lab, keli) xishood iyo sarriigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareed
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha roobka con la tarrixin oo cusub. Adoo degganaa abaar; marbuu dirir kuu da'aayoo; daruuruhu kuu curtaanood; xareed ku dabbaalataa. Dh: ajo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ajouter
ajouter, v. - Ku darid, U geyn;
ajouter du poids - Culaysin; Culays Sarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ce
ce, pron. dém. - Wax
c'est, ce sont - waa
ce, adj. dém. (cet, cette, ces) ces particules s'ajoutent à fin des mots concernés - kuwan; -han; -tan; -gan; -lan; dan;-an
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajee
cf: ajo
de: spoil, rot; stagnate (water)
lx: ajee
pd: (ajeeyey)
ps: v2b=
key: ajee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajood_1
de: arrogance, haughtiness, air of superiority
hm: 1
lx: ajood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ajood_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajood_2
a: ajoo / ajooday
de: be reluctant to do because of one's superiority
hm: 2
lx: ajood
pd: (ajooday)
ps: v1=
key: ajood_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ka a.: qof, wax sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajoo
(fal) (ka ~) ka dhawrso oo ka baaqso shey falkiisa. Nimaan edeb daroonayn, xil waa iga ajoodaaye. Dh: xishoo, sarriigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajow
(fal) eeg ajaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bajo
f. n., [collective] syphilis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bajo
-bajada:(n) syphilis (sifelas) ~ isfiilato, isfiilito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bajo
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun xoolaha ku dhaca oo dabada laga gubo, siiba agagaarkeeda sibiisha, waana laga turqaa.
bajo -da: (magac, dhedig, keli) cudur faruurta hoose xanuuniya oo ay caddaato; cudur daran oo dadka qawlallada iyo xaglaha kaga dhaca. Wiilka biiji ayaa faruurta ka haysee ha la daweeyo. Dh: barraaqdo, biiji, xabbad, waraabow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bajo
de: syphilis
lx: bajo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
syn: isfiilito, waraabow, xabbad
key: bajo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajo
(Faja-da)
Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego; (ama fujo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajo
m.dh Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego. la-mid: fujo (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajo
m.dh Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego. la-mid: fujo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajo
f. n. massage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajo
-da: (magac, dhedig, keli) oogada dadka oo faraha si xooggan loogu mudmudo oo lagu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigga guntamayna u socdo. Dh: duugid, duugmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajo
de: massage
lx: fajo
pd: (/da)
ps: n-f
key: fajo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lajo
m.dh (-ooyin, m.l) Aleel yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lajo
-da: (magac, dhedig, keli) aleel yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majo
m. n., pl. limbs, paws
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majo
-majaha: (n) [Plural of majin] limbs, such as forelimbs (foor-limis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majo
-da: (magac, dhedig, keli) bir soo qoolaaban oo dhinaca soo xoodan ka afaysan oo xagga dambe daab ku leh oo beerta lagu haamo. Wa: majooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majo
de: limbs, paws Sg: majin
lx: majo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: majo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajo
(Raja-da)
1. (°) Filashada la filanayo wax la heli doono; (ama rejo).
2. Ilmo carruur ah oo dheddig oo hooyadeed dhimatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajo
m.dh Ilmo yar-yar oo hooyadood dhimatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjo
m.dh Filashada la filanayo wax la heli doono. la-mid: rejo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajo
m.dh Ilmo yar-yar oo hooyadood dhimatay. rąjo m.dh Filashada la filanayo wax la heli doono. la-mid: rejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rajo
f. n. motherless ~ orphan girl
rajo: [feminine] n. hope, expectation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rajo
-da: (n) hope (hoop); expectation (ekis-pak-teey-shin); prospect (poros-pekt)
rajo -da: (n) [plural of rajay] orphanages (oorfaneyjis) children, especially a motherless children ~ [opposite of agoon]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajo
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhedig oo hooyadii dhimato. Dh: agoon.
