agrumi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agrumi
s.m. pl. chirta miraha dhanaan (sida liinta).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumi
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Hasha awrka u arrumi. Dh: tu'i, fadhiisi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agrumes
agrumes, n.m.pl. - Liimo (sida: liin dhanaan, Bambelmo, liimo gunji oranje iyo mandarin.)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumid
m.f.dh eeg arrun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumin
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhiisinta neef geel ah oo sara joogay. Dh: tu'in, fadhiisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrumis
-ka: (magac, lab, keli) eeg arrumin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Armi
Hub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarmi
-ga: (magac, lab, keli) ciidanka qalabka sida. Waxad igu ogaataa, ood ku uurqabawdaa, aarmiga in aan ahay.
aarmi -ga: (magac, lab, keli) qalabka dagaalka ee ciidanku adeegsado. Dh: hub, qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arami
-da: (n) pain or distress; suffering (safering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arami
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qarsoon oo ay fallaadh ama jug hore sabab u tahay; nabar waayo hore kugu dhacay oo soo kacdoomay. Dh: eelo, doog.
arami-da: (magac, dhedig, keli) lahan qarsoon oo cudur ama wax hore oo la soo maray ay reebeen; wax waxyeelladiisu dib u soo bixi karto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arami
cf: lahan
de: suffering (from wound, sickness etc.)
lx: arami
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2-m/f, n7-m/f
key: arami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrum
(fal) neef geela oo sarajooga fadhiisi. Amminkii la barqo maali jirey, ma arrumaayaane. Dh: tu'i, fadhiisi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grumo
s.m. - xinjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumi
m.dh la-mid: afxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumi
-da: (magac, dhedig, keli) hufnaan la'aan; hadal adyad ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguuji
(fal) xoolo iyo wixii la mid ah si degdeg iyo duubni ah u kaxee. Waa gabbal dhacaye, adhiga innaga soo aguuji. Dh: bulli. Li: dalaandali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.D1534. m.f.dh, arrimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrimi
v. make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrimi
-yey I say: (v) make an advice or guidance; counsel (kown sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimi
(fal) talo keen; guddoomi. Arrimi adiguu shacbigu kii idmaday hawle. Dh: tali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrimi
de: make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead rw: arrin
lx: arrimi
pd: (arrimiyey)
ps: v1=
key: arrimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrumo
f.mg3 (-untay, -umatay) Neef geel ah oo taagan fariisisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrumo
v. crouch, curl up (as a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrumo
arruntay / arrumatay: (v) crouch as a camel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrumo
de: crouch, curl up (as a camel)
lx: arrumo
pd: (arruntay)
ps: v3b=intr
key: arrumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragxumi
m.dh la-mid: aragxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragxumi
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal foobxumi. Dh: muuqaalxumi. Li: aragsami.
aragxumi -da: (magac, dhedig, keli) diihaal iyo diifi ka muuqato. Lo'dii oo ay aragxumi ka muuqato ayaa galbeed ka soo noqotay. Dh: aragxumaan.
aragxumi-da: (magac, dhedig, keli) indhaddarrays; araggaabis. Aragxumi aan lahaan jirin baan isku arkay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agrària
s.f. - cilmiga beeraha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aground
/agrowndh/ (adj) quusid; sida markab ama doon_biyo liqeen. e.g. The ship ran aground.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aground
/agraawnd/ (adv) tiimbyshy amy deghow sithy markab iwm. The ship ran aground.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugid
m.f.dh eeg aguug². la-mid: aguug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguugid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo. socod habqan ah, is dhexsocod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguujin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah si degdeg iyo duubni ah u kaxayn. Xooluhu way xuuftoomeene aguujinta ka daa. Dh: aguujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg aguujin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
albumin
(n)* protein.
barootiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alkumid
(Alkumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumid
m.f.dh eeg alkun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan horey u jirin abuurid; wax cusub uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjumid
m.f.dh eeg arjun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarin; wax daboolid ama aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimin
(Arrimin-ta)
Talo keenid; guddoomin; talin; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimin
m.f.dh eeg arrimi. la-mid: arrimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) talo keenid; hawl guddoomin. Arrimintaada ayaa maanta meesha loo fadhiyaa. Dh: talin, arrimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimis
m.l la-mid: arrimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimis
-ka: (magac, lab, keli) eeg arrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arruman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la arrumay ahaansho (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arruman
der. [adjective] curled up, crouched (as a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arruman
(adj) crouched (karoowjidh)-, especially to press the entire body to the ground with the limbs bent [as a camel]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arruman
(tilmaame) neef u fadhiya si ay luguhu laaban yihiin. Dh: tu'san.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arruman
de: curled up, crouched (as a camel)
lx: arruman
pd: (arrumnaa)
ps: adj-der
key: arruman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askumid
m.f.dh eeg askun². la-mid: askun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumid
-da: (magac, dhedig, keli) bilaabitaanka shey hor leh; wax cusub soo saarid. Dh: alkumid, unkid, billaabid, curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asrurid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacrimi
v. fertilize; make something fertile ~ fruitful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimi
yey say: (v) fertilize (feerta laayz); make [soil, for example] fertile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimi
(fal) eeg bacrimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacrimi
a: bacrimee [v2b=]
de: fertilize; make s.t. fertile ~ fruitful
lx: bacrimi
pd: (bacrimiyey)
ps: v2a=tr
key: bacrimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumi
m.dh la-mid: darxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaruqi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Weel wax ku jira ka marin. 2. Meel wax yaalliin ka marin. m.f.dh, faaruqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaruqi
v. clear (out), evacuate, empty something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaruqi
-yey / say: (v) make empty; unload, vacate (vee keeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaruqi
(fal) wixii ku jira ka madhi; waxba ha ku reebin. Dh: madhi. Li: buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaruqi
de: clear (out), evacuate, empty s.t.
lx: faaruqi
pd: (faaruqiyey)
ps: v2a=tr
xe: Evacuate the room.
xv: Faaruqi qolka.
key: faaruqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falxumi
m.dh la-mid: falfalxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falxumi
-da: (magac, dhedig, keli) lahaanta dabeecad qallafsan; cadho kulul lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumi
m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxumi
m.dh 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. la-mid: farxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habxumi
m.dh la-mid: habxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habxumi
f. n., [abstract] disorganization, disorder, disarray, poor ~ untidy condition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habxumi
-da: (magac, dhedig, keli) aan hab wanaagsan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habxumi
a: habxumo (da) [n0-f-abs]
de: disorganization, disorder, disarray, poor ~ untidy condition
lx: habxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: habxumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgumi
v. infect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumi
(fal) nabar qudhmi oo ha dawayn. Dh: callaadhi, fasasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurgumi
de: infect
lx: hurgumi
pd: (hurgumiyey)
ps: v2a=tr
key: hurgumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasxumi
m.dh la-mid: kasxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasxumi
f. n., [abstract] slowness, state of being barely intelligent, not being smart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasxumi
-da: (magac, dhedig, keli) caqlixumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasxumi
a: kasxumaan
de: slowness, state of being barely intelligent, not being smart
lx: kasxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: kasxumi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguugi
(fal) meel dheer wax ku tuur. Usha ku maguugi. Dh: kaynaani, murgugaafi, tuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maguuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tuuryo meel ku gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguuji
(fal) eeg maguugi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarami
(fal) qaadhaan ururi. U qaraami inanka haddii uu waayey lacagtii Jaamacadda. Dh: baahee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumi
m.dh la-mid: uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumi
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan uurka ku haysi badnaan. Dh: uurxumaan, caloolxumaan. Li: uursami.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agronomia
s.f. - cilmiga beerashada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragqumin
m.dh (daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumi
m.dh la-mid: basarxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumi
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo maammul xun la imaansho. Barsaxumidaa oo kale yaana kugu arkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugmid
m.f.dh eeg daguugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daguugmid
-da: (magac, dhedig, keli) xobkismid oo wixii dul saarnaa ka hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garruumid
(Garruumid-da)
Lab iyo dheddig isu tegiddood qabyo ah, samayn.