agrandir
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agrandir
agrandir, V. - Weynayn; Weyneeyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grandir
grandir, v. - kordhid; ku biirid; korin; la koriyo; beerid;
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingrandire
v.tr. - weyneyn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingrandirsi
v.rifl. - weynaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gandi
(Gandi-ga)
Gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąndi
m.l la-mid: gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gandi
gąndi: m.l ld. Gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gandi
m. n. tse-tse fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gandi
-ga: (n) two-winged bloodsucking flies found in African; tsetse fly, also tzetze fly ~ gendi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandi
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan duqsiga u eg oo dadka iyo nafleyda kale qaniina cudurana u keena. Dh: gemi.
gandi -ga: (magac, lab, keli) cudur iyo jirro ka dhalata dikhsiga dhiigga nuuga ee xoolaha laaya.
gandi -ga: (magac, lab, keli) reer ama duddo meel wada daggan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gandi
de: tse-tse fly
lx: gandi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gendi
key: gandi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grand
/graandh/ (adj) 1. weyn, aad u-weyn. e.g. a grand palace. (adj) 2. cajiib ah, heer-sare ah. e.g. That was a grand party (infl) 3. kun doolar ama kun gani. e.g. She paid two grand for that stereo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grand
grand, adj. - weyn dheer (siiba dadka); kor u dheer; ballaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amrani
-da: (magac, dhedig, keli) mid cid ka sarraysaa amar siisay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof arrad badid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradi
(fal) dhartir; dhar ha u gadin. Ha arradin xaaskaaga.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grande
agg. - weyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gravir
gravir, v. - tafid; korid; fanasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raidir
raidir, v. - qalafin; qalafsan; adkayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rancir
rancir, v. - la buurto oo lana soo shiiro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
agrafer
agrafer, v. - Qalab wax laysugu qabto ( 2 shay) laysugu cadaadiyo; isku xidhka gacmaha ee faraha lays waydaarsho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agrària
s.f. - cilmiga beeraha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyandi
-da: (magac, dhedig, keli) maradhaqameed gacanta lagu sameeyo oo midabbo leh. Alyandi ayaan soo xidhay arooskii. Dh: aliindi, banaadiri.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arància
s.f. - liinta macaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arancio
s.m. - geedka liinta macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradid
(Arradid-da)
Dhar la qaato waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradid
m.f.dh eeg arrad². la-mid: arrad¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arradid
vl. n., [abstract] lack of proper clothes, shabbiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhar ka dhammaaday noqosho ama dhar cusub waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arradid
de: lack of proper clothes, shabbiness
lx: arradid
pd: (-da)
ps: vn0-f-abs
key: arradid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradin
m.f.dh eeg arradi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arratir
arratir¹: m.l 1. Dhar arradka looga baxo. 2. la-mid: arratirid. la-mid: arrad-tir¹.
arratir²: f.mg1 (-ray, -rtay) U a.: qof arradan arratirsiin. la-mid: arrad-tir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arratir
arratir¹: m.l Dhar arradka looga baxo.
arratir²: f.mg1 (-ray, -rtay) U a.: qof arradan arratirsiin. m.f.dh, arratirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arratir
(fal) eeg arradbax.
arratir -ka: (magac, lab, keli) dhar cusub u gadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barandi
(Barandi-ga)
Cayaariyaasha danbe xargohooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barandi
m.l.u Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barandi
m. n. rope of a pulley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barandi
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaariyayaasha gadaal ku yaalla ee doonta xadhkaha loogu xidho. Barandi ma laha doontu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barandi
de: rope of a pulley
lx: barandi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: barandi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
glander
glander, v. - warwareeg aan ujeeddo lahayn
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gradire
s.m. - rabid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grandma
/graan-ma/ (n) ayeeyo (grandmother, oo af-suuq ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grandpa
/graanpa/ (n) awoowe, (grandfather, oo af-suuq ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grinder
/grayndhar/ (n) ridqe, mashiin ama qof wax shiida. e.g. a coffee grinder.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Grinder
Shiide
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gronder
gronder, v. - haaraamid canaan ay hadallo cadho lihi weheliyaan
gronder sans cesse - yuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarandi
(Qarandi-da)
1. Bahal Afrika ku nool; wuxuu lee yahay oogo qallafsan, dhabar sida qaansada u xoodan, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhego kuwa dameeraha u eg, dabo sal weyn oo af dhuuban iyo gafuur dheer; waxay cuntaa aboorka iyo quraanyada iyo wixii la mid ah; xabaalaquf; saddexsuulley.
