ereyga

agaallicaanood

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

agaallicaanood

DHAN

-da: (magacwadareed) labo xiddigood oo cadcad, kuwa la amaano na ka mid ah ee ayaanka badan. Aroosyada iyo carruurta xilligaa dhalatay, waa lagu bishaaraystaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baadhis

DHAABAN
1

-ta: (magac, dhedig, keli) baadigoobidda wax maqan oo la tebayo.

2

baadhis -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah xiddigaha Soomaalidu ka awaalasheegaan. Waxay isgarab yihiin ururka iyo agaallicaanoodka. Xiddigtii baadhis caaway soo baxday.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

agaalliwaran

DHAFANDHAAF

-ta: (magacwadareed) labo xiddig oo isdaba yaalla oo sida waranka u eg oo dagaal iyo colaad lagu astaysto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Laas-Caanood

DHAFANDHAAF

pr. n., loc. Las-Anod [region in north Somalia.]

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

diillincaanood

DHAFANDHAAF

m.dh Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

diillincaanood

DHAFANDHAAF

m.dh Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diillincaanood

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) waddo cad oo habeenka gurcadka ah cirka laga arko. Gurcudkoo damaa diilincaanood la arkaa. Dh: waddocir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Diillin-caanood

DHAFANDHAAF
1

(Diillin-caanood-da)

2

Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Diillin-Caanood

DHAFANDHAAF

pr. n., loc. Milky Way (galaxy)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buracaanood

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buracaanood

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ilkacaanood

DHAFANDHAAF

-ka: (magacwadareed) ilkaha u horeeya ee carruurta u soo baxa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalisanoow

DHAFANDHAAF

(fal) weligaaba qüima sare ahaw; wax qaali ah ahaw. Qaalisanoow oo hoos ha isku dhigin. Dh: qaalisanaw. Li: raqiisnaw, jabnaw.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

GEED-CAANOOD

DHAFANDHAAF
1

(Ged-anod) S Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.

2

S Euphorbia hirta L. Euphorbiaceae.

3

S Pergularia daema (Forsk)Chiov. Asclepiadaceae.

4

C Euphorbia somalensis Pax. Euphorbiaceae.

5

S Euphorbia indica Lam. Euphorbiaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laballaagood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xadhig yar oo la sooho oo wadhafka oo la yareeyay ah. Waxa uu dhexda ke leeyahay labo laagood oo dhagax la dul dhigo. Labalaagoodku wuu tuurrin dheer yahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalligaroow

DHAFANDHAAF

(fal) eeg qaaliyow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waddacaanood

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) magaca galaaksigeenna oo loo yaqaan 'qanbaarhooyadiijiid'.

2

waddacaanood -da: (magac, dhedig, keli) waddo isku xidha guriga iyo xerada geela. Dh: waddo-hunguri.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

agaalliguduud

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xiddig cas oo la baasaysato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaallanaansho

DHAFANDHAAF

m.l/dh la-mid: gaallanaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

waddo-caanood

DHAFANDHAAF

m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

waddo-caanood

DHAFANDHAAF

m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dagaaljeclaansho

DHAFANDHAAF

m.l/dh la-mid: dagaaljeclaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dagaaljeclaansho

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg dagaal- jeclaan.

waa la naqliyay ✓