rajo-da: (magac, dhedig, keli) ku niyadsamaanta wax iman doona; filasho wax waanaagsan oo la fisho.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
rajo
رَجَاءَ، أَمَل، يَتِيمُ الْأُمِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afo
(Afa-da)
Naag la qabo; arad; oori; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afo
f. n. wife; woman, lady (respectful)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afo
-afada: (n) wife (waayf) ~ xaas, oori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay la qabo; naag oday leh. Dh: arad, islaan, maranti, marwo, oori, xaas. Li: oday, say, abbaanwarre. Wa: afooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afo
de: wife; woman, lady (respectful)
lx: afo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: arad, xaas
xv: naag, oori
key: afo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ago
/agow/ (adv) waqti tagey; waqti ka hor. e.g. I was in Paris five years ago.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ago
/agow/ (adv) haty ku hor, waqty ku hor, waqty taby. He left two weeks ago.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ago
s.m. irbad, cirbad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ago
ad., awal or awel; long ago, beri hore; a while ago, goor dhowayd; some years ago, sanado dhowaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aji
(Aji-ga)
1. Dhalad ah; gob; xor.
2. Soomaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aji
m.l.u (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aji
m.l.u (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aji
m. n. important person, high-caste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aji
-ga: (magac, lab, keli) dadka, intooda dhaladka ah ama nasabka wanaagsan ku aroorta. Aji fal dhiman lama tuso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aji
de: important person, high-caste of traditional social standing
lx: aji
pd: (-ga ~ -da)
ps: n7-m
key: aji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley cunto iyo biyo la'aan dartood u wax yeelloobid. la-mid: caqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqo
v. starve to death, die of starvation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqo
(fal) harraad iyo gaajo u dhimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqo
de: starve to death, die of starvation
lx: aqo
pd: (aqday)
ps: v3b=intr
key: aqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awo
awo¹: m.dh.fk la-mid: aw.
awo²: f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awo
f.g3 (-wday, -watay) Qof si marakudhegnimo u baryid. m.f.dh, awasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayo
Kuma? Kee? Tuma? Tee?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayo
e.we 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayo
e.we 1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayo
question word: who?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayo
who (huu) ~ kee; see [eeg] waayo?
ayo: (suffix)-. [ negative with ma or maan] used to form negative present continuous tense of some verbs with pronoun he or L. Ex: waxba maan arkayo; I am seeing nothing. Waxba maan sheegayo; I am saying nothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayo
erey weydiin ah oo lagu raadinayo cidda la sheegayo ama wax samaysay. Dh: waa kuma? waa kee? waa tuma? waa tee?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijo
-da: (magac, dhedig, keli) qof labadiisii fool kala dheer yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajalo
m.dh Geeri. la-mid: ajal¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada amal geerida. Dh: ajal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajood
(Ajood-ka)
Ka joogsasho; isu quurid la'aan; ka xishood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajood
m.f.l eeg ajoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajood
vl. n. arrogance, haughtiness, air of superiority
ajood v. be reluctant to do because of one's superiority
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ajood
-ay / tay: (v) refuse (rifyuuz); decline (di-kalayn); indicate unwillingness to do something, especially immoral —Syn: reject, spurn, rebuff
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajood
(fal) eeg ajoo.
ajood -ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka baaqsiga iyo ka dhawrsashada wax aan habboonayn. Ka ajoodka xumahaa, nafta lagu abuuroo, kolla uubta kuma dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barjo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjo
-da: (magac, dhedig, keli) cudhka hore ee jilicsan ee koofiyadda u ah guska ragga. Dh: kobor, dhalfo, burjo, kobor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjo
m.dh Cambuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaajo
(Gaaja-da)
Dhibaatada iyo xanuunka iyo tabaryarida oogada laga dareemo kolka wax badan la qatan yahay oo aan cunno la cunin; baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajo
m.dh Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. la-mid: qaajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaajo
m.dh Dareen jirku dareemo marka cuntadu ka raagto. la-mid: qaajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajo
f. n., (mass n.): hunger, need; famine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaajo
- gaajada: (n) empty stomach; hunger (hang-gar)-, starvation (straaveeyshin); famine (faamen) ~ baahi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajo
-da: (magac, dhedig, keli) calool madhnaan; marka cuntadu kaa raagto dareenka caloosha kaa gala ee cuntada loogu baahdo. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajo
de: hunger, need; famine
lx: gaajo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: gaajo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaajo
جُوع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maajo
m.dh Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maajo
m.dh Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maajo
f. n. May (fifth month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maajo
Mai.