2. Injirta lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarandi
m.dh (-iyo, m.l) Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iyo wixi lamida; xabaalaquf; saddexsuulley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarandi
m.dh (-iyo, m.l) Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iyo wixi lamida; xabaalaquf; saddexsuulley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarandi
f. n. anteater, aardvark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarandi
-da: (n) aardvark (aad-vaak) ~ xaabalaquf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarandi
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan duur joogta ka mid ah oo dhulka godad ka qodda oo leh oogo qallafsan lugo gaagaaban co xoog badan dhego kuwa dameeraha u eg dabo sal weyn dhabar sida qaansada u xoodan af dhuuban iyo gafuur dheer waxay cuntaa aboorka qudhaanjada iyo wixii la mid ah. Ragga qurux la qaayibay badh baad qarandi mooddaaye. Dh: xabaalaquf, kobdarro, saddexsuulley.
qarandi -da: (magac, dhedig, keli) injirta lo'da gasha. Weyshii qarandi ayay yeelatay. Dh: injir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarandi
de: anteater, aardvark
lx: qarandi
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qarandi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
anéantir
anéantir, v. - Baabi'in, tirtirid (Wax jiray); Burburin; Dumin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arranger
arranger, v. - Sidhimin; isku Hagaajin; nidaamin; Degid; dejin; la dego ama la dejiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
garantir
garantir, v. - caymin;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girangir
m.l la-mid: garangar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girangir
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wareegsan oo isku kor wareegta oo bartanka ku leh meel ay isugu timaado. Dh: giraangir, garaangar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grandeur
/graanjar/ (n) weynaan iyo qurxoonaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grandeur
grandeur, n.f. - weyni; weynaan:
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gràndine
s.f. - roob barafeed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
affranchir
affranchir, v. - Sii bixin; Qadimid .
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agganciare
v.tr. - surid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadtir
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley wax harraad ka bi'iya siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadtir
v. quench one's thirst; satisfy someone's need
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadtir
de: quench one's thirst; [ext.] satisfy s.o.'s need
lx: harraadtir
pd: (harraadtiray)
ps: v1=tr
key: harraadtir
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aggredire
v.tr. - weerarid, hororid, haliilid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
agronomia
s.f. - cilmiga beerashada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amoindrir
amoindrir, v. - Yarayn; Dhimid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
applaudir
applaudir, v. - U sacbin; sacab ku taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrad-tir
arrad-tir¹: m.l la-mid: arratir¹, arratirid.
arrad-tir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: arratir².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
attendrir
attendrir, v. - Dhalaalay (Dhalaalid).
se laisser attendrir - Cadha bur-bur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaandag
-da: (n) slope (slowp) ~ janjeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraandar
-ka: (magac, lab, keli) ashqaraar iyo wareer sababa in indhaha si fiican wax looga arki waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddire
m.l la-mid: diraddirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraddiro
(Diraddira-da)
Iskuddir; wax-isaga-sheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddiro
m.dh la-mid: diraddire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraddiro
vl. n. act of stirring up conflict, trouble-making
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraddiro
de: act of stirring up conflict, trouble-making
lx: diraddiro
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: diraddiro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirindiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ diirdiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirindiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
engranger
engranger, V. - makhasiinayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangir
garaangir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
garaangir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
garantire
v.tr. - ballanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garransii
f.g2 (garransiiyay, garransiisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garransii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama ka badan oo wax isku haya wada hadalsiin. m.f.dh, garransiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garransii
v. mediate, arbitrate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garransii
-yey I say: (v) resolve or settle differences; arbitrate (aar bitareeyt)-, mediate (mii diyeeyt) ~ u gamaq, dhexdhexaadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garransii
de: mediate, arbitrate
lx: garransii
pd: (garransiiyey)
ps: v2a=tr
key: garransii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangir
giraangir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
giraangir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giraangir
f. n. wheel, circle; hoop, ring (not for finger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg garangar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giraangir
de: wheel, circle; hoop, ring (not for finger)
lx: giraangir
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: garangar
key: giraangir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girangiri
(fal) sida giraangirta u wad; giraangir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grandiose
grandiose, adj. - quwad weyn leh; awood badan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABAANTIR
(Habantir) S Phyllanthus suffrutescens Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraanhir
haraanhir¹: m.l la-mid: hiraahir¹.
haraanhir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: hiraahir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².