ajarmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarmid
m.f.dh eeg ajaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajarid
(Ajarid-da)
Dhib gaarsiin; wax yeelid; dhagrid; dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarid
m.f.dh eeg ajar³. la-mid: ajar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale waxyeelid ama dhib gaadhsiin. Dh: dhagrid, dagid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarmid
m.f.dh eeg jarjaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarmid
m.f.dh eeg angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid laga tegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarmid
m.f.dh eeg cawaran¹. la-mid: cawirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafarmid
m.f.dh eeg hafaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax aan la siin, lagu sheegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarid
m.f.dh eeg aar². la-mid: aaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) qof dhib iyo aano loo geystay, uga soo gudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarmi
-ga: (magac, lab, keli) ciidanka qalabka sida. Waxad igu ogaataa, ood ku uurqabawdaa, aarmiga in aan ahay.
aarmi -ga: (magac, lab, keli) qalabka dagaalka ee ciidanku adeegsado. Dh: hub, qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarid
(Jarid-da)
Wax is haysta, labo cad ama ka badan u kala goyn; googgoyn; jarjarid; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarid
m.f.dh eeg jar³. la-mid: jarriin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarid
-da: (magac, dhedig, keli) «kala ~>> wax isku yaallay kala goyn
jarid -da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku yaalla ama ka baxay ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasmid
(Aasmid-da)
Xabaalmid; duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasmid
m.f.dh eeg aasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogmid; wax aasamay oo ciidi ku rogmatay noqosho. Ceelka aasmidda ka ilaaliya, dib looma qodi karayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajalid
m.f.dh eeg ajal². la-mid: ajal¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajalid
vl. n. act of killing; death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajalid
-da: (magac, dhedig, keli) geeri u keenid; wedkiisa sabab u noqosho. Dh: makalid, dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajalid
de: act of killing; death
lx: ajalid
pd: (-da)
ps: vn0-f
key: ajalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsi
m.l la-mid: ajarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarsi
-ga: (magac, lab, keli) samafalid, iyada oo ajar Ilaahay laga doonayo.
ajarsi -ga: (magac, lab, keli) (ka ~) cid kale, dar Alle wax u sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axarid
m.f.dh eeg axar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmid
m.f.dh eeg baran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo badh noqosho. Joonyadda iyada oo buuxda qaad oo barmid ha ku qaadin. Dh: badhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmid
m.f.dh eeg karan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmid
m.f.dh eeg raran².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarmid
m.f.dh eeg taran 2 la-mid: taran¹, taranti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarmid
vl. n. reproduction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarmid
-da: (n) the act of generating, multiplying or producing many children or offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmid
-da: (magac, dhedig, keli) farcan badan yeelasho. Dh: bulaalid, badasho.
tarmid -da: (magac, dhedig, keli) carruur badan dhalid, farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarmid
de: reproduction
initial: t
lx: tarmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tarmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjarid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) hawl socotay, dhammaystirid; soo gebagebaynta shaqo la hayay. Shirkii Carta ayaa lafdhabar ka ahaa soo afjaridda dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya. Dh: dhammaystirid, gebagebayn, gunaanadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsad
m.l la-mid: ajarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarmid
m.f.dh eeg daaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibarmid
m.dh la-mid: ibamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kajamid
(Kajamid-da)
Hadal kajan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kajamid
m.f.dh eeg kajan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kajamid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dheeldheelid iyo ku ciyaarid. Kajamidda kaddaa dadka waawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarmid
(Maarmid-da)
(ka maarmid) Wax la'aantooda ama maqnaantoodu ayan cid wax u dhimayn, aan la tebeyn; huri karid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarmid
m.f.dh eeg maaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka kaaftoomid oo dooniddiisa ka hahid. Ka maarmid qasab ah ayaan alaabtaydii ka maarmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarmid
m.f.dh eeg raaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarmid
-da: (magac, dhedig, keli) ilig meeshiisii meel aan ahayn ka soo bixid; iliggii hore oon dhicin ku kali soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarmid
m.f.dh eeg abbaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku beegnaanshaha meel ama milay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarmid
m.dh la-mid: hanqaarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataarmid
m.f.dh eeg qataaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysmid
m.f.dh eeg afaysan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjaaqid
m.f.dh eeg afjaaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirmid
m.f.dh eeg akhiran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaagmid
m.f.dh eeg halaagan¹. la-mid: halligmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
alarmist
/alarmist/alarmists;(n) qofkii ama wixii digniin been ah bixiya. e.g. It is not good to be an alarmist.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxanmid
m.f.dh eeg alxaman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxanmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo cad iyo wax ka badan oo biro ah isku dhegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amardiid
(fal) wax laguu diray diid. Haddii wax diinta ka baxsan lagu amro iska amardiid. Dh: caasi.
amardiid -ka: (magac, lab, keli) qof waajib la faray diida; qof wixii la faray fulin waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasmid
m.f.dh eeg asaasan¹. la-mid: aasaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid alkuman ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashaamid
m.l Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asturmid
m.f.dh eeg asturan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo qaawanaa, hu' iyo dhar helid.
asturmid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad ku ceebaysnayd, xilkiisa ku guulaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awtaamid
m.f.dh eeg awtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ka bixidda shaagga. Banjaridda shaagga wax ugu wacan musbaar muday.
banjarid -da: (magac, dhedig, keli) gerigo'an ku dhacid; meel cidla' ciirsila' ah ku go'doomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiimid
(Cajiimid-da)
Cajiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiimid
m.f.dh eeg cajiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshidda iyo rufaaqidda budo iyo wax la mid ah. Dh: xashid, cajiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirmid
-da: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dareemid; majiirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirmid
m.dh la-mid: cawarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawirmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac noqosho; dhaawacmid.
cawirmid -da: (magac, dhedig, keli) weershe noqosho; mid il la' noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.